Thursday, December 13th, 2018

England vs Croatia – Ciyaarta Dhimashada Ee Caawa, Rajada Labada Dal U Haystaan Inay U Gudbaan Wareegga Labaad Iyo Fursadda Ay Siin Karayaan Spain

Published on November 18, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(18-11-2018) Xulka qaranka England ayaa caawa garoonka Wembley kusoo dhowaynaya dhiggiisa Croatia, ciyaar midkooda badiyaa kasoo bixi doono Group 4, isla markaana rajo la’aan ka dhigi doono Spain oo ka dhursugaysa ciyaartooda, kuyna ducaysanaysa inay barbarreeyaan.

Ingiriiska oo gurigiisa jooga ayaa waxa uu u dagaallami doonaa inuu saddexda dhibcood ee ciyaartan qaato, sidoo kalena uu kaga aarsado Croatia guul-darradii uu u xambaariyey semi-finalkii Koobka Adduunka, waxaana si adag isku diyaariyey tababare Gareth Southgate oo toddobaadkii u dambeeyey sii dejinayey qorsheyaashii uu tartanka kaga cidhib-tiri lahaa Croatia.

Guul ay gaadhaan waxay England u diraysaa inay si toos ah ugu gudbaan wareegga labaad, hase yeeshee barbar-dhac ayaa isaga laftiisu ka caawin doona inay isreeb-reeb usii galaan wareegga xiga, balse waxa sidaas rajo la’aan ku noqonaysa Croatia oo badis kaliya kusoo bixi karta.

Xogta ciyaarta:

Kulanka: England vs Croatia

Tartanka: UEFA Nations League

Waqtiga: 10:45 PM Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Wembley, London, UK

Wararka labada kooxood

England: Xulka qaranka England waxa uu kulan tijaabo ah toddobaadkan la yeeshay Maraykanka, waxaana tababare Southgate uu tijaabiyey shax ka kooban 4-3-3 oo qaybtii hore iyo markii dambe ee uu Rooney soo galay garoonkaba ay ku hawl-galeen.

Bandhig ciyaareedkii wanaagsanaa ee ay muujiyeen waxay keentay in mar kale la fisho in tababaruhu shaxdiisii hore kala hor tegi doono Croatia laakiin uu isbeddel ku samayn doono ciyaartooyada oo uu qaarkood kaydka dhigi doono.

Xiddiga khadka dhexe ee Eric Dier ayaa beddeli doona Fabian Delph oo ciyaartii hore fursad la siiiyey, waxaana dhexda ku mataanayn doona Kabtanka Liverpool ee Jordan Henderson, halka uu booskiisa heli doono Dele Alli.

Jadon Sancho oo si weyn y sacabka ugu tumeen taageereyaashii Ingiriiska ee Fadhiyey Wembley Jimcihii, ayaa la filayaa inuu kaydka galo, hase yeeshee waxa weerarka udub-dhexaad u noqon doona Harry Kane.

Croatia: Croatia waxa madax xanuun ku ah buuxinta booska uu ka baxay Ivan Rakitic oo dhaawac soo gaadhay ciyaartii hore ee Spain ay kaga soo adkaadeen 3-2, laakiin waxa maqnaanshaha ku wehelin doona Josip Pivaric oo tababare Dalic ay tahay inuu helo xalka ugu wanaagsan ee uu ku buuxin karo booskooda.

Khadka difaaca ayaa u wada caafimaad-qaba, waxaana sidii kulankii hore isku garab istaagi doona Sime Vrsaljko, Dejan Lovren, Domagoj Vida iyo halyeygii labada gool dhaliyey ee Tin Jedvaj.

 

Marcelo Brozovic oo xili ciyaareed wanaagsan ku qaadanaya Inter Milan ayaa dhexda dambe ee difaaca xigta ka ciyaari doona, hase yeeshee Luka Modric oo ah halbowlaha koowaad ayaa hoggaamin doona kubadda farsamada iyo caqliga ku dhisan ee uu xulkiisa u yeedhiyo, waxaana garabkiisa taagnaan doona Mateo Kovacic oo buuxin doona booska Rakitic.

 

Ivan Perisic ayaa dammaanad u haysta inuu booskiisa dhinac bidix ee weerarka ka ciyaaro, waxaase afka hore mataano ku noqon doona Kramaric iyo Rebic.

 

Shaxda macquulka ah ee labada xul:

 

England (4-3-3): Pickford; Walker, Gomez, Stones, Shaw; Henderson, Dier, Alli; Sterling, Kane, Rashford;

 

Croatia (4-3-3): Kalinic; Vrsaljko, Lovren, Vida, Jedvaj; Modric, Brozovic, Kovacic; Kramaric, Rebic, Perisic;

 

Taariikh Kooban:

 

Xulka qaranka England ayaa gacanta sare leh marka la eego kulamadii ay hore iskaga hor yimaaddeen. Xulka saddexda libaax (England) ayaa guuleystay afar kulan oo ka mid ah sagaal jeer oo ay wada ciyaareen, waxaana Croatia oo lagu naanayso Vatreni ay guusha la carraabeen saddex halka labada ciyaarood ee hadhayna ay barbar-dhac ku kala baxeen.

England hal mar oo kaliya ayay guul-darraysatay afartii kualn ee ugu dambaysay ee ay iska hor yimaaddeen Croatia, waxaanay ahayd Koobkii Adduunka ee xagaaga lagu qabtay Ruushka oo Croatia ay 2-1 ku adkaatay. Saddexda eer ee hore, laba waxa badiyey Ingiriiska, midka kalena barbar-dhac ayay galeen.

Croatia khadka dambe ee difaaca ayay dhibaato ka haysataa, waxaana tobankii ciyaarood ee ugu dambeeyey ay shabaqooda nadiif ka dhigeen hal kulan oo kaliya, waxaana isku-geyn laaga dhaliyey 19 gool.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Xulka kubada Cagta Soomaaliya oo Taariikhi ah ka gaaray dhigiisa Jabuuti

(13-12-2018) Xulka qaranka Soomaaliya ayaa guul ka gaaray wiilasha Xulka Jabuuti kulan ciyaareed Saaxiibtinimo ee ka dhacay wadanka ...

Maxey Aheyd Fariintii Uu Pierre-Emerick Aubameyang Twitter-ka Ugu Gudbiyay Dembele & Falcelintii Halyeeyga Kooxda Ian Wright.

(13-12-2018) Weeraryahanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaa fariin hambalyo ah twitter-ka u dhigay saaxiibkiisii hore Ousmane Dembelekadib markii uu ...

Rocio Oliva oo Guriga ka Cayrisey Diego Maradona Kooxdee ayey Taageertaa?

(13-12-2018) Halyeeyga reer Argentina Diego Armando Maradona ayaa laga ceyriyay gurigiisa kadib markii ay isku dhaceen gacalisadiisa Rocio ...

Goolhaye Dida oo kahadlay Tayada Xiddiga Cusub ee AC Milan Lucas Paqueta

(13-12-2018) Goolhayihii hore Ac Milan Dida ayaa aaminsan Lucas Paqueta inuu si fiican ula qabsan doono Rossoneri, balse ...

Mohamed Salah Ma Farxsana, Fursadda Uu Helo Ma Dhalinayo Oo Waanu Dhibaatoonayaa

(12-12-2018) Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa xalay iska xaadirisay wareegga 16-ka ee tartanka UEFA Champions League, waxaana ay ...

Booqashadii Rooney Ee Aqalka Cad, Kulankii Carruurta Trump Iyo Qaabkii Uu Ku Tegay Madaxtooyada Maraykanka

(12-12-2018) Kabtankii hore ee kooxda Manchester United iyo xulka qaranka England ee Wayne Rooney ayaa booqday aqalka cad ...

Barcelona Oo Ganaax Lacageed Oo Xad-dhaaf Ah Kusoo Rogtay Xiddigii Xalay Badbaadiyey Ee Ousmane Dembélé

(12-12-2018) Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ciqaab adag oo dhaqaale kusoo rogtay xiddigooda Ousmane Dembele oo ahaa laacibkii ...

Wararkii ugu danbeeya Suuqa kala iibsiga Cayaartoyda

(12-12-2018) Shabakeda qalinkacayaaraha ayaa waxa ay eegeysaa wararkii ugu waa weynaa ee suuqa kala iibsiga iyo wararka xanta ...

Messi Airlines: Xogta Gudaha Diyaarad Si Gaarka Ah Loogu Farsameeyey Messi Iyo Waxyaabaha Qariibka Ah Ee Laga Helayo

(12-12-2018) Xiddiga kooxda kubadda cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa markii ugu horreysay loo sameeyey diyaarad u gaar ...

Ronaldo Oo Arrimo Ganacsi Ah Kala Hadlay Gerard Pique – Hadana Doonaya Inuu Wax Badan La Fariisto Si Ay U Wada Hdalaan.

(12-12-2018) Daafaca kasii hawlgabaya kubada cagta ee Gerard Pique ayaa doonaya inuu durba saameyn ku yeesho ganacsiga dunida ...

HOLAC: Kor Kulanka England Ugu Wayn Ee Liverpool vs Man United,Jamie Carragher & Gary Neville Oo Soo Xushay Shaxda Isku Darka Kooxihii Ay Ku Soo Xufiltameen.

(12-12-2018) Kooxaha Liverpool iyo Manchester United ayaa axada geesaha isku dari doona Anfield kulanka kubbada cagta England ugu ...

Waa Maxay Rikoorka Uu Rajeynayo Lionel Messi Inuu Sameeyo Kulanka Levante? Immisa Ciyaartoy Ayaase Kaga Horreeya.

(11-12-2018) Cayaaryahan Lionel Messi waa u dhaqan inuu mar walba rikoor sameeyo, kulankiisa xiga ee horyaalka wuxuu ku ...

Cayaartoygii Ingiriiska Ee Tareenka Ku Dhex Kufsaday Gabadha Oo Maxkamadda Ka Sheegay Wixii Uu Sameeyey

(11-12-2018) Cayaartoy hore ugu ciyaari jiray xulka qaranka England yaaa la hor keenay maxkamadda York ee Duham isaga ...

Lionel Messi oo ku soo bilaaban doona kulanka Caawa

(11-12-2018) Cayaaryahanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa laxaqiijiyey in uu ku soo bilaaban doono Cayaarta Caawa ay kooxdiisu ...

Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay Goolasha ugu badan Xiligaan Horyaalka Premier League

(11-12-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaasheena sharafta lahoow Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay ...