Sunday, December 16th, 2018

Jacaylkii Jamaahiirta Manchester United iyo Cristiano Ronaldo oo dhamaaday Sabab?

Published on November 17, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(17-11-2018) Taageereyaasha Manchester United waxay u haysteen Cristiano Ronaldo halyey ku suntan magacooda, waxaanay u qabeen jacayl u muuqday in aanu dhamaanaynin xattaa isaga oo ay sannado badan ugu dambaysay inuu funaanadda cas xidho.

Toddobaadkii hore, Cristiano Ronaldo ayaa gool ka dhaliyey Manchester United markii ay Juventus isku haleeleen ciyaartooda labaad ee tartanka Champions League, waxaana uu u damaashaaday si waalli ah isaga oo qaawiyey calooshiisa, kaddib markii uu laag awood badan daba-mariyey David De Gea, hase yeeshee gool laag xor ah ahaa oo uu Juan Mata dhaliyey ciyaarta oo shan daqiiqo ka dhiman tahay iyo mid labaad oo uu shabaqiisa ku leexiyey Bonucci ayaa ka caawiyey Man United inay 2-1 kaga soo adkaato kooxda awoodda badan ee ay martida u ahayd.

Cayaartu markii ay dhamaatay, waxa warbaahinta la hadlay Cristiano Ronaldo oo sheegay in Manchester United aanay u ciyaarin sidii ay guul u gaadhi lahayd, ayna  heshay laba fursadood oo ay ka faa’iidaysatay, taas beddelkeedana waxa uu amaanay kooxdiisa Juventus oo uu ku tilmaamay mid laahyd awood, fursado badan samaysay, laakiin nasiibku ka hiiliyey.

Manchester United dhibaato umay arag in Ronaldo oo ay jecel yihiin uu gool ak dhaliyo, laakiin waxay u qaadan weyday labada ficil ee dambe ee ah damaashaadka lama filaanka ku noqday iyo hadalka ka dambeeyey ee uu wax kaga sheegay ciyaartooda. Tani waxay keentay in jacaylkii ay u qabeen uu isku beddelo nacayb.

Sida uu sheegay Khabiirka ciyaaraha ee Phil Brown, jacaylkii ay u qabeen reer Manchester laacibka Cristiano Ronaldo waxa uu hadda laga bilaabo yahay mid colaad isku beddelay, waxaanu yidhi: “Cristiano Ronaldo wuxuu ahaa ciyaartoy weyn oo Manchester United ah, laakiin taasi way dhamaatay. Aniga jacaylkii aan u hayay Ronaldo wuu iga dhamaaday.”

Phil Brown waxa uu sheegay in intii ka horreysay ciyaartii Juventus uu Ronaldo ahaa laacib ay jecel yihiin, balse dabbaal-deggiisii iyo faalladii uu bixiyey ay wax walba dhinaca kale geeyeen.

Inkastasta oo waxa sida xun u dhibay Brown ay yihiin hadalka uu ciyaarta kaddib Ronaldo bixiyey, haddana waxa uu dhinaca kale qirsan yahay in United ay nasiib ku badisay.

Si kastaba ha ahaatee, jamaahiirta ayaa la eegi doonaa sida ay usoo dhaweeyaan haddiiba ay mar labaad isku dhacaan koox uu Cristiano Ronaldo u ciyaarayo iyo Manchester United.

 

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...