Sunday, December 16th, 2018

Daawo Gooska iyo Sawirada PSG oo ka aargoosatay Liverpool

Published on November 28, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(29-11-2018)Kooxda PSG ayaa guul xili ciyaareedkeeda muhiimad khaas ah u leh ka gaadhay Liverpool iyada oo Reds markale soo xambaaraday guuldaradii afraad oo xidhiidh ah ee kulaamdii ay Champions League martida ku soo noqotay.

Liverpool ayaa saddexii kulan ee ay xili ciyaareedkan martida ugu badxday kooxaha Napoli, Red Star Belgrade iyo PSG waxay la soo wada laabtay guuldarooyin waxayna hadda rajadeedu ku xidhan tahay in ay Anfield ku garaacdo Napoli haddii ay doonayso in ay u soo baxdo wareega 16ka kooxood ee Champions League.

Liverpool ayaa u baahan doonta in ay 1-0 guul kaga gaadho Napoli ama goolal ka badan si ay ugu soo bixi karto wareega 16ka kooxood ee Champions league taas oo muujinaysa cadaadiska ay kooxda Klopp la kulmayso iyada oo waqti ahayd kooxda hogaaminaysay Group C.

SHIXIHII LABADA PSG VS LIVERPOOL:

LIVERPOOL (4-3-3): Alisson; Joe Gomez, Dejan Lovren, Virgil van Dijk, Andrew Robertson; James Milner, Jordan Henderson, Georginio Wijnaldum; Mohamed Salah, Sadio Mane, Roberto Firmino.

Kaydka: Xherdan Shaqiri, Trent Alexander-Arnold, Naby Keita, Simon Mignolet, Daniel Sturridge, Fabinho, Joel Matip.

PSG (3-4-3): Gianluigi Buffon; Marquinhos, Thiago Silva, Presnel Kimpembe; Thilo Kehrer, Marco Verratti, Angel Di Maria, Juan Bernat; Kylian Mbappe, Neymar, Edinson Cavani.

Kaydka: Dani Alves, Eric Maxim Choupo-Moting, Adrien Rabiot, Moussa Diaby, Stanley N’Soki, Alphonse Areola, Julian Draxler.

Daqiiqadii 13 aad PSG ayaa la timid goolkeeda furitaanka ee ay jaho wareerka ugu abuurtay Liverpool waxaana goolkan u saxiixay Juan Bernat kaas oo ka faa’iidaystay kubbad uu Van Dijk markii hore ka joojiyay Mbappe waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay PSG hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

Ciyaarta ayay isbadashay waxayna PSG bilawday in ay dib ugu degto qaybta ay garoonka ka joogtay laakiin marka ay kubbada hesho waxay bilaabaysay in Neymar Jr iyo Mbappe ay kubbada deg deg ah ka helaan xidigaha khadka dhexe taas oo Liverpool dhibaato ku ahayd.

 

Daqiiqadii 37 aad PSG ayaa goolkeeda labaad wadnaha ku xanuujisay Liverpool kadib markii Neymar Jr iyo Mbappe ay si layaableh iskugu soo xidhmeen laakiin goolhaye Alisson ayaa fursad layaableh ka beeniyay Cavani balse kubbada uu badbaadiyay waxaa markiiba goolka ku dhamaystiray Neymar Jr kaas oo ciyaarta ka dhigay 2-0 ay PSG hogaanka kula wareegtay.

 

Liverpool ayaa ku ciyaaraysay caadis la’aan iyo qaab qaabis ah taas oo PSG siisay xoriyad badan marka ay weerarka qaadayso laakiin Reds ayaan wali ka quusan in ay raadiso goolal inta ayna qaybtii hore dhamaan.

 

Daqiiqadii 45 aad Sadio Mane ayaa qaab qurux badan u soo jiidhay ciyaartoyda PSG wuxuuna soo galay xerada ganaaxa laakiin Di Maria oo duulaya ayaa Sadio Mane qaatay wuxuuna garsooruhu markii hore tilmaamay in ay koorne tahay.

 

Muddo kadib garsoorka ayaa xidhiidh sameeyay waxaana cadaatay in Di Maria uu rekoodhe cadaan ah ku galay Sadio Mane taas oo keentay in Reds rekoodhe lagu abaal mariyay.

 

Daqiiqadii 45+1 aad ee dhamaadkii qaybtii hore James Milner ayaa tuuray rekoodhaha kooxdiisa lagu abaal mariyay wuxuuna jahada qaladan u diray goolhaye Buffon isaga oo sidaa ku soo nooleeyay rajadii Liverpool ee sii dhimanaysay waxaana qaybtii hore lagu kala nastay 2-1 ay PSG hogaanka ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta  ayay Liverpool soo laabtay iyada oo dardar cusub ku socota waxayna markiiba cadaadis badan saartay PSG laakiin fursad lumin badan oo ay Reds samaysay ayaa PSG u sii ogolaatay in ay hogaanka ciyaarta sii haysay.

Daqiiqadii 65 aad markii uu tababaraha PSG u adkaysan waayay dhibta kooxdiisa haysatay waxa uu sameeyay laba badal isaga oo saaray Cavani iyo Di Maria wuxuuna ciyaarta soo galiyay Choupo-Moting.

 

Klopp ayaa isna kaga jawaabay in daqiiqadii 66 aad uu ciyaarta ka saaray  Wijnaldum wuxuuna soo galiyay Naby Keita waxayna wali Liverpool raadinaysay goolka isku dayada badan u lumisay ee barbaraha.

Daqiiqadii 70 aad PSG ayaa heshay fursadii ugu horaysay ee qaybta labaad laakiin waxay ahayd mid gool cadaan ah loo fishay iyada oo Marquinhos uu darbo madax cajiib ah uu ku qabtay goolka Liverpool kadib markii uu Neymar soo tuuray koorne laakiin goolhaye Alisson ayaa Liverpool ciyaarta ku sii hayay isaga oo badbaadin cajiib ah sameeyay.

 

Daqiiqadii 71 aad Klopp ayaa ciyaarta ka saaray Roberto Firmino wuxuuna kaydka ka soo kiciyay Daniel Sturridge si uu weerarka kooxdiisa ugu soo xoojiyo.

Wax walba oo ay Liverpool samaysay waxay ku fashilantay in ay goolka labaad keensato iyada oo difaaca PSG ay awoodeen in ay si buuxda u aamusiiyaan weerarkii Liverpool.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-1 ay PSG xili ciyaareedkeedii Champions League ku badbaadsatay Liverpool laakiin Napoli oo hogaanka u haysay Group C ayaa 3-1 ku garaacday Red Star Belgrade taas oo la micno ah in Liverpool uu kulanka Anfield ee Napoli u noqon doono mid.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...