Thursday, December 13th, 2018

Sadex Arimood oo Hogaanka Premier League ku soo celin karaya Manchester United?

Published on November 18, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(18-11-2018) Kooxdii guulaha badnayd ee Manchester United, waxay xili ciyaareedkan kaalinta siddeedaad kaga jirtaa horyaalka Premier League, waxaanay hoos uga sii degtay kaalintii ay xili ciyaareedkii hore ku dhamaysatay ee booska labaad, umana muuqato inay si sahlan kusoo laaban karto, sababtoo ah, waxa kaalmaha sare isku baacsanaya naadiyo si adag u dhisan oo kubaddooduna isku toosan tahay, sida Manchester City, Liverpool, Chelsea iyo Arsenal.

Dhibaatada Manchester United haysata siyaabo kala duwan ayaa loo falanqeeyey, dadka qaarkood oo uu ku jiro tababare Jose Mourinho na waxay ku fadhiisiyeen inay kasoo bilaabantay suuqii iibka ee sannadkan oo aanay ka faa’iidaysanin, balse waxa jira dad kale oo fikirkaas kasoo horjeeda oo macallinka dusha ka saaraya fashilka oo dhan.

Intii uu Jose Mouirnho tababaraha ka ahaa, waxay Manchester United suuqa gelisay lacag dhan 382.5 milyan oo Gini, marka la barbar-dhigo lacagta ay Man City kharash-garaysay muddadaasna farqi sidaa u badan uma dhexeeyo amaba way isku dhow yihiin, waxaanay suuqa gelisay lacag dhan 518 milyan oo Gini, laakiin dhibaatadu waxay tahay, United waxay soo qaadatay ciyaartooyo shaqadooda aan qabsan karaynin, halka City ay laacibiintii cusbaa u shaqeeyeen.

Tusaale ahaan, Manchester United waxay 52 milyan kusoo iibsatay laacibka khadka dhexe ee reer Brazil ee Fred oo illaa hadda aan muujinin calaamad uu ku heli karayo boos joogto ah, ciyaartiisuna ay la jaan-qaadi kari la’dahay Man United. Laakiin, City ayaa iyduna soo iibsatay Bernardo Silva oo isbeddel baaxad leh iyo tayo la dareemi karayo kusoo kordhiyey naadiga, iyadoo kulamada uu kaydka kasoo kacana la dareemo saamayntiisa marka uu soo galo garoonka.

Haddaba waxa aanu halkan idiinku soo bandhigaynaa saddex arrimood oo Manchester United kusoo celin karaya booskeedii hore ee hoggaaminta horyaalka ee ay ka maqnayd shantii sannadood ee ugu dambeeyey.

  1. In kooxda la keeno Agaasime ciyaareed

Manchester United waxay u shaqaysaa qaab guun ah oo laga baxay oo aan xilligan la jaan-qaadi karaynin kubadda cagta ee casriga ah, waana sida maamulku ugu urursan yahay guddoomiyaha oo qabta shaqo maalmeedka maalinlaha ah illaa go’aanka ugu dambeeya, laakiin kooxaha kale ee kubadda cagta Yurub, waxay u dhaqmaan si ka duwan, shaqooyinka maamulka ee hoosena waxa qabta agaasimaha ciyaaraha oo u gudbiya maamulka sare go’aanka ugu dambeeya ee ay tahay inay taladooda ku yeeshaan.

Manchester City, waxay shaqaalaysiiyeen agaasimihii ciyaara Barcelona ee Texeira, sidaas oo kale ayaanay tahay Man United inay u yeelato agaasime ciyaareed, waxaana ragga mudan inay doonato ka mid ah agaasimaha kubadda cagta Roma oo ah shaqsi sumcad badan leh, isla markaana shaqadiisa laga dareemayo naadigiisa hadda iyo sida uu ciyaartooyo da’yar oo aan lacag badan kaga soo bixin u keenay oo haddana xiddigo u yihiin.

  1. In la eryo ama si buuxda loo taageero Jose Mourinho

Jose Mourinho waxa uu ka mid yahay tababaareyaasha ugu wanaagsanaa qarniga 21aad, waxaana uu soo kordhiyey qaar ka mid ah farsamooyinka ugu cajiibsan ee kubadda cagta, kuwaas oo uu kasoo

bilaabay FC Porto ka hor intii aanu Chelsea ka noqonin halyey ay farsamadiisa ku jabeen kooxaha waaweyn ee Premier League.

