Thursday, December 13th, 2018

Layaab! Jose Mourinho Oo Qirtay In Cayaartoygiisu Si Toos Ah U Diideen Shaxdii Uu Ku Amray Inay Ku Cayaaraan

Published on November 28, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(28-11-2018) Macalinka kooxda kubadda cagta Manchester United, Jose Mourinho ayaa sheegay inuu ka cadhaysan yahay ficil ay sameeyeen ciyaaryahannada kooxda oo ka dhego adaygay inay u ciyaaraan sidii uu ku amray.

Manchester United ayaa xalay 1-0 kaga adkaatay naadiga Young Boys, waxaana guushaasi ay ka caawisay inay usoo baxaan wareegga 16-ka ee tartanka Champions League, hase yeeshee, Jose Mourinho oo ciyaarta kaddib warbaahinta la hadlay ayaa muujiyey inuu ka cadhaysan yahay qaabkii ay u ciyaareen xiddigaha kooxdiisa ee uu ciyaarta ku bilaabay, kuwaas oo uu tilmaamay in sidii uu u sheegay aanay u ciyaarin.

Mourinho waxa uu tilmaamay inuu doonayey, una sheegay ciyaartoyga inay si awood badan u ciyaaraan, culays saaraan Young Boys isla markaana aanay dib u fadhiisanin.

“Waxa aan ka doonayey kooxda inay si xoog badan ku bilaabaan, xoog ku tagaan dhinaca kooxda kasoo horjeeda oo aanay sugin.” Ayuu yidhi Jose Mourinho oo qiray in aanay laacibiintiisu sidaas samaynin.

“Waxa laga yaabaa in idinka (warbaahinta) ama jamaahiirtu aad u malaynaysaan in Jose uu u sheegay inay si caajis ah ku bilaabaan, si fiican oo fudud u ciyaaraan amaba ay xagga dambe iska fadhiyaan. Xaqiiqadu sidaas maaha, waxaanan doonayey in kooxdu si degdeg ah usocoto, waanan ka xumaaday.” Ayuu ku daray.

Mourinho waxa kale oo uu tilmaamay in ciyaartaasi aanay muhiimad weyn u lahayn sababtoo ah, rajadadoodu kumay xidhnayn koox kale, hase yeeshee uu doonayey inay ciyaar tayo leh soo bandhigaan, waxaanu yidhi: “May ahayn ciyaar muhiim ah sababtoo ah, haddii aanaan guuleysan lahayn, kumaanaan xidhnayn natiijada koox kale.”

Si kastaba ha ahaate, maaha markii koowaad ee tababare Jose Mourinho uu weeraro ciyaaryahannada kooxdiisa isaga oo warbaahinta hor taagan, waxaana hore u dhacday inuu shaqsiyaad magacyadooda kaga dhawaaqay meel fagaare ah isaga oo dhalleecaynaya.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Xulka kubada Cagta Soomaaliya oo Taariikhi ah ka gaaray dhigiisa Jabuuti

(13-12-2018) Xulka qaranka Soomaaliya ayaa guul ka gaaray wiilasha Xulka Jabuuti kulan ciyaareed Saaxiibtinimo ee ka dhacay wadanka ...

Maxey Aheyd Fariintii Uu Pierre-Emerick Aubameyang Twitter-ka Ugu Gudbiyay Dembele & Falcelintii Halyeeyga Kooxda Ian Wright.

(13-12-2018) Weeraryahanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaa fariin hambalyo ah twitter-ka u dhigay saaxiibkiisii hore Ousmane Dembelekadib markii uu ...

Rocio Oliva oo Guriga ka Cayrisey Diego Maradona Kooxdee ayey Taageertaa?

(13-12-2018) Halyeeyga reer Argentina Diego Armando Maradona ayaa laga ceyriyay gurigiisa kadib markii ay isku dhaceen gacalisadiisa Rocio ...

Goolhaye Dida oo kahadlay Tayada Xiddiga Cusub ee AC Milan Lucas Paqueta

(13-12-2018) Goolhayihii hore Ac Milan Dida ayaa aaminsan Lucas Paqueta inuu si fiican ula qabsan doono Rossoneri, balse ...

Mohamed Salah Ma Farxsana, Fursadda Uu Helo Ma Dhalinayo Oo Waanu Dhibaatoonayaa

(12-12-2018) Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa xalay iska xaadirisay wareegga 16-ka ee tartanka UEFA Champions League, waxaana ay ...

Booqashadii Rooney Ee Aqalka Cad, Kulankii Carruurta Trump Iyo Qaabkii Uu Ku Tegay Madaxtooyada Maraykanka

(12-12-2018) Kabtankii hore ee kooxda Manchester United iyo xulka qaranka England ee Wayne Rooney ayaa booqday aqalka cad ...

Barcelona Oo Ganaax Lacageed Oo Xad-dhaaf Ah Kusoo Rogtay Xiddigii Xalay Badbaadiyey Ee Ousmane Dembélé

(12-12-2018) Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ciqaab adag oo dhaqaale kusoo rogtay xiddigooda Ousmane Dembele oo ahaa laacibkii ...

Wararkii ugu danbeeya Suuqa kala iibsiga Cayaartoyda

(12-12-2018) Shabakeda qalinkacayaaraha ayaa waxa ay eegeysaa wararkii ugu waa weynaa ee suuqa kala iibsiga iyo wararka xanta ...

Messi Airlines: Xogta Gudaha Diyaarad Si Gaarka Ah Loogu Farsameeyey Messi Iyo Waxyaabaha Qariibka Ah Ee Laga Helayo

(12-12-2018) Xiddiga kooxda kubadda cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa markii ugu horreysay loo sameeyey diyaarad u gaar ...

Ronaldo Oo Arrimo Ganacsi Ah Kala Hadlay Gerard Pique – Hadana Doonaya Inuu Wax Badan La Fariisto Si Ay U Wada Hdalaan.

(12-12-2018) Daafaca kasii hawlgabaya kubada cagta ee Gerard Pique ayaa doonaya inuu durba saameyn ku yeesho ganacsiga dunida ...

HOLAC: Kor Kulanka England Ugu Wayn Ee Liverpool vs Man United,Jamie Carragher & Gary Neville Oo Soo Xushay Shaxda Isku Darka Kooxihii Ay Ku Soo Xufiltameen.

(12-12-2018) Kooxaha Liverpool iyo Manchester United ayaa axada geesaha isku dari doona Anfield kulanka kubbada cagta England ugu ...

Waa Maxay Rikoorka Uu Rajeynayo Lionel Messi Inuu Sameeyo Kulanka Levante? Immisa Ciyaartoy Ayaase Kaga Horreeya.

(11-12-2018) Cayaaryahan Lionel Messi waa u dhaqan inuu mar walba rikoor sameeyo, kulankiisa xiga ee horyaalka wuxuu ku ...

Cayaartoygii Ingiriiska Ee Tareenka Ku Dhex Kufsaday Gabadha Oo Maxkamadda Ka Sheegay Wixii Uu Sameeyey

(11-12-2018) Cayaartoy hore ugu ciyaari jiray xulka qaranka England yaaa la hor keenay maxkamadda York ee Duham isaga ...

Lionel Messi oo ku soo bilaaban doona kulanka Caawa

(11-12-2018) Cayaaryahanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa laxaqiijiyey in uu ku soo bilaaban doono Cayaarta Caawa ay kooxdiisu ...

Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay Goolasha ugu badan Xiligaan Horyaalka Premier League

(11-12-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaasheena sharafta lahoow Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay ...