Thursday, December 13th, 2018

Sergio Ramos Oo Dhaawac Soo Gaadhay, Kulamada Uu Maqnaanayo Oo Haddaba Wax Laga Ogaaday Iyo Real Madrid Oo Madaxa Ka Qabsatay

Published on November 16, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(17-11-2018) Kabtanka xulka qaranka Spain ee Sergio Ramos ayaa dib ugu laabtay dalkiisa kaddib markii uu dhaawac soo gaadhay intii ay socotay ciyaartii xalay guul-darradu kasoo gaadhay ee Croatia kaga adkaatay 3-2.

Dhaawacan oo madax xanuun ku ah Real Madrid oo ay hore uga maqnaayeen laacibiin badan, sida Marcelo, Carvajal, Nacho, Reguilon, Casemiro iyo kuwa ayaa waxay geli doontaa xaalad murugo leh oo ay ka maqan yihiin inta badan xiddighii goolka u ilaalin jiray, hase yeeshee waxa dhinaca kale adeeggiisa waayi doona xulka qaranka dalkiisa Spain oo kulan saaxiibtinimo kula ballansan dalka Bosnia-Herzegovina toddobaadkan.

Ramos oo dhaliyey gool rikoodhaha ah qaybtii dambe, ayaa la sheegay inuu inta badan isagoo dhaawac muruqa ah qaba ciyaarayay kulanka, laakiin waxa uu dalkiisa  ka badbaadin kari waayey inay guul-darraystaan.

Kabtan Ramos ayaa laga saaray liiska ciyaartooyada Spain ee tababare Enrique ku xisaabtamayo kulanka kusoo fool leh, laakiin baadhitaano ay ku samayn doonaan dhakhaatiirta Real Madrid ayaa lagu qiimayn doonaa xaaladdiisa, waxaana halkaas ay kaga dhawaaqi doonaan sida xaaladdiisu tahay, inuu ciyaari karo kulamada muhiimka ah ee kusoo fool leh iyo inuu ku biirayo liiska maqaneyaasha muddada dheer.

Spain oo ku jirta Group 4 ee tartanka UEFA Nations League ayaa waxay xalay marti u noqotay Croatia oo kaaga soo adkaatay 3-1 kulan ka dhacay Zagreb laakiin waxay rajo ka sugaysaa ciyaarta xiddigaha uu hoggaaminayo Luka Modric ay Axadda la yeelan doonaan England, halkaas oo haddii ay barbar-dhac ku galaan ay kaalinta koowaad kaga soo bixi doonto Groupka.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Xulka kubada Cagta Soomaaliya oo Taariikhi ah ka gaaray dhigiisa Jabuuti

(13-12-2018) Xulka qaranka Soomaaliya ayaa guul ka gaaray wiilasha Xulka Jabuuti kulan ciyaareed Saaxiibtinimo ee ka dhacay wadanka ...

Maxey Aheyd Fariintii Uu Pierre-Emerick Aubameyang Twitter-ka Ugu Gudbiyay Dembele & Falcelintii Halyeeyga Kooxda Ian Wright.

(13-12-2018) Weeraryahanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaa fariin hambalyo ah twitter-ka u dhigay saaxiibkiisii hore Ousmane Dembelekadib markii uu ...

Rocio Oliva oo Guriga ka Cayrisey Diego Maradona Kooxdee ayey Taageertaa?

(13-12-2018) Halyeeyga reer Argentina Diego Armando Maradona ayaa laga ceyriyay gurigiisa kadib markii ay isku dhaceen gacalisadiisa Rocio ...

Goolhaye Dida oo kahadlay Tayada Xiddiga Cusub ee AC Milan Lucas Paqueta

(13-12-2018) Goolhayihii hore Ac Milan Dida ayaa aaminsan Lucas Paqueta inuu si fiican ula qabsan doono Rossoneri, balse ...

Mohamed Salah Ma Farxsana, Fursadda Uu Helo Ma Dhalinayo Oo Waanu Dhibaatoonayaa

(12-12-2018) Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa xalay iska xaadirisay wareegga 16-ka ee tartanka UEFA Champions League, waxaana ay ...

Booqashadii Rooney Ee Aqalka Cad, Kulankii Carruurta Trump Iyo Qaabkii Uu Ku Tegay Madaxtooyada Maraykanka

(12-12-2018) Kabtankii hore ee kooxda Manchester United iyo xulka qaranka England ee Wayne Rooney ayaa booqday aqalka cad ...

Barcelona Oo Ganaax Lacageed Oo Xad-dhaaf Ah Kusoo Rogtay Xiddigii Xalay Badbaadiyey Ee Ousmane Dembélé

(12-12-2018) Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ciqaab adag oo dhaqaale kusoo rogtay xiddigooda Ousmane Dembele oo ahaa laacibkii ...

Wararkii ugu danbeeya Suuqa kala iibsiga Cayaartoyda

(12-12-2018) Shabakeda qalinkacayaaraha ayaa waxa ay eegeysaa wararkii ugu waa weynaa ee suuqa kala iibsiga iyo wararka xanta ...

Messi Airlines: Xogta Gudaha Diyaarad Si Gaarka Ah Loogu Farsameeyey Messi Iyo Waxyaabaha Qariibka Ah Ee Laga Helayo

(12-12-2018) Xiddiga kooxda kubadda cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa markii ugu horreysay loo sameeyey diyaarad u gaar ...

Ronaldo Oo Arrimo Ganacsi Ah Kala Hadlay Gerard Pique – Hadana Doonaya Inuu Wax Badan La Fariisto Si Ay U Wada Hdalaan.

(12-12-2018) Daafaca kasii hawlgabaya kubada cagta ee Gerard Pique ayaa doonaya inuu durba saameyn ku yeesho ganacsiga dunida ...

HOLAC: Kor Kulanka England Ugu Wayn Ee Liverpool vs Man United,Jamie Carragher & Gary Neville Oo Soo Xushay Shaxda Isku Darka Kooxihii Ay Ku Soo Xufiltameen.

(12-12-2018) Kooxaha Liverpool iyo Manchester United ayaa axada geesaha isku dari doona Anfield kulanka kubbada cagta England ugu ...

Waa Maxay Rikoorka Uu Rajeynayo Lionel Messi Inuu Sameeyo Kulanka Levante? Immisa Ciyaartoy Ayaase Kaga Horreeya.

(11-12-2018) Cayaaryahan Lionel Messi waa u dhaqan inuu mar walba rikoor sameeyo, kulankiisa xiga ee horyaalka wuxuu ku ...

Cayaartoygii Ingiriiska Ee Tareenka Ku Dhex Kufsaday Gabadha Oo Maxkamadda Ka Sheegay Wixii Uu Sameeyey

(11-12-2018) Cayaartoy hore ugu ciyaari jiray xulka qaranka England yaaa la hor keenay maxkamadda York ee Duham isaga ...

Lionel Messi oo ku soo bilaaban doona kulanka Caawa

(11-12-2018) Cayaaryahanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa laxaqiijiyey in uu ku soo bilaaban doono Cayaarta Caawa ay kooxdiisu ...

Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay Goolasha ugu badan Xiligaan Horyaalka Premier League

(11-12-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaasheena sharafta lahoow Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay ...