Friday, February 15th, 2019

XOG: Goormaa La Samaynayaa Isku Aadka Afar Dhamaadka UEFA Nations League? Xulalka Soo Baxay Iyo Waqtiga Kulamadan La Ciyaari Doono

Published on November 19, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(20-11-2018) Waxaa caawa la soo gaba gabayn doonaa xulalka u soo baxaya afar dhamaadka tartanka xulalka qaramada qaarada Yurub ee UEFA Nations League iyada oo haddaba la ogyahay saddex ka mid ah afarta xul qaran ee ku sii tartami doona koobka UEFA Nations League.

Isku aadka afar dhamaadka UEFA Nations League ayaa la samayn doonaa waxaana sidoo kale la shaaciyay taariikha la ciyaari doono labada kulan ee afar dhamaadka UEFA Nations League halka sidoo kale lagu sii dhawaaqay taariikhda la ciyaari doono maalinta la ciyaari doono finalka iyo kaalinta saddexaad ee UEFA Nations League.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa xog la xidhiidha xulalka qaramada soo baxay ee ku sii tartami doona UEFA Nations League iyo waliba waqtiga la samayn doono isku aadkiisa si la mid ah taariikhaha muhiimka ah ee la ciyaari doono finalka iyo kaalinta saddexaad ee tartankan.

Goormaa La Samaynayaa Isku Adka Afar Dhamaadka UEFA Nations League:

Isku aadka wareega afar dhamaadka UEFA Nations league ayaa lagu samayn doonaa magaalada Dublin maalinta isniinta ee December 3,2018 markaas oo ay afarta xul qaran ee tartankan iskugu soo hadhayaa ay ogaan doonaan cida ay wajihi doonaan.

Goormaa La Ciyaari Doonaa Kulamada Afar Dhamaadka, kaalinta saddexaad iyo waliba Finalka UEFA Nations League?:

Kulamada dhamaadka UEFA Nations League waxaa la ciyaari doonaa bisha June 2019 horaanteeda markaas oo ah xili ay soo dhamaan doonaan horyaalada Yurub waxaana kulamada afar dhamaadka UEFA Nations League la ciyaari doonaa June 5,2019 iyo June 6,2019.

Kulanka kaalinta saddexaad loo tartamayo iyo waliba kulanka kama danbaysta finalka ee UEFA Nations League ayaa isku maalin la ciyaari doonaa waxaana la shaaciyay in la qaban doono maalinta June 9,2019.

Xulalkee Iskugu Soo Hadhay Afar Dhamaadka UEFA Nations League?

Xulalka qaramada Engalnd, Portugal iyo Switzerland ayaa haddaba booskooda afar dhamaadka UEFA Nations league xaqiijistay waxaana caawa la sugayaa xulka afraad ee soo bixi doona iyada oo haddaba la ogyahay in France ama Netherlands uu kaalinta hadhsan soo buuxin doono.

Xulka qaranka Germany oo Netherlands iyo France ay isku group yihiin ayaa haddaba ka hadhay UEA Nations League wuxuuna dagaalku dhex yaalaa France iyo Netherlands. Waxaa caawa wada ciyaari doona Netherlands iyo Germany iyada oo haddii Germany ay guulaystaan uu France soo bixi doono.

Laakiin haddii Netherlands ay barbaro la galaan Germany ama ay guulaystaan waxay ka mid noqon doonaan afarta xul qaran ee UEFA Nations league ku tartami doona.

Sidaa daraadeed, afarta xul qaran ee UEFA Nations League ku tartami doonaa waxay noqon karaa England, Portugal, Switzerland iyo midkii caawa soo baxa Netherlands/France.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...