Thursday, December 13th, 2018

Daawo: Manchester United oo bareejo weji gabax ku ah kala kulantay kulankii Crystal Palace

Published on November 24, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(25-11-2018) Manchester United ayaa bar-bardhac kale oo qalbi jab leh la gashay kooxda Crystal Palace oo marti ugu ahayd gegida Old Trafford, Eagles ayaa dhibaateeyay Red Devils isla markaana u diiday inay saddexda dhibcood ka qaataan.

Kulankan ayaa ahaa mid khaas u ah goolhayahasha labada kooxood ee De Gea iyo Henessey, Labadan goolhaye oo midkasta ahaa halyeeyga kooxdiisa ee caawa ayuu midkasta dafiray goolal cadaan ah.

Shaxihii labada kooxood ee kulankan:

Man Utd: De Gea, Darmian, Lindelof, Smalling, Young, Matic, Pogba, Lingard, Mata, Martial, Lukaku.

Keydka:  Jones, Sanchez, Rashford, Grant, Fred, Valencia, Fellaini.

Crystal Palace: Hennessey, Wan Bissaka, Tomkins, Sakho Van Aanholt, McArthur, Milivojevic, Kouyate, Meyer, Townsend, Zaha.

Keydka:  Ward, Sorloth, Ayew, Schlupp, Guaita, Kelly, Puncheon.

Falanqaynta Guud Ee Kulankan:

Xiddigaha Manchester United ayaa tababare Jose Mourinho iyo jamaahiirta kooxda u muujiyay bilawgii ciyaarta inay yihiin kooxda martida ah isla markaana si buuxda ula wareegay maamulka ciyaarta.

Hoggaamiyaha Crystal Palace ahna xiddigii hore ee Man United ee Wilfred Zaha ayaa noqday xiddiga sameeyay isku daygii ugu horreeyay ee kulanka, Laba shuud oo uu ku tuuray shabaqa De Gea daqiiqadihii 17 iyo 20-aad ayaan noqon bar-tilmaameed.

Daqiiqadii 30-aad ee kulankan, Manchester ayaa heshay fursadii ugu fiicnayd, Jesse Lingard ayaa darbad xoogan qarka ugu fuulay inuu hoggaanka ugu dhiibo United balse goolhaye Henessey ayaa bad-baadiyay, Markale Goolhayaha Palace ayaa qabtay madax ku celis ah oo kaga yimid dhinaca Martial.

Daqiiqadii 43-aad ee kulankan ayay Crystal Palace samayn gaadhay dhacdo cajiib ah, Kouyate ayaa madax xoogan shabaqa dhex dhigay balse calanwadaha kulanka ayaa tilmaamay garab dhaaf.

Qaybta hore ee kulankan ayaa kusoo dhammaatay ismari waa goolal la’aan ah, Red Devils ayaan bandhig la taaban karo ku hor samayn jamaahiirtooda isla markaana ku fashilmay inay fursado badan oo halis ah ku abuuraan Eagles.

Daqiiqadii 57-aad ee Kulankan Ayaa United markeeda laga diiday gool ay shabaqa la gaadhay, Goolhaye Henessey ayaa kubad layaab leh ka badbaadiyay Ashley Young intaa kaddib Lukaku ayaa kubadda dhex dhigay shabaqa balse calanwadaha ayaa markale garab dhaaf tilmaamay.

Kooxda Crystal Palace ayaa qarka u fuushay inay hoggaanka qabato, Kouyate ayaa kubad xoogan ku laagay De Gea balse goolhaya United ayaa si cajiib ah u difaacay kubadda, Markale Van Aanholt ayaa bar-tilmaameedsaday Shabaqa United balse De Gea ayaa markale ka badbaadiyay.

Daqiiqadii 84 aad ee kulanku ayuu Lukaku ku sigtay inuu jabiyo ismari waagii kulanka, Goolhayaha Palace oo ahaa halyeeeyga Eagles ayaa fursad cadaan ah ka dafiray weeraryahanka ree Belgium.

Si kastaba ha ahaatee, Kulankan ayaa kusoo dhammaaday bar-bardhac kale oo dhabar jab ku ah Red Devils waxaana sii fogaaday hamiga kooxda ee horyaalka iyaga oo 14 dhibcood kahoos.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Xulka kubada Cagta Soomaaliya oo Taariikhi ah ka gaaray dhigiisa Jabuuti

(13-12-2018) Xulka qaranka Soomaaliya ayaa guul ka gaaray wiilasha Xulka Jabuuti kulan ciyaareed Saaxiibtinimo ee ka dhacay wadanka ...

Maxey Aheyd Fariintii Uu Pierre-Emerick Aubameyang Twitter-ka Ugu Gudbiyay Dembele & Falcelintii Halyeeyga Kooxda Ian Wright.

(13-12-2018) Weeraryahanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaa fariin hambalyo ah twitter-ka u dhigay saaxiibkiisii hore Ousmane Dembelekadib markii uu ...

Rocio Oliva oo Guriga ka Cayrisey Diego Maradona Kooxdee ayey Taageertaa?

(13-12-2018) Halyeeyga reer Argentina Diego Armando Maradona ayaa laga ceyriyay gurigiisa kadib markii ay isku dhaceen gacalisadiisa Rocio ...

Goolhaye Dida oo kahadlay Tayada Xiddiga Cusub ee AC Milan Lucas Paqueta

(13-12-2018) Goolhayihii hore Ac Milan Dida ayaa aaminsan Lucas Paqueta inuu si fiican ula qabsan doono Rossoneri, balse ...

Mohamed Salah Ma Farxsana, Fursadda Uu Helo Ma Dhalinayo Oo Waanu Dhibaatoonayaa

(12-12-2018) Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa xalay iska xaadirisay wareegga 16-ka ee tartanka UEFA Champions League, waxaana ay ...

Booqashadii Rooney Ee Aqalka Cad, Kulankii Carruurta Trump Iyo Qaabkii Uu Ku Tegay Madaxtooyada Maraykanka

(12-12-2018) Kabtankii hore ee kooxda Manchester United iyo xulka qaranka England ee Wayne Rooney ayaa booqday aqalka cad ...

Barcelona Oo Ganaax Lacageed Oo Xad-dhaaf Ah Kusoo Rogtay Xiddigii Xalay Badbaadiyey Ee Ousmane Dembélé

(12-12-2018) Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ciqaab adag oo dhaqaale kusoo rogtay xiddigooda Ousmane Dembele oo ahaa laacibkii ...

Wararkii ugu danbeeya Suuqa kala iibsiga Cayaartoyda

(12-12-2018) Shabakeda qalinkacayaaraha ayaa waxa ay eegeysaa wararkii ugu waa weynaa ee suuqa kala iibsiga iyo wararka xanta ...

Messi Airlines: Xogta Gudaha Diyaarad Si Gaarka Ah Loogu Farsameeyey Messi Iyo Waxyaabaha Qariibka Ah Ee Laga Helayo

(12-12-2018) Xiddiga kooxda kubadda cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa markii ugu horreysay loo sameeyey diyaarad u gaar ...

Ronaldo Oo Arrimo Ganacsi Ah Kala Hadlay Gerard Pique – Hadana Doonaya Inuu Wax Badan La Fariisto Si Ay U Wada Hdalaan.

(12-12-2018) Daafaca kasii hawlgabaya kubada cagta ee Gerard Pique ayaa doonaya inuu durba saameyn ku yeesho ganacsiga dunida ...

HOLAC: Kor Kulanka England Ugu Wayn Ee Liverpool vs Man United,Jamie Carragher & Gary Neville Oo Soo Xushay Shaxda Isku Darka Kooxihii Ay Ku Soo Xufiltameen.

(12-12-2018) Kooxaha Liverpool iyo Manchester United ayaa axada geesaha isku dari doona Anfield kulanka kubbada cagta England ugu ...

Waa Maxay Rikoorka Uu Rajeynayo Lionel Messi Inuu Sameeyo Kulanka Levante? Immisa Ciyaartoy Ayaase Kaga Horreeya.

(11-12-2018) Cayaaryahan Lionel Messi waa u dhaqan inuu mar walba rikoor sameeyo, kulankiisa xiga ee horyaalka wuxuu ku ...

Cayaartoygii Ingiriiska Ee Tareenka Ku Dhex Kufsaday Gabadha Oo Maxkamadda Ka Sheegay Wixii Uu Sameeyey

(11-12-2018) Cayaartoy hore ugu ciyaari jiray xulka qaranka England yaaa la hor keenay maxkamadda York ee Duham isaga ...

Lionel Messi oo ku soo bilaaban doona kulanka Caawa

(11-12-2018) Cayaaryahanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa laxaqiijiyey in uu ku soo bilaaban doono Cayaarta Caawa ay kooxdiisu ...

Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay Goolasha ugu badan Xiligaan Horyaalka Premier League

(11-12-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaasheena sharafta lahoow Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay ...