Sunday, December 16th, 2018

Hala Iibiyo Sadio Mane – Taageereyaasha Liverpool Oo U Codeeyey In Kooxda Laga Diro Mane Iyo Hal Ciyaartoy Oo Ay Dalbadeen

Published on November 17, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(17-11-2018) Jamaahiirta kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa dalbaday in kooxda laga diro xiddigaa reer Senegal ee Sadio Mane oo ay si xun u dhaliileen.

Sadio Mane oo xili ciyaareedkii hore qaab wanaagsan soo bandhigay ayaa fasal ciyaareedkan aan samaynin bandhiggii laga filayey, waxaana uu hoos uga dhacay dhinaca gool-dhalinta, caawinta iyo khatartii uu ku hayay kooxaha kasoo horjeedaba, iyadoo marar badan lagu dhaliilo inuu la ficiltamo laacibiinta ay isku kooxda yihiin ee Mohamed Salah iyo Roberto Firmino oo aanu kubbadaha siinin waqtiyada xasaasiga ah ee ay goolasha dhalin karayaan.

Inkasta oo marka ay iska garab ciyaarayaan Mane, Firmino iyo Salah ay yihiin weerarka saddexleyda ah ee ugu halista badan, haddana taageereyaasha ayaa soo bandhigay in aanay ku qanacsanayn qaab-ciyaareedka Mane ee xili-ciyaareedkan oo ay ula ekaatay inuu hoos u dhac ku yimid, waxaana iyagoo adeegsanaya baraha bulshada ay dalbadeen in si degdeg ah loo iibiyo.

Jamaahiirtii Reds ee daawaday ciyaartii England ay 3-0 kaga adkaatay Maraykanka Khamiistii, ayaa waxay ku andacoodeen inuu jiro ciyaartoy ka wanaagsan oo ay heli karayaan, waxaanay tababare Klopp u sheegeen inuu qaato go’aan adag oo ah inuu iibiyo Mane, kaddibna lacagta uu ka helo uu kusoo iibiyo ciyaartoy u dhashay waddanka Ingiriiska oo da’ ahaan aad uga yar Mane balse ciyaartiisu indhaha soo jiidatay.

Daqiiqaddii 78-aad ee ciyaartii England iyo Maraykanka ayaa waxa garoonka soo galay wiilka da’da yar ee Jadon Sancho  oo ka tirsan Borussia Dortmund, waxaana intii aanay dhamaaninba si buuxda ugu qancay taageereyaasha Liverpool oo markiiba baraha bulshada ka bilaabay olole ay kaga dalbanayaan kooxdooda in loosoo iibiyo marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoygu, waxaanay sidoo kale u tilmaameen halka laga keenayo lacagta ay Borussia Dortmund ku xidhi doonto oo dhan 100 milyan oo Gini.

Mar kaliya ayaa waxa baraha bulshada qabsatay farriintan: “Iibiya Mane oo £100 milyan noogu keena Sancho.” iyo farriin kale oo ahayd: “LFC waxay si degdeg ah ugu baahan tahay Sancho.”

Halkan ka akhriso qaar ka mid ah farriimihii jamaahiirta Liverpool u direen kooxdooda:

JW14

@JdoubleU14

I want Jadon Sancho. Buy pls @LFC #ENGUSA

 

1

13:28 – 15 Nov 2018

Twitter Ads information and privacy

See JW14’s other Tweets

Twitter Ads information and privacy

 

!

@cslfc

Replying to @DaveHendrick_

He’s incredible. Would sell Mane and pay 100m for him.

 

12:39 – 15 Nov 2018

Twitter Ads information and privacy

See !’s other Tweets

Twitter Ads information and privacy

 

Lewis 🇬🇧

@thelewisroberts

#Sancho is some player, @LFC sign him up 😂 #ENGvUSA (even if he was a Man City youth player)

 

13:08 – 15 Nov 2018

Twitter Ads information and privacy

See Lewis 🇬🇧’s other Tweets

Twitter Ads information and privacy

 

AJN.

@AndrewJNicholls

Tell you something now. Forget Pulisic, if I’m #LFC I’m all over Sancho.

 

3

12:08 – 15 Nov 2018

Twitter Ads information and privacy

See AJN.’s other Tweets

Twitter Ads information and privacy

 

Mick

@MickHLFC5

I’m all aboard this Sancho train, sign him up lads @LFC

 

3

12:22 – 15 Nov 2018

Twitter Ads information and privacy

See Mick’s other Tweets

Twitter Ads information and privacy

 

Akash

@Akash_LFC

Sancho assist and Trent Alexander Arnold goal. I wanna hear that at Liverpool aswell tho 👀

 

1

12:28 – 15 Nov 2018

Twitter Ads information and privacy

See Akash’s other Tweets

Twitter Ads information and privacy

 

Jon

@jn_smth94

Ngl wouldn’t mind Sancho at Liverpool.. #lfc

 

1

12:36 – 15 Nov 2018

Twitter Ads information and privacy

See Jon’s other Tweets

Twitter Ads information and privacy

 

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...