Sunday, December 16th, 2018

Lionel Messi Oo Magacaabay Ciyaartoygii Ugu Wanaagsanaa Ee Ingiriis Ah Ee Uu Ka Hor Yimid Iyo Cristiano Ronaldo Oo Ku Waafaqay

Published on November 17, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(17-11-2018) Xiddiga reer Argentine ee Lionel Messi waxa uu sannado badan oo uu garoomada ku jiray ka hor tegay ciyaartooyo waaweyn oo Ingiriis ah sida Frank Lampard, John Terry, Rio Ferdinand, Paul Scholes iyo xiddigo kale, laakiin waxa jira hal ciyaartoy oo si gaar ah ugu calaamadsan oo aanu weligii illoobi doonin sidii uu u shaqaynayey iyo hal-adaygiisii.

Lionel Messi oo shan jeer ku guuleystay abaal-marinta ciyaartoyga ugu wanaagsan dunida ee Ballon d’Or, ayaa hoggaaminayey kooxdii Barcelona ee sannadkii 2009 ay finalka Champions League iskaga hor yimaaddeen Manchester United, halkaas oo mucjisada reer Argentine uu kooxdiisa u qaaday Koobka iyadoo ay garoonka dhex-taagan yihiin Cristiano Ronaldo, Wayne Rooney, Rio Ferdinand iyo Vidic

Inkasta oo Lionel Messi aanu weligii ciyaaraha caalamiga ah ama qaramada kaga hor imanin Wayne Rooney, haddana toddobaadkan ayaa uu halyeyga reer England si rasmi ah usoo gunaanaday ciyaaraha caalamiga ah, waxaana kulan sagootin ah oo ka dhacay garoonka Wembley Khamiistii uu ku tiiriyey kabihii, isla markaana ku siibay funaanaddii uu xidhay sannadkii 2003 iyadoo ay xilligaas da’diisu ahayd 17 jir.

Sida uu qoray Wargeyska Coach Magazine, Lionel Messi ayaa ku tilmaamay Wayne Rooney ciyaartoygii ugu wanaagsanaa ee British ah ee uu waligii ka hor yimaaddo, laakiin fikirkaas waxa ku waafaqay Cristiano Ronaldo oo ay lix sannadood isku koox ahaayeen.

“Sannadihii aan kooxaha British-ka ah kaga hor tegay tartamada Yurub, waxaan la ciyaaray laacibiin badan oo wanaagsan, laakiin mar walba ciyaartoyga aan ixtiraamka iyo xushmadda ugu badan siiyey wuxuu ahaa Rooney. Wuxuu u ciyaaray heerka ugu sarraysa sannado badan, waxaanu ka mid yahay ciyaartooyada ugu fiican ee jiilkan” Sidaas waxa yidhi Lionel Messi oo sifaynayay Wayne ROoney.

Hadalkan waxa Messi ku waafaqay xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo oo ay u wada ciyaari jireen Manchester United oo la yaabay awoodda maskaxeed iyo adayga Rooney.

“Aniga ahaan, awoodda Wayne Rooney waa maskaxdiisa iyo adkaysigiisa. Weligii ma istaaago, mar kasta wuu ordayaa, kooxdana caawinayaa. Waa ciyaartoy kooxood oo caiib ah, goolal badanna dhaliya. Wuxuu dhaliyey goolal muhiim ah, aniga ahaanna waa ciyaartoy aanan qiyaasi karin. Waa carruurtii Ingiriiska. Qof walba wuu jecel yahay. Waa wiil yaab leh iyo ciyaartoy cajiib ah.” Sidaas waxa yidhi Cristiano Ronaldo oo amaantii ugu cuslayd u xambaariyey Cristiano Ronaldo.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...