Farsamooyinkiisa cajiibka ah waxay keeneen in loogu yeedho naanaysta ah ‘The Special One’, waxaanu laf-dhuungashay ku noqday tababareyaashii hore ee Man United iyo Arsenal ee Alex Ferguson iyo Arsene Wenger oo dhinaciisa dhulka dhigi waayey.

Sidaas oo ay tahay, intii uu Manchester United la wareegay, way u shaqayn la’dahay farsamadiisii iyo isku-duba-ridkiisii, waxaanu ku dhawaaday in shaqada laga caydhiyo ka hor intii aanay guulo xummad-jebin ah kooxdu ka gaadhin Newcastle iyo Juventus.

Si kooxdu u guuleysato, Manchester United maamulkeeda waxa la gudboon inay laba arrimood kala doortaan, kuwaas oo midka hore tahay inay shaqada ka caydhiyaan Jose Mourinho oo ay magacaabaan tababare kale iyo arrinka labaad oo ah midka ugu macquulsan, waana inay si buuxda u taageeraan Special One oo ay u keenaan ciyaartooyada uu doonayo.

Waxa uu hore u dalbaday ciyaartooyo khadka dhexe iyo difaaca ah, laakiin looma keenin kuwii uu u baahnaa, waanay dhibaysaa inuu arko Manchester City oo sannadkii labaad ku ceshanaysa horyaalka iyadoo ay kubbad qurux badan u hagayaan De Bruyne, Leroy Sane, Riyad Mahrez iyo labada Silva, halka isagana ay u shaqayn waayeen labadii saxeex ee uu sameeyey ee Fred iyo Alexis Sanchez.

  1. Ciyaartooyo da’yar oo lagu soo kordhiyo

Manchester United waxay hadda baasha midig ee difaaca ka ciyaarsiiyaa Ashley Young oo buuxiya booska Antonio Valencia oo dhaawacyo iyo bandhig-ciyaareed liita daraadood u maqan, laakiin dhibaatada haysata kooxdu waa in ciyaartooyo badan ay  da’doodu kor u dhaaftay 30 jirka, waxaana xiddigahaas ka mid ah Young.

Antonio Valencia, Nemanjja Matic, Marouane Fellaini, Juan Mata iyo Ashley Young dhamaantood waxay kor u dhaafeen da’da 30 jirka, laakiin xiddiga kale ee Alexis Sanchez, Ander Herrera, Chris Smalling iyo Marcos Rojo ayaa iyaguna hadda galay amaba ku dhow da’da 30 jirka, sidaas daraadeed, waxa taalla baahi loo qabo ciyaartooyo da’yar oo tayo ciyaareed leh.

Maamulka Manchester United waa inuu ka fikiro sidii ay kooxdu jidka toosan ugu sugnaan lahayd, saxeexyo degdeg ah oo caawiya Paul Pogba iyo Romelu Lukaku na la sameeyo, kuwaas oo waqti dheer kusii jiri kara garoomada marka la barbar-dhigo odayaasha ku jira dhamaadka cimrigooda ciyaareed.

Saddexdan arrimood haddii ay Manchester United samayso, waxay kusoo laaban kartaa hoggaanka oo ay tartan adag kula geli karto naadiyada hadda ku hirdamaya, haddii kale, waxay noqon doontaa koox liidata oo boosaska dhexe ka gasha horyaalka, taas oo xattaa ay ku adkaan doonto inay usoo baxdo Champions League.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Xulka kubada Cagta Soomaaliya oo Taariikhi ah ka gaaray dhigiisa Jabuuti

(13-12-2018) Xulka qaranka Soomaaliya ayaa guul ka gaaray wiilasha Xulka Jabuuti kulan ciyaareed Saaxiibtinimo ee ka dhacay wadanka ...

Maxey Aheyd Fariintii Uu Pierre-Emerick Aubameyang Twitter-ka Ugu Gudbiyay Dembele & Falcelintii Halyeeyga Kooxda Ian Wright.

