Sunday, December 16th, 2018

Nasiibdarada PSG iyo dhaawacyada Kylian Mbappe Iyo Neymar

Published on November 21, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(21-11-2018)Kooxda kubadda cagta PSG ayaa warkii ugu xumaa ee dhagaheedu maqli karayeen uu xalay usoo yeedhay xilli ay kaabiga kusoo hayso ciyaarta muhiimka u ah ee ay kaga bixi karto amaba ugu sii jiri karto tartanka UEFA Champions League oo Liverpool ay kusoo dhoweyn doonto magaalada Paris.

Halyeeyadeeda afka hore ee weerarka uga ciyaara ee Kylian Mbappe iyo Neymar ayaa xalay dhaawacyo kala duwan kasoo gaadheen ciyaarihii qaramadooda France iyo Brazil, waxaana labadaba garoonka laga saaray qaybtii hore.

Dhaawaca Mbappe

Mbappe ayaa gargaar degdeg ah weydiistay dhakhaatiirta kooxda kaddib markii uu si xun dhulka ugu dhacay xilli ay hirdamayeen goolhayaha xulka qaranka Uruguay oo ay ciyaar saaxiibtinimo magaalada Paris ku wada ciyaareen.

Mbappe ayaa waxay isku dhaceen goolhayaha, kaddibna waxa uu wax ka noqday garabka gacanta midig oo u muuqday inuu u laabmay, daaweyn kooban oo gudaha garoonka loogu sameeyey kaddibna waxa dibedda la dhigay daqiiqaddii 36aad.

Dhaawaca Neymar

Xiddiga reer Brazil ayaa garoonka laga saaray toddoba daqiiqadood oo kaliya markii ay socotay ciyaartii xulka dalkiisu 1-0 kaga adkaaday Cameroon ee ka dhacay magaalada London, kadib markii uu xanuun ka dareemay muquqa lugta xilli uu isku dayey inuu laago kubbad uu ku bartilmaameedsanayey goolka xulka kasoo horjeeda.

Neymar ayaa gebi ahaanba ka baxay garoonka oo loo qaaday cusbitaalka iyadoo ciyaartu socota, waxaana xaaladdiisa war kasoo saari doona dhakhaatiirta xulka qaranka Brazil iyo kooxda PSG.

Kulanka muhiimka ah ee ay seegi karayaan

Toddobaadka soo socda waxay PSG magaalada Paris kusoo dhawayn doontaa Liverpool, waxaana kulankaas ay u baahan tahay guul khasab ah, haddii laga badiyana waxa suurtogal ah inay si rasmi ah uga hadho tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan.

Ciyaartan oo qorshaysan Arbacada 28 November, ayaa waxa PSG walaac weyn ku abuuray dhaawacyada xalay usoo yeedhay.

Si kastaba ha ahaatee, dhakhaatiirta ayaa warbixino kasoo saari doona xaaladda labadan xiddig illaa maalinta Khamiista, kaas oo noqon doona mid ka farxiya amaba ka nixiya tababaraha iyo taageereyaasha PSG.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...