Sunday, December 16th, 2018

Lionel Messi iyo Paul Pogba oo Jimcihii ku shiray Imaaraadka Carabta iyo shaki Cusub oo dhashay

Published on November 17, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(17-11-2018) Magaalada Dubai waxa shalay ka dhacay kulan shaki abuuray oo dhex maray xiddiga Manchester United ee Paul Pogba iyo kabtanka kooxda Barcelona, Lionel  Messi, kuwaas oo waqti ku wada qaatay halkaas.

Lama sheegin waxa ay labada ciyaartoy ka wada hadleen, hase yeeshee Pogba oo dhaawac kaga maqnaa ciyaartii xalay dalkiisa France 2-0 lagaga adkaaday ee guushu ku raacday Holland, ayaa waxa uu safar ku tegay magaalada Dubai xilli ay ciyaartooyada kale ee kooxdiisu fasax u galeen kulamada caalamiga ah, waxaanay halkaas iska heleen Lionel Messi oo isaguna si ku-meelgaadh ah  uga fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah.

Kulankan oo ku soo beegmay xilli Pogba aanu ku faraxsanayn Manchester United iyo Tababare Jose Mourinho oo uu hore ugu hanjabay inuu ka tegi doono bisha January ee foodda inaga soo haysa, ayaan la ogeyn in uu Messi kala xaajoonayo sidii uu u iman lahaa Camp Nou iyo waliba sida ay usoo dhaweyn doonaan.

Pogba ayaa bishii September xilli ay kacsan tahay xiisadda u dhaxaysa Jose Mourinho, waxa uu mar kale sheegay inuu qandaraas kula jiro Manchester oo uu xilligan u ciyaaro, laakiin wuxuu si shaki leh u sheegay in aanu mustaqbalka ogeyn sida wax noqon doonaan.

“Mustaqbalkayga xilligan waa Manchester oo aan heshiis kula jiro haddana u ciyaarayo, laakiin yaa garan kara waxa dhacaya mustaqbalka iyo bilaha soo socda.” Ayuu Pogba yidhi bishii September.

Si kastaba ha ahaatee, muuqaallo laga duubay labadan ciyaartoy oo ku cawaynaya hotel laga cunteeyo oo Dubai ku yaalla ayaa waxa laga maqlayaa hadallo kaftan ah oo ay isweydaarsanayaan Pogba iyo Messi, kuwaas oo muujinaya sida ay iskugu dhow yihiin.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...