(13-12-2018) Weeraryahanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaa fariin hambalyo ah twitter-ka u dhigay saaxiibkiisii hore Ousmane Dembelekadib markii uu ...

Rocio Oliva oo Guriga ka Cayrisey Diego Maradona Kooxdee ayey Taageertaa?

(13-12-2018) Halyeeyga reer Argentina Diego Armando Maradona ayaa laga ceyriyay gurigiisa kadib markii ay isku dhaceen gacalisadiisa Rocio ...

Goolhaye Dida oo kahadlay Tayada Xiddiga Cusub ee AC Milan Lucas Paqueta

(13-12-2018) Goolhayihii hore Ac Milan Dida ayaa aaminsan Lucas Paqueta inuu si fiican ula qabsan doono Rossoneri, balse ...

Mohamed Salah Ma Farxsana, Fursadda Uu Helo Ma Dhalinayo Oo Waanu Dhibaatoonayaa

(12-12-2018) Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa xalay iska xaadirisay wareegga 16-ka ee tartanka UEFA Champions League, waxaana ay ...

Booqashadii Rooney Ee Aqalka Cad, Kulankii Carruurta Trump Iyo Qaabkii Uu Ku Tegay Madaxtooyada Maraykanka

(12-12-2018) Kabtankii hore ee kooxda Manchester United iyo xulka qaranka England ee Wayne Rooney ayaa booqday aqalka cad ...

Barcelona Oo Ganaax Lacageed Oo Xad-dhaaf Ah Kusoo Rogtay Xiddigii Xalay Badbaadiyey Ee Ousmane Dembélé

(12-12-2018) Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ciqaab adag oo dhaqaale kusoo rogtay xiddigooda Ousmane Dembele oo ahaa laacibkii ...

Wararkii ugu danbeeya Suuqa kala iibsiga Cayaartoyda

(12-12-2018) Shabakeda qalinkacayaaraha ayaa waxa ay eegeysaa wararkii ugu waa weynaa ee suuqa kala iibsiga iyo wararka xanta ...

Messi Airlines: Xogta Gudaha Diyaarad Si Gaarka Ah Loogu Farsameeyey Messi Iyo Waxyaabaha Qariibka Ah Ee Laga Helayo

(12-12-2018) Xiddiga kooxda kubadda cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa markii ugu horreysay loo sameeyey diyaarad u gaar ...

Ronaldo Oo Arrimo Ganacsi Ah Kala Hadlay Gerard Pique – Hadana Doonaya Inuu Wax Badan La Fariisto Si Ay U Wada Hdalaan.

(12-12-2018) Daafaca kasii hawlgabaya kubada cagta ee Gerard Pique ayaa doonaya inuu durba saameyn ku yeesho ganacsiga dunida ...

HOLAC: Kor Kulanka England Ugu Wayn Ee Liverpool vs Man United,Jamie Carragher & Gary Neville Oo Soo Xushay Shaxda Isku Darka Kooxihii Ay Ku Soo Xufiltameen.

(12-12-2018) Kooxaha Liverpool iyo Manchester United ayaa axada geesaha isku dari doona Anfield kulanka kubbada cagta England ugu ...

Waa Maxay Rikoorka Uu Rajeynayo Lionel Messi Inuu Sameeyo Kulanka Levante? Immisa Ciyaartoy Ayaase Kaga Horreeya.

(11-12-2018) Cayaaryahan Lionel Messi waa u dhaqan inuu mar walba rikoor sameeyo, kulankiisa xiga ee horyaalka wuxuu ku ...

Cayaartoygii Ingiriiska Ee Tareenka Ku Dhex Kufsaday Gabadha Oo Maxkamadda Ka Sheegay Wixii Uu Sameeyey

(11-12-2018) Cayaartoy hore ugu ciyaari jiray xulka qaranka England yaaa la hor keenay maxkamadda York ee Duham isaga ...

Lionel Messi oo ku soo bilaaban doona kulanka Caawa

(11-12-2018) Cayaaryahanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa laxaqiijiyey in uu ku soo bilaaban doono Cayaarta Caawa ay kooxdiisu ...

Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay Goolasha ugu badan Xiligaan Horyaalka Premier League

(11-12-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaasheena sharafta lahoow Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay ...