Thursday, December 13th, 2018

Qiimeyn mid mid loogu sameeyey Cayaartoyda Manchester United iyo fadeexad soo baxday

Published on November 23, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(24-11-2018) Qiimayn lagu sameeyay ciyaartoyda Manchester United ayaa muujinaysa sida ayna xili ciyaareedkan ugu jirin xaaladii ay ka doonayeen jamaahiirta kooxdooda Red Devils waxayna qiimayntani ceebi ka raacday ciyaartoy badan oo uu Mourinho ka waayay qaab ciyaareedkii uu ka doonayay.

Wargayska Evening News ayaa isku qabtay isha naxariista waxayna qalinka iyo warqada u qaadeen in ay qiimeeyaan bandhigii ciyaartoy kasta oo Manchester United ah ee intii lagu soo jiray xili ciyaareedkan, waxayna soo saareen qiimayn la odhan karo waa midii ugu adkayd ee uu wargays sameeyo.

Iyada oo aan qiimayntan loo kala eegin ciyaartoy magac wayn leh iyo mid da’yar ah ayaa lagu saleeyay bandhigii ciyaartoyda ee waqtigii ay garoonka ku jireen iyada oo mid kastaba laga doonayay in uu helo qiimayn dhan 10/10 ama tobankiiba toban balse ciyaartoyda qaar ayaa helay 1/10 ama tobankiiba hal kaliya.

Haddaba Shabakada qalinkacayaaraha ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa qiimaynta adag ee uu wargayska  Evening News ka sameeyay bandhigii ciyaartoy kasta oo Man United ah ee xili ciyaareedkan iyada oo waliba ay muujiyeen sida ay laba xidig lama filaan u noqdeen kuwa ugu fiican Red Devils.

Aan marka hore idin xusuusiyo xaalada natiijooyinkii Man United ee lagu saleeyay qiimayntan waxayna Man United soo guulaystay lix kulan oo ka mid ah 12 kii kulan ee ugu horeeyay Premier league taas oo la micno ah in ay soo guulaystay kala badh kulamadii ay Premier league ka soo ciyaartay.

Waxayna taasi keentay in Manchester United ay 12 dhibcood hoos uga dhacday hogaanka Premier league ee ay ku jirto kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee Manchester City waxaana loo arkaa in haddaba ay United quus ka taagan tahay ku guulaysiga koobka Premier league balse ay u tartamayso kaalmaha Champions League loogu soo baxo.

Waxa kale oo ay Man United soo guulaysatay laba kulan oo ka mid ah afartii kulan ee ay Champions league ka soo ciyaartay waana kala badh kulamadii ay tartamada Yurub ka soo ciyaartay halka labada kulan ee kale ay ka heshay barbaro iyo guuldaro soo gaadhay.

Laakiin Man United waxay haysataa fursad ay ku soo gaadhi karto wareega 16ka kooxood ee Champions League kadib markii ay soo laabasho cajiib ah ka soo gaadhay Juventus kulankii ugu danbeeyay waxayna labada kulan ee hadhay la ciyaari doontaa Valencia iyo Young Boys.

Qiimaynta Ciyaartoyda Man United Ee Wargayska  Evening News

Aan ku bilawnee wargayska Evening News ayaa qiimayntii ugu xumayd oo min 1 darajo oo kaliya ah siiyay ciyaartoyda kala ah Antonio Valencia, Scott McTominay, Sergio Romero, Matteo Darmian, Phil Jones iyo Scott McTominay.

Waxa kale oo qiimayn aad u liidata oo min 2 darajo oo kaliya ah la siiyay Alexis Sanchez, Namanja Matic, Eric Bailly iyo Andreas Pereira waxayna halkii laga doonayay 10/10 ay ka heleen min 2/10 taas oo lagu muujiyay xaalada xun ee ay xili ciyaareedkan ku soo jireen.

Sidoo kale waxaa qiimayn aad u liidata helay saxiixa cusub ee Fred, Romelu Lukaku iyo Jesse Lingard halka ay sidoo kale jiraan xidigo aan badan oo qiimayn hoose helay.

Laakiin Anthonay Martial ayaa noqday xidiga xili ciyaareedkan ugu fiican Manchester United ee qiimaynta ugu saraysa oo 8 darajo ah ka helay qiimaynta guud ee wargayska Evening News wuxuuna Martial helay qiimayn dhan 8/10 isaga oo laba darajo oo kaliya ka hooseeya intii ugu saraysay ee la doonayay.

Waxa kale oo qiimayn heer fiican ah helay Luka Shaw oo noqday xidiga labaad ee Man United ugu fiican xili ciyaareedkan, waxaana ku soo xiga David De Gea, Ashley Young iyo Victor Lindelof oo qiimayn meel dhexaad ah helay.

Haddaba halkan si buuxda ugaga Bogo Qiimaynta Wargayska Evening News uu ku sameeyay guud ahaan ciyaartoyda Man United.

Qiimaynta Goolhayayaasha

David de Gea – 6/10

Sergio Romero – 1/10

Lee Grant – 5/10

 

Qiimaynta Difaacyada

Antonio Valencia – 1/10

Matteo Darmian – 1/10

Diogo Dalot – 5/10

Chris Smalling – 5/10

Victor Lindelof – 6/10

Eric Bailly – 2/10

Marcos Rojo – N/A (Muu Ciyaarin)

Phil Jones – 1/10

Ashley Young – 6/10

Luke Shaw – 7/10

 

Qiimaynta Khadka Dhexe

Nemanja Matic – 2/10

Ander Herrera – 4/10

Andreas Pereira – 2/10

Fred – 3/10

Scott McTominay – 1/10

Marouane Fellaini – 5/10

Paul Pogba – 5/10

Juan Mata – 6/10

Jesse Lingard – 3/10

 

Qiimaynta Weerarka

Anthony Martial – 8/10

Romelu Lukaku – 3/10

Marcus Rashford – 4/10

Alexis Sanchez – 2/10

Haddaba akhriste, haddii aad ka mid tahay taageerayasha Man United, sideed u aragtaa qiimaynta wargayska Evening News uu ku sameeyay ciyaartoyda Red Devils? Miyay jiraan ciyaartoy aad filayso in ay ka hooseeyaan heerkii bandhigoodu ahaa?.

AFP_RJ5R6

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Xulka kubada Cagta Soomaaliya oo Taariikhi ah ka gaaray dhigiisa Jabuuti

(13-12-2018) Xulka qaranka Soomaaliya ayaa guul ka gaaray wiilasha Xulka Jabuuti kulan ciyaareed Saaxiibtinimo ee ka dhacay wadanka ...

Maxey Aheyd Fariintii Uu Pierre-Emerick Aubameyang Twitter-ka Ugu Gudbiyay Dembele & Falcelintii Halyeeyga Kooxda Ian Wright.

(13-12-2018) Weeraryahanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaa fariin hambalyo ah twitter-ka u dhigay saaxiibkiisii hore Ousmane Dembelekadib markii uu ...

Rocio Oliva oo Guriga ka Cayrisey Diego Maradona Kooxdee ayey Taageertaa?

(13-12-2018) Halyeeyga reer Argentina Diego Armando Maradona ayaa laga ceyriyay gurigiisa kadib markii ay isku dhaceen gacalisadiisa Rocio ...

Goolhaye Dida oo kahadlay Tayada Xiddiga Cusub ee AC Milan Lucas Paqueta

(13-12-2018) Goolhayihii hore Ac Milan Dida ayaa aaminsan Lucas Paqueta inuu si fiican ula qabsan doono Rossoneri, balse ...

Mohamed Salah Ma Farxsana, Fursadda Uu Helo Ma Dhalinayo Oo Waanu Dhibaatoonayaa

(12-12-2018) Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa xalay iska xaadirisay wareegga 16-ka ee tartanka UEFA Champions League, waxaana ay ...

Booqashadii Rooney Ee Aqalka Cad, Kulankii Carruurta Trump Iyo Qaabkii Uu Ku Tegay Madaxtooyada Maraykanka

(12-12-2018) Kabtankii hore ee kooxda Manchester United iyo xulka qaranka England ee Wayne Rooney ayaa booqday aqalka cad ...

Barcelona Oo Ganaax Lacageed Oo Xad-dhaaf Ah Kusoo Rogtay Xiddigii Xalay Badbaadiyey Ee Ousmane Dembélé

(12-12-2018) Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ciqaab adag oo dhaqaale kusoo rogtay xiddigooda Ousmane Dembele oo ahaa laacibkii ...

Wararkii ugu danbeeya Suuqa kala iibsiga Cayaartoyda

(12-12-2018) Shabakeda qalinkacayaaraha ayaa waxa ay eegeysaa wararkii ugu waa weynaa ee suuqa kala iibsiga iyo wararka xanta ...

Messi Airlines: Xogta Gudaha Diyaarad Si Gaarka Ah Loogu Farsameeyey Messi Iyo Waxyaabaha Qariibka Ah Ee Laga Helayo

(12-12-2018) Xiddiga kooxda kubadda cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa markii ugu horreysay loo sameeyey diyaarad u gaar ...

Ronaldo Oo Arrimo Ganacsi Ah Kala Hadlay Gerard Pique – Hadana Doonaya Inuu Wax Badan La Fariisto Si Ay U Wada Hdalaan.

(12-12-2018) Daafaca kasii hawlgabaya kubada cagta ee Gerard Pique ayaa doonaya inuu durba saameyn ku yeesho ganacsiga dunida ...

HOLAC: Kor Kulanka England Ugu Wayn Ee Liverpool vs Man United,Jamie Carragher & Gary Neville Oo Soo Xushay Shaxda Isku Darka Kooxihii Ay Ku Soo Xufiltameen.

(12-12-2018) Kooxaha Liverpool iyo Manchester United ayaa axada geesaha isku dari doona Anfield kulanka kubbada cagta England ugu ...

Waa Maxay Rikoorka Uu Rajeynayo Lionel Messi Inuu Sameeyo Kulanka Levante? Immisa Ciyaartoy Ayaase Kaga Horreeya.

(11-12-2018) Cayaaryahan Lionel Messi waa u dhaqan inuu mar walba rikoor sameeyo, kulankiisa xiga ee horyaalka wuxuu ku ...

Cayaartoygii Ingiriiska Ee Tareenka Ku Dhex Kufsaday Gabadha Oo Maxkamadda Ka Sheegay Wixii Uu Sameeyey

(11-12-2018) Cayaartoy hore ugu ciyaari jiray xulka qaranka England yaaa la hor keenay maxkamadda York ee Duham isaga ...

Lionel Messi oo ku soo bilaaban doona kulanka Caawa

(11-12-2018) Cayaaryahanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa laxaqiijiyey in uu ku soo bilaaban doono Cayaarta Caawa ay kooxdiisu ...

Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay Goolasha ugu badan Xiligaan Horyaalka Premier League

(11-12-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaasheena sharafta lahoow Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay ...