Thursday, December 13th, 2018

LA OGAADAY: Kulan Dhex-maray Real Madrid Iyo Arsene Wenger, Diidmadiisii Iyo Goob-jooge Ka Warramay Wixii Dhaca

Published on November 19, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(19-11-2018) Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa kulan la yeelatay tababarihii hore ee Arsenal ee Arsene Wenger, kaas oo ay doonaysay in loo magacaabo tababaraha.

Real Madrid ayaa markii uu ka tegay Zinedine Zidane waxay gashay xaalad hubanti la’aan tababare ah, waxaanay si lama filaan ah horraantii bishii June ee sannadkan u magacowday Julen Lopetegui oo ahaa macallinkii hoggaaminayey xulka qaranka Spain ee Koobka Adduunka tegay, hase yeeshee warkaas ayaa qalalaase ka kiciyey gudaha xulka, aakhirkiina waxa shaqadaas laga eryey maalin ka hor intii aanu bilaabmin tartankaas.

Shaqadii Lopetegui ka galaafatay xulkiisa ee Real Madrid may noqonin mid uu ku najaxo, waxaana la caydhiyey dhamaadka bishii October kaddib guul-darro qadhaadh oo Los Blancos ay kala kulantay Barcelona, waxaana xilka si ku-meelgaadh ah loogu dhiibay Santiago Solari ka hor intii aan toddobaadkan rasmi looga dhigin.

Haddaba, madaxweynihii hore ee kooxda kubadda cagta PSG ee Charles Villeneuve ayaa waxa uu sheegay inuu ka qayb-galay wada-hadallo ay yeesheen Real Madrid iyo Arsene Wenger oo ka dhacay dalka Talyaaniga, hase yeeshee aanay noqonin kuwo guuleysta.

Villeneuve waxa uu tibaaxay in Real Madrid oo kaliya aanay doonaynin Wenger, balse ay Bayern Munich loollan kula jirtay, waxaanu yidhi: “Labada kooxoodba waxay doonayeen inay tababare ka dhigtaan. ANigu waxa aan ka qayb-galay wada-xaajoodkii Real Madrid iyo isaga ku dhex-maray Talyaaniga. Laakiin wuxuu go’aansaday inuu sii joogo Arsenal.”

Kulankan oo dhacay intii aanu Wenger ku dhawaaqin iscasilaaddii uu kaga tegay Gunners oo uu macallin u ahaa 1996 illaa 20018, ayaanu Villeneuve si cad u sheegin waqtiga uu qabsoomay.

Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid iyo Bayern Munich ayaa marar badan lala xidhiidhiyey Arsene Wenger, laakiin ma  jirin qof si cad u sheega kulan u qabsoomay dhinacyada ka hor Villeneuve.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Xulka kubada Cagta Soomaaliya oo Taariikhi ah ka gaaray dhigiisa Jabuuti

(13-12-2018) Xulka qaranka Soomaaliya ayaa guul ka gaaray wiilasha Xulka Jabuuti kulan ciyaareed Saaxiibtinimo ee ka dhacay wadanka ...

Maxey Aheyd Fariintii Uu Pierre-Emerick Aubameyang Twitter-ka Ugu Gudbiyay Dembele & Falcelintii Halyeeyga Kooxda Ian Wright.

(13-12-2018) Weeraryahanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaa fariin hambalyo ah twitter-ka u dhigay saaxiibkiisii hore Ousmane Dembelekadib markii uu ...

Rocio Oliva oo Guriga ka Cayrisey Diego Maradona Kooxdee ayey Taageertaa?

(13-12-2018) Halyeeyga reer Argentina Diego Armando Maradona ayaa laga ceyriyay gurigiisa kadib markii ay isku dhaceen gacalisadiisa Rocio ...

Goolhaye Dida oo kahadlay Tayada Xiddiga Cusub ee AC Milan Lucas Paqueta

(13-12-2018) Goolhayihii hore Ac Milan Dida ayaa aaminsan Lucas Paqueta inuu si fiican ula qabsan doono Rossoneri, balse ...

Mohamed Salah Ma Farxsana, Fursadda Uu Helo Ma Dhalinayo Oo Waanu Dhibaatoonayaa

(12-12-2018) Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa xalay iska xaadirisay wareegga 16-ka ee tartanka UEFA Champions League, waxaana ay ...

Booqashadii Rooney Ee Aqalka Cad, Kulankii Carruurta Trump Iyo Qaabkii Uu Ku Tegay Madaxtooyada Maraykanka

(12-12-2018) Kabtankii hore ee kooxda Manchester United iyo xulka qaranka England ee Wayne Rooney ayaa booqday aqalka cad ...

Barcelona Oo Ganaax Lacageed Oo Xad-dhaaf Ah Kusoo Rogtay Xiddigii Xalay Badbaadiyey Ee Ousmane Dembélé

(12-12-2018) Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ciqaab adag oo dhaqaale kusoo rogtay xiddigooda Ousmane Dembele oo ahaa laacibkii ...

Wararkii ugu danbeeya Suuqa kala iibsiga Cayaartoyda

(12-12-2018) Shabakeda qalinkacayaaraha ayaa waxa ay eegeysaa wararkii ugu waa weynaa ee suuqa kala iibsiga iyo wararka xanta ...

Messi Airlines: Xogta Gudaha Diyaarad Si Gaarka Ah Loogu Farsameeyey Messi Iyo Waxyaabaha Qariibka Ah Ee Laga Helayo

(12-12-2018) Xiddiga kooxda kubadda cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa markii ugu horreysay loo sameeyey diyaarad u gaar ...

Ronaldo Oo Arrimo Ganacsi Ah Kala Hadlay Gerard Pique – Hadana Doonaya Inuu Wax Badan La Fariisto Si Ay U Wada Hdalaan.

(12-12-2018) Daafaca kasii hawlgabaya kubada cagta ee Gerard Pique ayaa doonaya inuu durba saameyn ku yeesho ganacsiga dunida ...

HOLAC: Kor Kulanka England Ugu Wayn Ee Liverpool vs Man United,Jamie Carragher & Gary Neville Oo Soo Xushay Shaxda Isku Darka Kooxihii Ay Ku Soo Xufiltameen.

(12-12-2018) Kooxaha Liverpool iyo Manchester United ayaa axada geesaha isku dari doona Anfield kulanka kubbada cagta England ugu ...

Waa Maxay Rikoorka Uu Rajeynayo Lionel Messi Inuu Sameeyo Kulanka Levante? Immisa Ciyaartoy Ayaase Kaga Horreeya.

(11-12-2018) Cayaaryahan Lionel Messi waa u dhaqan inuu mar walba rikoor sameeyo, kulankiisa xiga ee horyaalka wuxuu ku ...

Cayaartoygii Ingiriiska Ee Tareenka Ku Dhex Kufsaday Gabadha Oo Maxkamadda Ka Sheegay Wixii Uu Sameeyey

(11-12-2018) Cayaartoy hore ugu ciyaari jiray xulka qaranka England yaaa la hor keenay maxkamadda York ee Duham isaga ...

Lionel Messi oo ku soo bilaaban doona kulanka Caawa

(11-12-2018) Cayaaryahanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa laxaqiijiyey in uu ku soo bilaaban doono Cayaarta Caawa ay kooxdiisu ...

Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay Goolasha ugu badan Xiligaan Horyaalka Premier League

(11-12-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaasheena sharafta lahoow Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay ...