Thursday, December 13th, 2018

Edinson Cavani Oo Liiska Murashaxiinta Ballon d’Or Ka Saaray Lionel Messi Iyo Cristiano Ronaldo

Published on November 20, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(21-11-2018) Weeraryahanka xulka qaranka Uruguay iyo kooxda PSG ee Edinson Cavani ayaa sheegay in abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or ay sannadkan u qalmaan xiddigihii wacdaraha ka dhigay oo kaliya, waxaanu meesha ka saaray Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi oo tobankii sannadood ee ugu dambeeyey iska kaligood ku loollami jiray.

Cavani oo u warramayay barnaamij ka baxa idaacad lagu magacaabo Radio Montecarlo oo uu soo saaro xiddigii hore ee xulka qaranka France iyo AC Milan ee Christophe Dugarry, ayaa waxa uu kaga hadlay xidhiidhka u dhexeeya isaga iyo labada weeraryahan ee kale ee PSG ee Neymar iyo Kylian Mbappe, qaabka ay u wada shaqeeyaan iyo sida ay muhiim ugu yihiin kooxda.

“Waxaanu haysanaa saddex ciyaartoy oo tayadoodu naga dhigtay koox muhiim ah, waana iska caadi in dhamaantayo aanu doonayno inaanu dhalino goolal, tababaraha ayaana noo dejiya sida aanu u ciyaarayno weerar illaa difaac. Thomas Tuchel in badan ayuu nala hadlaa xilli ka xilli laakiin wax fudud maaha.” Sidaas ayuu yidhi Cavani oo u warramayay Dugarry.

Cavani waxa uu qiray in tababaraha ay ku adag tahay inuu kala xusho ciyaartooyo badan oo xiddigo ah oo kooxda jooga, balse ugu dambaynta ay isfahmi doonaan, waxaanu yidhi: “Uma fududa tababaraha, laakiin waxay ila tahay, in qunyar qunyar shaqada aanu qabano ee maalinlaha ah aanu guul ku keeni doono. Marka aanu isfahamno, waxa aanu gaadhi doonaa guulo badan, sababtuna waa in aanaan sidan (dhibaatada) kusii jiri doonin.”

Jimcihii waxa ciyaar saaxiibtinimo iskaga hor yimid Brazil iyo Uruguay, waxaana 1-0 ay guushu ku raacday xiddigaha Brazil, balse intii ay ciyaartu socotay, waxa la arkayey Neymar iyo Cavani oo garoonka dhexdiisa ku murmaya, waxaana uu Dugarry weydiiyey Cavani sidii ay arrintaasi u dhacday, waxaanu ku jawaabay: “Waxyaabahani way dhacaan kubadda cagta. Waxa aanu nahay saaxiibbo, walaalo. Laakiin waxa aad doonaysaa inaad guul u keento oo u dagaallanto xulka qarankaaga. Anigu waxba maan samayn, mana taabanin isaga. Waxa aan ugu tegay inaan la hadlo, waxaanan u sheegay in aanan taabanin, intaas ayay ahayd.”

Ugu dambayn, Edinson Cavani waxa sheegay in ciyaartoyga u qalma abaal-marinta Ballon d’Or uu yahay difaacyahanka xulka qaranka France iyo Real Madrid ee Raphael Varane, waxaanu yidhi: “Waxay ila tahay in Raphael Varane ka sarreeyo Griezmann, Mbappe…

“Aniga ahaan, waa inuu ciyaartoy Faransiis ah ku guuleysto, waayo waxa jooga ciyaartooyo ay tahay in la siiyo; waxay ku guuleysteen waxyaabo waaweyn. Waa in saddexda midkood uu noqdo. Luka Modric? wuxuu qaatay xili ciyaareed wanaagsan, laakiin Varane ayaa ku guuleystay Champions League iyo Koob Adduun. Modric wuxuu tegay finalka, xili ciyaareed wanaagsana wuu qaatay laakiin Varane ayaa u qalma.”

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Xulka kubada Cagta Soomaaliya oo Taariikhi ah ka gaaray dhigiisa Jabuuti

(13-12-2018) Xulka qaranka Soomaaliya ayaa guul ka gaaray wiilasha Xulka Jabuuti kulan ciyaareed Saaxiibtinimo ee ka dhacay wadanka ...

Maxey Aheyd Fariintii Uu Pierre-Emerick Aubameyang Twitter-ka Ugu Gudbiyay Dembele & Falcelintii Halyeeyga Kooxda Ian Wright.

(13-12-2018) Weeraryahanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaa fariin hambalyo ah twitter-ka u dhigay saaxiibkiisii hore Ousmane Dembelekadib markii uu ...

Rocio Oliva oo Guriga ka Cayrisey Diego Maradona Kooxdee ayey Taageertaa?

(13-12-2018) Halyeeyga reer Argentina Diego Armando Maradona ayaa laga ceyriyay gurigiisa kadib markii ay isku dhaceen gacalisadiisa Rocio ...

Goolhaye Dida oo kahadlay Tayada Xiddiga Cusub ee AC Milan Lucas Paqueta

(13-12-2018) Goolhayihii hore Ac Milan Dida ayaa aaminsan Lucas Paqueta inuu si fiican ula qabsan doono Rossoneri, balse ...

Mohamed Salah Ma Farxsana, Fursadda Uu Helo Ma Dhalinayo Oo Waanu Dhibaatoonayaa

(12-12-2018) Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa xalay iska xaadirisay wareegga 16-ka ee tartanka UEFA Champions League, waxaana ay ...

Booqashadii Rooney Ee Aqalka Cad, Kulankii Carruurta Trump Iyo Qaabkii Uu Ku Tegay Madaxtooyada Maraykanka

(12-12-2018) Kabtankii hore ee kooxda Manchester United iyo xulka qaranka England ee Wayne Rooney ayaa booqday aqalka cad ...

Barcelona Oo Ganaax Lacageed Oo Xad-dhaaf Ah Kusoo Rogtay Xiddigii Xalay Badbaadiyey Ee Ousmane Dembélé

(12-12-2018) Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ciqaab adag oo dhaqaale kusoo rogtay xiddigooda Ousmane Dembele oo ahaa laacibkii ...

Wararkii ugu danbeeya Suuqa kala iibsiga Cayaartoyda

(12-12-2018) Shabakeda qalinkacayaaraha ayaa waxa ay eegeysaa wararkii ugu waa weynaa ee suuqa kala iibsiga iyo wararka xanta ...

Messi Airlines: Xogta Gudaha Diyaarad Si Gaarka Ah Loogu Farsameeyey Messi Iyo Waxyaabaha Qariibka Ah Ee Laga Helayo

(12-12-2018) Xiddiga kooxda kubadda cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa markii ugu horreysay loo sameeyey diyaarad u gaar ...

Ronaldo Oo Arrimo Ganacsi Ah Kala Hadlay Gerard Pique – Hadana Doonaya Inuu Wax Badan La Fariisto Si Ay U Wada Hdalaan.

(12-12-2018) Daafaca kasii hawlgabaya kubada cagta ee Gerard Pique ayaa doonaya inuu durba saameyn ku yeesho ganacsiga dunida ...

HOLAC: Kor Kulanka England Ugu Wayn Ee Liverpool vs Man United,Jamie Carragher & Gary Neville Oo Soo Xushay Shaxda Isku Darka Kooxihii Ay Ku Soo Xufiltameen.

(12-12-2018) Kooxaha Liverpool iyo Manchester United ayaa axada geesaha isku dari doona Anfield kulanka kubbada cagta England ugu ...

Waa Maxay Rikoorka Uu Rajeynayo Lionel Messi Inuu Sameeyo Kulanka Levante? Immisa Ciyaartoy Ayaase Kaga Horreeya.

(11-12-2018) Cayaaryahan Lionel Messi waa u dhaqan inuu mar walba rikoor sameeyo, kulankiisa xiga ee horyaalka wuxuu ku ...

Cayaartoygii Ingiriiska Ee Tareenka Ku Dhex Kufsaday Gabadha Oo Maxkamadda Ka Sheegay Wixii Uu Sameeyey

(11-12-2018) Cayaartoy hore ugu ciyaari jiray xulka qaranka England yaaa la hor keenay maxkamadda York ee Duham isaga ...

Lionel Messi oo ku soo bilaaban doona kulanka Caawa

(11-12-2018) Cayaaryahanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa laxaqiijiyey in uu ku soo bilaaban doono Cayaarta Caawa ay kooxdiisu ...

Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay Goolasha ugu badan Xiligaan Horyaalka Premier League

(11-12-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaasheena sharafta lahoow Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay ...