Thursday, December 13th, 2018

N’Golo Kante Oo Ugu Danbayn Qalinka Ku Duugay Qandaraas Waqti Dheer Ah Iyo Kooxihii Waa Waynaa Ee Yurub Oo Ay Chelsea U Quus Goysay.

Published on November 23, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(23-11-2018) Kooxda Chelsea ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay heshiis cusub oo waqti dheer ah ka saxiixatay ciyaartoyda kubbada cagta aduunka ugu qunyar socodsan ee N’Golo Kante wuxuuna heshiiskani meesha ka saarayaa wararkii suuqa kala iibsiga ee Kante la xidhiidhinayay kooxaha Yurub ugu waa wayn.

N’Golo Kante ayaa waqti yar horumar layaableh ku sameeyay kadib markii uu laba koob oo Premier league ah ka soo caawiyay kooxaha Leicester City iyo Chelsea isla markaana uu xulka qarankiisa France kula soo guulaystay koobka aduunka.

Chelsea ayaa muddoyinkii ugu danbeeyay wada xaajoodyo kula jirtay N’Golo Kante waxayna doonaysay in ay meesha ka saarto xiisihii badnaa ee uga imanayay kooxaha Yurub ugu waa wayn oo ay PSG ugu horaysay waxayna hadda Blues isku hubsatay adeega Kante ee waqtiga dheer.

Agaasimaha kooxda Chelsea ee Marina Granovskaia ayaa farxad ka muujisay heshiiska uu Kante kooxdeeda u saxiixay waxayna tidhi: “Waan ku faraxsanahay in N’Golo uu qandaraas cusub saxiixay, islamarkaana uu mustaqbalkiisa dheer la qaato Chelsea. Hore ayaan ka ogaanay markii uu yimid in aanu la soo wareegnay ciyaaryahan muhim ah, laakiin waxa uu qof walba ka falceliyay madaalenimadiisa iyo sida uu deeqsi u yahay.

Marina Granovskaia ayaa hadalkeeda sii raacisay: “Garoonka banaankiisa waxa uu ku yahay nin sumcad leh oo aan isla weyneyn, waana xiddig Koob Adduun ku guuleystay iyo labo koob oo Premie League. Waxaanu isha ku heynaa shanta sanno ee soo socota ee u N’Golo Kante ka muuqan doono khadka dhexe ee Chelsea”

Markii uu mustaqbalkiisa Chelsea u hibeeyay ayuu Kante yidhi: ““Waan ku faraxsanahay in aan heshiiskayga u kordhiyay Chelsea, laba sanadood oo qurux badan ayaan halkan joogay, waxaanan rajeynayaa in sanadaha soo socdaana ay sidaas oo kale noqdaan.

Kante oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Tan iyo markii aan soo gaadhay, waxaan sameeyay horumar badan, nafteyda ayaan la tartamay, waxaanan helay abaalmarino aanan xataa ku fekerin. waan jeclahay magaalada, waan jeclahay kooxda, waanan ku faraxsanahay inaan waqti badan halkaan joogo.”

Si kastaba ha ahaatee, Kante ayaa qalinka ku duugay qandaraas cusub oo shan sanadood ah kaas oo si wayn sare loogu qaaday mushaarkiisa isla markaana uu ku soo gaba gabeeyay wararkii suuqa kala iibsiga waana arin muhiim ah oo ay Chelsea albaabkeeda iska soo xidhay waxaana hadda u hadhsan Eden Hazard.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Xulka kubada Cagta Soomaaliya oo Taariikhi ah ka gaaray dhigiisa Jabuuti

(13-12-2018) Xulka qaranka Soomaaliya ayaa guul ka gaaray wiilasha Xulka Jabuuti kulan ciyaareed Saaxiibtinimo ee ka dhacay wadanka ...

Maxey Aheyd Fariintii Uu Pierre-Emerick Aubameyang Twitter-ka Ugu Gudbiyay Dembele & Falcelintii Halyeeyga Kooxda Ian Wright.

(13-12-2018) Weeraryahanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaa fariin hambalyo ah twitter-ka u dhigay saaxiibkiisii hore Ousmane Dembelekadib markii uu ...

Rocio Oliva oo Guriga ka Cayrisey Diego Maradona Kooxdee ayey Taageertaa?

(13-12-2018) Halyeeyga reer Argentina Diego Armando Maradona ayaa laga ceyriyay gurigiisa kadib markii ay isku dhaceen gacalisadiisa Rocio ...

Goolhaye Dida oo kahadlay Tayada Xiddiga Cusub ee AC Milan Lucas Paqueta

(13-12-2018) Goolhayihii hore Ac Milan Dida ayaa aaminsan Lucas Paqueta inuu si fiican ula qabsan doono Rossoneri, balse ...

Mohamed Salah Ma Farxsana, Fursadda Uu Helo Ma Dhalinayo Oo Waanu Dhibaatoonayaa

(12-12-2018) Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa xalay iska xaadirisay wareegga 16-ka ee tartanka UEFA Champions League, waxaana ay ...

Booqashadii Rooney Ee Aqalka Cad, Kulankii Carruurta Trump Iyo Qaabkii Uu Ku Tegay Madaxtooyada Maraykanka

(12-12-2018) Kabtankii hore ee kooxda Manchester United iyo xulka qaranka England ee Wayne Rooney ayaa booqday aqalka cad ...

Barcelona Oo Ganaax Lacageed Oo Xad-dhaaf Ah Kusoo Rogtay Xiddigii Xalay Badbaadiyey Ee Ousmane Dembélé

(12-12-2018) Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ciqaab adag oo dhaqaale kusoo rogtay xiddigooda Ousmane Dembele oo ahaa laacibkii ...

Wararkii ugu danbeeya Suuqa kala iibsiga Cayaartoyda

(12-12-2018) Shabakeda qalinkacayaaraha ayaa waxa ay eegeysaa wararkii ugu waa weynaa ee suuqa kala iibsiga iyo wararka xanta ...

Messi Airlines: Xogta Gudaha Diyaarad Si Gaarka Ah Loogu Farsameeyey Messi Iyo Waxyaabaha Qariibka Ah Ee Laga Helayo

(12-12-2018) Xiddiga kooxda kubadda cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa markii ugu horreysay loo sameeyey diyaarad u gaar ...

Ronaldo Oo Arrimo Ganacsi Ah Kala Hadlay Gerard Pique – Hadana Doonaya Inuu Wax Badan La Fariisto Si Ay U Wada Hdalaan.

(12-12-2018) Daafaca kasii hawlgabaya kubada cagta ee Gerard Pique ayaa doonaya inuu durba saameyn ku yeesho ganacsiga dunida ...

HOLAC: Kor Kulanka England Ugu Wayn Ee Liverpool vs Man United,Jamie Carragher & Gary Neville Oo Soo Xushay Shaxda Isku Darka Kooxihii Ay Ku Soo Xufiltameen.

(12-12-2018) Kooxaha Liverpool iyo Manchester United ayaa axada geesaha isku dari doona Anfield kulanka kubbada cagta England ugu ...

Waa Maxay Rikoorka Uu Rajeynayo Lionel Messi Inuu Sameeyo Kulanka Levante? Immisa Ciyaartoy Ayaase Kaga Horreeya.

(11-12-2018) Cayaaryahan Lionel Messi waa u dhaqan inuu mar walba rikoor sameeyo, kulankiisa xiga ee horyaalka wuxuu ku ...

Cayaartoygii Ingiriiska Ee Tareenka Ku Dhex Kufsaday Gabadha Oo Maxkamadda Ka Sheegay Wixii Uu Sameeyey

(11-12-2018) Cayaartoy hore ugu ciyaari jiray xulka qaranka England yaaa la hor keenay maxkamadda York ee Duham isaga ...

Lionel Messi oo ku soo bilaaban doona kulanka Caawa

(11-12-2018) Cayaaryahanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa laxaqiijiyey in uu ku soo bilaaban doono Cayaarta Caawa ay kooxdiisu ...

Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay Goolasha ugu badan Xiligaan Horyaalka Premier League

(11-12-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaasheena sharafta lahoow Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay ...