Thursday, December 13th, 2018

Van Dijk Oo Ku Biiray Xiddigaha Liverpool Ee Neceb Sergio Ramos Sabab La Xidhiidha Mohamed Salah

Published on November 17, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(18-11-2018) Lix bilood ka dib finalkii Champions League ciyaartoyda Liverpool ayaan weli ka cafanin Sergio Ramos wixii uu ku sameeyay Mohamed Salah kulankii finalka.

Daafaca dhexe ee Liverpool Dejan Lovren ayaa si joogta ah u weerarayay kabtanka Real Madrid Sergio Ramos dhowrkii bilood ee ugu danbeysay, isaga ayaana qosolka ku danbeeyay ka dib markii ay Croatia ay 3-2 kaga badisay Spain, wuxuuna ciyaarta ka dib Ramos ku tilmaamay xubinta taranka dumarka.

Laakiin haatan xiddiga ay Lovren iska garab ciyaaraan ee Virgil van Dijk ayaa qeyb ka noqday.

Van Dijk ayaa la weydiiyay awooda difaacasho ee Ramos, waxaana xiddiga Netherlands uu qirtay inuusan taageero u aheyn Ramos.

Ramos ayaa inta badan loo texgeliyaa mid ka mid ah daafacyada ugu fiican kubada cagta laakiin waa fekrad uu ka soo horjeedo Van Dijk.

“Ramos ma ahan daafaca ugu fiican” ayuu Van Dijk u sheegay De Telegraaf.

Waa ciyaaryahan weyn, waana ixtiramayaa wixii uu shaqeystay laakiin ma ahan nooca daafac dhexe ee aan jeclahay. Ramos saaxiibkiisa Real Madrid Raphael Varane ayaa ah midka aan jeclahay. Waa difaac aad u fiican, da’ yar, waxbadana ku guuleystay.

“Ma jecli qaabka uu Ramos wax u difaacdo. Waxaan isku dayaa inaan ka fogaado waxyaabaha qaar ee uu sameeyo.”

Haddii hadalka Van Dijk uu xiriir la leeyahay wixii dhacay finalkii Champions League lama oga, laakiin waxaad ka shakin kartaa in fekerka qof walba oo Liverpool jooga uu ka qabay Ramos inuu isbedelay habeenkaas.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Xulka kubada Cagta Soomaaliya oo Taariikhi ah ka gaaray dhigiisa Jabuuti

(13-12-2018) Xulka qaranka Soomaaliya ayaa guul ka gaaray wiilasha Xulka Jabuuti kulan ciyaareed Saaxiibtinimo ee ka dhacay wadanka ...

Maxey Aheyd Fariintii Uu Pierre-Emerick Aubameyang Twitter-ka Ugu Gudbiyay Dembele & Falcelintii Halyeeyga Kooxda Ian Wright.

(13-12-2018) Weeraryahanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaa fariin hambalyo ah twitter-ka u dhigay saaxiibkiisii hore Ousmane Dembelekadib markii uu ...

Rocio Oliva oo Guriga ka Cayrisey Diego Maradona Kooxdee ayey Taageertaa?

(13-12-2018) Halyeeyga reer Argentina Diego Armando Maradona ayaa laga ceyriyay gurigiisa kadib markii ay isku dhaceen gacalisadiisa Rocio ...

Goolhaye Dida oo kahadlay Tayada Xiddiga Cusub ee AC Milan Lucas Paqueta

(13-12-2018) Goolhayihii hore Ac Milan Dida ayaa aaminsan Lucas Paqueta inuu si fiican ula qabsan doono Rossoneri, balse ...

Mohamed Salah Ma Farxsana, Fursadda Uu Helo Ma Dhalinayo Oo Waanu Dhibaatoonayaa

(12-12-2018) Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa xalay iska xaadirisay wareegga 16-ka ee tartanka UEFA Champions League, waxaana ay ...

Booqashadii Rooney Ee Aqalka Cad, Kulankii Carruurta Trump Iyo Qaabkii Uu Ku Tegay Madaxtooyada Maraykanka

(12-12-2018) Kabtankii hore ee kooxda Manchester United iyo xulka qaranka England ee Wayne Rooney ayaa booqday aqalka cad ...

Barcelona Oo Ganaax Lacageed Oo Xad-dhaaf Ah Kusoo Rogtay Xiddigii Xalay Badbaadiyey Ee Ousmane Dembélé

(12-12-2018) Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ciqaab adag oo dhaqaale kusoo rogtay xiddigooda Ousmane Dembele oo ahaa laacibkii ...

Wararkii ugu danbeeya Suuqa kala iibsiga Cayaartoyda

(12-12-2018) Shabakeda qalinkacayaaraha ayaa waxa ay eegeysaa wararkii ugu waa weynaa ee suuqa kala iibsiga iyo wararka xanta ...

Messi Airlines: Xogta Gudaha Diyaarad Si Gaarka Ah Loogu Farsameeyey Messi Iyo Waxyaabaha Qariibka Ah Ee Laga Helayo

(12-12-2018) Xiddiga kooxda kubadda cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa markii ugu horreysay loo sameeyey diyaarad u gaar ...

Ronaldo Oo Arrimo Ganacsi Ah Kala Hadlay Gerard Pique – Hadana Doonaya Inuu Wax Badan La Fariisto Si Ay U Wada Hdalaan.

(12-12-2018) Daafaca kasii hawlgabaya kubada cagta ee Gerard Pique ayaa doonaya inuu durba saameyn ku yeesho ganacsiga dunida ...

HOLAC: Kor Kulanka England Ugu Wayn Ee Liverpool vs Man United,Jamie Carragher & Gary Neville Oo Soo Xushay Shaxda Isku Darka Kooxihii Ay Ku Soo Xufiltameen.

(12-12-2018) Kooxaha Liverpool iyo Manchester United ayaa axada geesaha isku dari doona Anfield kulanka kubbada cagta England ugu ...

Waa Maxay Rikoorka Uu Rajeynayo Lionel Messi Inuu Sameeyo Kulanka Levante? Immisa Ciyaartoy Ayaase Kaga Horreeya.

(11-12-2018) Cayaaryahan Lionel Messi waa u dhaqan inuu mar walba rikoor sameeyo, kulankiisa xiga ee horyaalka wuxuu ku ...

Cayaartoygii Ingiriiska Ee Tareenka Ku Dhex Kufsaday Gabadha Oo Maxkamadda Ka Sheegay Wixii Uu Sameeyey

(11-12-2018) Cayaartoy hore ugu ciyaari jiray xulka qaranka England yaaa la hor keenay maxkamadda York ee Duham isaga ...

Lionel Messi oo ku soo bilaaban doona kulanka Caawa

(11-12-2018) Cayaaryahanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa laxaqiijiyey in uu ku soo bilaaban doono Cayaarta Caawa ay kooxdiisu ...

Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay Goolasha ugu badan Xiligaan Horyaalka Premier League

(11-12-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaasheena sharafta lahoow Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay ...