Sunday, December 16th, 2018

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Chelsea oo loogu food GooyeyWembley Stadium.

Published on November 24, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(25-11-2018)Kooxda Tottenham ayaa guuldaro xanuun badan dhabarka u soo saartay kooxda ay London ku xifiltamaan ee Chelsea. Tottenham ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee xili ciyaareedkan guuldaradii ugu horaysay baday Chelsea laakiin qaabka ay Blues guuldaradan u baday ayaa ah mid walwal xoogan ku keenaysa Sarri iyo jamaahiirta Blues.

Harry Kane, Delle Alli iyo Son Heung-min ayaa Chelsea burburiyay iyaga oo min hal gool dhaliyay balse fursado badan oo cadaan ah ku hor lumiyay goolka Blues waxayna guuldarada soo gaadhay Chelsea sabab u noqotay in Tottenham ay kaalinta saddexaad ee Premier league soo gashay.

Tottenham ayaa isla heshay guul ay ka gaadhay koox ay la xifiltanto iyo waliba in ay booskeedii kaalinta saddexaad ay kal baxday waana arin farxad khaas ah u abuuraysa jamaahiirta Tottenham.

Shixihii Labada Kooxood Ee Kulankan:

CHELSEA (4-3-3): Kepa Arrizabalaga; Cesar Azpilicueta, Antonio Rudiger, David Luiz, Marcos Alonso; N’Golo Kante, Jorginho, Mateo Kovacic; Willian, Eden Hazard, Alvaro Morata.

Kaydka:Olivier Giroud, Pedro, Andreas Christensen, Davide Zappacosta, Willy Caballero, Cesc Fabregas, Ross Barkley.

TOTTENHAM (4-2-3-1): Hugo Lloris; Serge Aurier, Toby Alderweireld, Juan Foyth, Ben Davies; Eric Dier, Moussa Sissoko; Christian Eriksen, Dele Alli, Son Heung-min; Harry Kane.

Kaydka:  Paulo Gazzaniga, Jan Vertonghen, Lucas Moura, Harry Winks, Fernando Llorente, Kyle Walker-Peters, Erik Lamela.

Qaybtii hore ee ciyaarta Chelsea ayaa waji gabax kula kulantay natiijo ahaan iyo ciyaar ahaanba waxayna ahayd kooxda Tottenham kooxda meel walba oo garoonka ah kaga fiicnayd Chelsea isla markaana soo bandhigtay qaab ciyaareed layaableh.

Tottenham ayaa goolal badan ku shubi kartay shabaqa kooxda Chelsea iyada oo difaaca Chelsea uu qaybtii hore ahaa mid shaano ah isla markaana ay ciyaartoyda Tottenham ay sida ay doonaan uga dhex baxayeen laakiin Spurs ayaa muujisay sababta ay ugu qalantay waxa ay kulankan ka samaysay.

Daqiiqadii 8 aad Tottehan ayaa si buuxda laxanka u saartay heeska maaweelada ahayd ee ay Wembley Stadium uga daartay Chelsea kadib markii uu Dele Alli dhaliyay goolka wadno xanuunka ku noqday Sarri iyo ciyaartoyda kooxdiisa waxaana caawinta goolkan sameeyay Eriksen waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Spurs hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

Intaa wixii ka danbeeyay waxay ciyaartu noqotay mid si buuxda loogu kala gacan sareeyay iyada oo Tottenham soo bandhigtay qaab ciyaareedkii xili ciyaareedkan ugu fiicnaa waxayna dhibaato wayn ku ahayd difaaca iyo goolhaye Kepa oo waliba ceeb badan ka joojinayay Blues.

Daqiiqadii 16 aad Harry Kane ayaa meel ayna waxba ka muuqan ka abuurtay gool qurux badan oo uu kaga yaabsatay goolhaye Kepa kaas oo ku war helay kubbada shabiqiisa gashay wuxuuna Kane kubbad xoogan ka soo darbeeyay meel ka baxsan xerada ganaaxa kadib markii uu Eriksen caawin kale ka helay laakiin Luiz ayaa Kepa kubbada u qariyay isla markaana kubbada ka leexday.

Ciyaarta ayaa noqotay 2-0 ay Tottenhak ku gacan sarayso waxayna Chelsea dhawr jeer isku dayday in ay madaxa sare u qaado iyada oo Hazard uu laba jeer ku dhex dhacay xerada ganaaxa isaga oo mar ahaan rekoodhe ku dooday bale aanu garsooruhu waxba ka soo qaadin.

Goolhaye Kepa ayaa sameeyay badbaadin xoogan si uu Tottenham uga beeniyo in ay saddex ama afar gool dhaliso qaybtii hore ee ciyaarta waxaana lagu kala nastay 2-0 ay natiijo ahaan iyo ciyaar ahaanba Spurs uga saraysay kooxdii aan soo guuldaraysan ee Blues.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta, Tottenham ayaa wali ahayd kooxda fursadaha ugu badan abuuraysay inkasta oo Chelsea ay soo laabtay iyada oo isku dayaysay in ay ka soo kabsato labada gool ee qaybtii hore looga dhaliyay.

 

Daqiiqadii 54 aad Waqtigii Waalida!! Son Heung-Min ayaa qaab aan la rumaysan karin iskaga dhex maray ciyaartoyda Chelsea gaar ahaan inii cidlo kaga soo tagay Joginho iyo David Luiz ka hor intii aanu Rudiger iyo Kepa u diidin in ay wax badbaadin ah sameeyaan.

Son Heung-Min ayaa sida uu doonayo u dhex maray Chelsea wuxuuna dhaliyay mid ka mid ah goolasha xili ciyaareedkan ugu quruxda badan isaga oo ciyaarta ka dhigay 3-0 ay Tottenham ciyaarta ugu raaxaysanayso.

Daqiiqadii 58 aad Sarri ayaa laba isbadal shaxdiisa ku sameeyay wuxuuna saaray Kovačić iyo Alvaro Morata  oo kulankan si xun ugu fashilmay waxaana ciyaarta soo galay Ross Bakley iyo Pedro Rodriguez si ay iskugu dayaan in ay xaalada badalaan.

 

Daqiiqadii 68aad Siduu u qasaariyay? Harry Kane ayaa kubbad cajiib ah goolka Chelsea hortiisa kaga helay Sissoko laakiin si lama filaan ah waxa uu kubbada u diray cirka isaga oo qasaariyay fursad goolka afraad loo fishay.

Daqiiqadii 76 aad Sarri ayaa kaydka ka soo kiciyay Giroud wuxuuna saaray Willian laakiin Spurs ayaa badalkeedii ugu horeeyay ka dhigatay Lamela oo ciyaarta soo galay iyo Son Heung-Min oo la saaray si uu sacab iyo soo dhawayn layaableh uga helo jamaahiirta kooxdiisa Spurs.

Daqiiqadii 84 aad Olivier Giroud ayaa ugu danbayn Chelsea u keenay goolkeeda furitaanka ee waqtiga dheer ay jamaahiirta Blues sugaysay wuxuuna Olivier Giroud kubbad qurux badan oo uu ka helay  César Azpilicueta  uu si xoogan ugu darbeeyay madaxa si uu ciyaarta uga dhigo 3-1 ay wali Spurs laba gool oo dheeraad ah ay haysato.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-1 ay Tottenham guuldaradii ugu horaysay ee xili ciyaareedkan gadhka u soo galisay Cheslea waxayna Spurs soo gashay kaalinta saddexaad iyada oo iska garbisay Blues.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...