Thursday, December 13th, 2018

Madaxweynaha UEFA Oo Khiyaali Ku Tilmaamay Tartanka Lagu Mijo-xaabinayo Champions League Ee Kooxaha Waaweyn Abaabulayaan

Published on November 20, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(21-11-2018) Qalanjadii Cayaaraha Oo Ka Badbaadday Shil Gaadhi Iyo Dhaawac Jabiin Ah Oo Dhabarka Ka Gaadhay

Madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta UEFA ee Aleksander Ceferin ayaa ka hadlay tartanka la sheegay inay abaabulayaan naadiyada waaweyn ee Yurub, kaas oo loo fahmay inuu caqabad ku yahay Champions League.

Sirta Football Leaks ee soo gudbiyo wargeyska Der Spiegel, ayaa waxay dhawaan soo bandhigay qorshe inqilaabaya Champions League oo 16 kooxood oo waaweyn oo Yurub ah ay doonayaan inay ku samaystaan tartan u gaar ah oo sannadkiiba hal mar la qabto, kaas oo ay ka helayaan dhaqaale badan.

Qorshahan ayaa la sheegay inuu udub-dhexaad u yahay guddoomiyaha Bayern Munich, Karl-Heiz Rummenigge, waxaana qayb ka ah naadiyada Manchester United, Manchester City, Chelsea, Arsenal, Liverpool, Real Madrid, Barcelona, AC Milan, Juventus, PSG iyo kooxo kale markii dambe kusoo biiray sida Atletico Madrid, Borussia Dortumund iyo Inter Milan.

Haddaba, Aleksander Ceferin oo ayaa arrintan ku tilmaamay mid khiyaali ah oo aan dhici karaynin, waxaanu tilmaamay in gebi ahaanba aanay fikraddaasi shaqayn karin.

“Waxa aanu leenahay mabaadi’, dhamaantoodna waxay meesha ka saarayaan su’aasha Super League. Ma dhici doonto, waa sidii sheeko khiyaali ah ama riyo.” Ayuu yidhi Aleksander Ceferin.

Dhinaca kale, guddoomiyaha ururka kooxaha Yurub, Andrea Agnelli oo sidoo kale ah guddoomiyaha Juventus, ayaa sheegay in UEFA ay si dhow u wada shaqeeyaan, isla markaana aanu dhicin wax shir ah oo naadiyadu yeesheen amaba kaga wada hadleen in tartan gaar ah oo aanay UEFA maamulin ay samaystaan.

 

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Xulka kubada Cagta Soomaaliya oo Taariikhi ah ka gaaray dhigiisa Jabuuti

(13-12-2018) Xulka qaranka Soomaaliya ayaa guul ka gaaray wiilasha Xulka Jabuuti kulan ciyaareed Saaxiibtinimo ee ka dhacay wadanka ...

Maxey Aheyd Fariintii Uu Pierre-Emerick Aubameyang Twitter-ka Ugu Gudbiyay Dembele & Falcelintii Halyeeyga Kooxda Ian Wright.

(13-12-2018) Weeraryahanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaa fariin hambalyo ah twitter-ka u dhigay saaxiibkiisii hore Ousmane Dembelekadib markii uu ...

Rocio Oliva oo Guriga ka Cayrisey Diego Maradona Kooxdee ayey Taageertaa?

(13-12-2018) Halyeeyga reer Argentina Diego Armando Maradona ayaa laga ceyriyay gurigiisa kadib markii ay isku dhaceen gacalisadiisa Rocio ...

Goolhaye Dida oo kahadlay Tayada Xiddiga Cusub ee AC Milan Lucas Paqueta

(13-12-2018) Goolhayihii hore Ac Milan Dida ayaa aaminsan Lucas Paqueta inuu si fiican ula qabsan doono Rossoneri, balse ...

Mohamed Salah Ma Farxsana, Fursadda Uu Helo Ma Dhalinayo Oo Waanu Dhibaatoonayaa

(12-12-2018) Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa xalay iska xaadirisay wareegga 16-ka ee tartanka UEFA Champions League, waxaana ay ...

Booqashadii Rooney Ee Aqalka Cad, Kulankii Carruurta Trump Iyo Qaabkii Uu Ku Tegay Madaxtooyada Maraykanka

(12-12-2018) Kabtankii hore ee kooxda Manchester United iyo xulka qaranka England ee Wayne Rooney ayaa booqday aqalka cad ...

Barcelona Oo Ganaax Lacageed Oo Xad-dhaaf Ah Kusoo Rogtay Xiddigii Xalay Badbaadiyey Ee Ousmane Dembélé

(12-12-2018) Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ciqaab adag oo dhaqaale kusoo rogtay xiddigooda Ousmane Dembele oo ahaa laacibkii ...

Wararkii ugu danbeeya Suuqa kala iibsiga Cayaartoyda

(12-12-2018) Shabakeda qalinkacayaaraha ayaa waxa ay eegeysaa wararkii ugu waa weynaa ee suuqa kala iibsiga iyo wararka xanta ...

Messi Airlines: Xogta Gudaha Diyaarad Si Gaarka Ah Loogu Farsameeyey Messi Iyo Waxyaabaha Qariibka Ah Ee Laga Helayo

(12-12-2018) Xiddiga kooxda kubadda cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa markii ugu horreysay loo sameeyey diyaarad u gaar ...

Ronaldo Oo Arrimo Ganacsi Ah Kala Hadlay Gerard Pique – Hadana Doonaya Inuu Wax Badan La Fariisto Si Ay U Wada Hdalaan.

(12-12-2018) Daafaca kasii hawlgabaya kubada cagta ee Gerard Pique ayaa doonaya inuu durba saameyn ku yeesho ganacsiga dunida ...

HOLAC: Kor Kulanka England Ugu Wayn Ee Liverpool vs Man United,Jamie Carragher & Gary Neville Oo Soo Xushay Shaxda Isku Darka Kooxihii Ay Ku Soo Xufiltameen.

(12-12-2018) Kooxaha Liverpool iyo Manchester United ayaa axada geesaha isku dari doona Anfield kulanka kubbada cagta England ugu ...

Waa Maxay Rikoorka Uu Rajeynayo Lionel Messi Inuu Sameeyo Kulanka Levante? Immisa Ciyaartoy Ayaase Kaga Horreeya.

(11-12-2018) Cayaaryahan Lionel Messi waa u dhaqan inuu mar walba rikoor sameeyo, kulankiisa xiga ee horyaalka wuxuu ku ...

Cayaartoygii Ingiriiska Ee Tareenka Ku Dhex Kufsaday Gabadha Oo Maxkamadda Ka Sheegay Wixii Uu Sameeyey

(11-12-2018) Cayaartoy hore ugu ciyaari jiray xulka qaranka England yaaa la hor keenay maxkamadda York ee Duham isaga ...

Lionel Messi oo ku soo bilaaban doona kulanka Caawa

(11-12-2018) Cayaaryahanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa laxaqiijiyey in uu ku soo bilaaban doono Cayaarta Caawa ay kooxdiisu ...

Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay Goolasha ugu badan Xiligaan Horyaalka Premier League

(11-12-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaasheena sharafta lahoow Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay ...