Sunday, December 16th, 2018

Lionel Messi Oo Caqabad Ku Noqonaya Qorshe Uu Dejistay Tababare Klopp Iyo Codsi Uu U Diray Maamulka Barcelona Oo Quus Ka Dhigaya Liverpool

Published on November 28, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(28-11-2018) Tababaraha Liverpool, Jurgen Klopp  ayaa la kulmay caqabad hor leh kaddib markii qorshe uu dejistay oo uu kaga hawlgalayey suuqa kala iibsiga uu dhexda kasoo galay kabtanka Barcelona ee Lionel Messi.

Klopp ayaa doonaya inuu hal ciyaartoy oo muhiim ah kusoo kordhiyo difaaciisa, kaas oo uu ka dhex arkooday naadiga Barcelona, hase yeeshee, Lionel Messi oo codsigiisa aad ay u tixgeliyaan masuuliyiinta naadigaas ayaa dalbaday in dariiq kasta laga xidho Jurgen Klopp.

Sida uu qoray wargeyska Don Balon ee kasoo baxa dalka Spain, tababare Klopp ayaa doonaya in kooxdiisa Liverpool uu keeno difaaca bidix ee Barcelona ee Jordi  oo uu sii dhamaanayo qandaraaska uu kula jiro Barcelona, balse Lionel Messi oo maqlay xanta Liverpool ayaa u sheegay madaxweyne Bortameu inuu si degdeg ah heshiis cusub ugu bandhigo difaacan.

Alba oo ka mid ah ciyaaryahannada waqtigan ugu wanaagsan ee booskiisa, ayaa waxa uu ka niyad jabsan yahay sida aanay kooxdu ugu degdegaynin in heshiiskiisa la cusboonaysiiyo, horumarna aan lagu samaynin heshiiskiisa sii dhacaya.

Warku waxa uu intaa ku daray in Messi oo si wanaagsan ay isku fahmaan Alba marka ay garoonka ku jiraan, ay kooxo badan oo kale xiisaynayaan  sida PSG iyo Manchester City, laakiin koxoda damaca rasmiga ah laga dareemayo ay tahay Liverpool oo uu tababaraheeda Klopp xiise gaar ah u hayo.

Warkan uu qoray wargeyska Don Balon oo niyad jab ku keenaya tababare Klopp ayaa qalbiga u qaboojinayaa jamaahiirta Barcelona oo sugaya inay degdeg u arkaan laacibkooda oo qalinka ku duugay heshiis cusub.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...