Thursday, December 13th, 2018

Cayaaryahanka ku Guuleysanaya Ballon d’Or oo lasii ogaadey?

Published on November 28, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(28-11-2018) Xafladda lagu bixinayo abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’OR ayaa la qaban doonaa Isniinta soo socota, hase yeeshee waxa soo baxday xog ku saabsan laacibka ku guuleysanaya oo ay baahisay idaacadda Onda Cero.

Abaalmarinta oo markii hore ay iska kaashan jireen FIFA iyo Wargeyska France Football, ayaa markii labaad si gaar ah uu wargeysku kalidii u bixinayaa kaddib markii FIFA mid gaar ah oo ay u bixisay THE BEST soo saartay, waxaana xaflad weyn oo lagu qaban doono dalka Faransiiska lagaga dhawaaqi doonaa ciyaartoyga sannadkan ku guuleystay.

Idaacadda Onda Cero oo xarunteedu tahay waddanka Spain ayaa heshay macluumaad sir ah oo ay kasii daysay baahinteeda, taas oo ay ku sheegtay inay u caddeeyeen ciyaartoyga helay abaal-marinta.

Idaacaddu waxay tibaaxday in Luka Modric oo khadka dhexe uga ciyaara Real Madrid uu helay codadkii ugu badnaa oo uu yahay xiddiga ku guuleystay abaal-marinta, balse uu kaalinta labaad soo galay Cristiano Ronaldo oo ay ku wada guuleysteen tartanka Champions League, halka Antonio Griezmann oo xulka France u qaaday Koobka Adduunka uu saddexaad fadhiyo.

Warkan oo si toos ah uga hor imanaya macluumaad kale oo toddobaadkii hore soo baxay oo sheegayay in Luka Modric, Kylian Mbappe iyo Raphael Varane ay yihiin laacibiinta codadka ugu badan haysta, ayaa waxa uu meesha ka saarayaa haddii uu xaqiiqo noqdo toban sannadood oo Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ay abaal-marinta Ballon d’Or kaligood iska lahaayeen.

Luka Modric oo hore ugu guuleystay abaal-marinta xiddiga sannadka ee FIFA ee the Best ayaa waxa uu wacdaro ka dhigay Koobkii Adduunka oo uu dalkiisa ka caawiyey inay finalka tagaan, balse Real Madrid ayaa saddex jeer oo xidhiidh ah uu kula guuleystay Champions League.

Warka idaacaddu baahisay, ayaa waxa sidoo kale ay dhigtay barteeda Twitterka sida hoos ka muuqata.

LONDON, ENGLAND – SEPTEMBER 24: Luka Modric of Croatia and Real Madrid pose for a photo with his The Best FIFA Men’s Player Award and FIFA FIFPro World11 award during The Best FIFA Football Awards at Royal Festival Hall on September 24, 2018 in London, England. (Photo by Alexander Hassenstein – FIFA/FIFA via Getty Images)

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Xulka kubada Cagta Soomaaliya oo Taariikhi ah ka gaaray dhigiisa Jabuuti

(13-12-2018) Xulka qaranka Soomaaliya ayaa guul ka gaaray wiilasha Xulka Jabuuti kulan ciyaareed Saaxiibtinimo ee ka dhacay wadanka ...

Maxey Aheyd Fariintii Uu Pierre-Emerick Aubameyang Twitter-ka Ugu Gudbiyay Dembele & Falcelintii Halyeeyga Kooxda Ian Wright.

(13-12-2018) Weeraryahanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaa fariin hambalyo ah twitter-ka u dhigay saaxiibkiisii hore Ousmane Dembelekadib markii uu ...

Rocio Oliva oo Guriga ka Cayrisey Diego Maradona Kooxdee ayey Taageertaa?

(13-12-2018) Halyeeyga reer Argentina Diego Armando Maradona ayaa laga ceyriyay gurigiisa kadib markii ay isku dhaceen gacalisadiisa Rocio ...

Goolhaye Dida oo kahadlay Tayada Xiddiga Cusub ee AC Milan Lucas Paqueta

(13-12-2018) Goolhayihii hore Ac Milan Dida ayaa aaminsan Lucas Paqueta inuu si fiican ula qabsan doono Rossoneri, balse ...

Mohamed Salah Ma Farxsana, Fursadda Uu Helo Ma Dhalinayo Oo Waanu Dhibaatoonayaa

(12-12-2018) Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa xalay iska xaadirisay wareegga 16-ka ee tartanka UEFA Champions League, waxaana ay ...

Booqashadii Rooney Ee Aqalka Cad, Kulankii Carruurta Trump Iyo Qaabkii Uu Ku Tegay Madaxtooyada Maraykanka

(12-12-2018) Kabtankii hore ee kooxda Manchester United iyo xulka qaranka England ee Wayne Rooney ayaa booqday aqalka cad ...

Barcelona Oo Ganaax Lacageed Oo Xad-dhaaf Ah Kusoo Rogtay Xiddigii Xalay Badbaadiyey Ee Ousmane Dembélé

(12-12-2018) Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ciqaab adag oo dhaqaale kusoo rogtay xiddigooda Ousmane Dembele oo ahaa laacibkii ...

Wararkii ugu danbeeya Suuqa kala iibsiga Cayaartoyda

(12-12-2018) Shabakeda qalinkacayaaraha ayaa waxa ay eegeysaa wararkii ugu waa weynaa ee suuqa kala iibsiga iyo wararka xanta ...

Messi Airlines: Xogta Gudaha Diyaarad Si Gaarka Ah Loogu Farsameeyey Messi Iyo Waxyaabaha Qariibka Ah Ee Laga Helayo

(12-12-2018) Xiddiga kooxda kubadda cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa markii ugu horreysay loo sameeyey diyaarad u gaar ...

Ronaldo Oo Arrimo Ganacsi Ah Kala Hadlay Gerard Pique – Hadana Doonaya Inuu Wax Badan La Fariisto Si Ay U Wada Hdalaan.

(12-12-2018) Daafaca kasii hawlgabaya kubada cagta ee Gerard Pique ayaa doonaya inuu durba saameyn ku yeesho ganacsiga dunida ...

HOLAC: Kor Kulanka England Ugu Wayn Ee Liverpool vs Man United,Jamie Carragher & Gary Neville Oo Soo Xushay Shaxda Isku Darka Kooxihii Ay Ku Soo Xufiltameen.

(12-12-2018) Kooxaha Liverpool iyo Manchester United ayaa axada geesaha isku dari doona Anfield kulanka kubbada cagta England ugu ...

Waa Maxay Rikoorka Uu Rajeynayo Lionel Messi Inuu Sameeyo Kulanka Levante? Immisa Ciyaartoy Ayaase Kaga Horreeya.

(11-12-2018) Cayaaryahan Lionel Messi waa u dhaqan inuu mar walba rikoor sameeyo, kulankiisa xiga ee horyaalka wuxuu ku ...

Cayaartoygii Ingiriiska Ee Tareenka Ku Dhex Kufsaday Gabadha Oo Maxkamadda Ka Sheegay Wixii Uu Sameeyey

(11-12-2018) Cayaartoy hore ugu ciyaari jiray xulka qaranka England yaaa la hor keenay maxkamadda York ee Duham isaga ...

Lionel Messi oo ku soo bilaaban doona kulanka Caawa

(11-12-2018) Cayaaryahanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa laxaqiijiyey in uu ku soo bilaaban doono Cayaarta Caawa ay kooxdiisu ...

Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay Goolasha ugu badan Xiligaan Horyaalka Premier League

(11-12-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaasheena sharafta lahoow Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay ...