Sunday, December 16th, 2018

Markii Maaro loo waayey Garoonka Santiago Bernabeu oo lagu Cayaari doono Kulanka Caalamka ugu weyn

Published on November 29, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(30-11-2018)Kubbada cagta aduunka ayaa si wayn u sugaysay kulankii lugta labaad ee finalka koobka kooxaha qaarada South America ee Copa Libertadores kaas oo ay iskugu soo baxeen kooxaha reer Argentina ee River Plate iyo Boca Juniors iyada oo kulankii lugtii hore ay ka dhaceen rabshadihii ugu xumaa oo aduunka oo dhan laga dareemay.

Laba jeer ayaa la badalay isla markaana dib loo dhigay kulankii lugta labaad ee finalka Copa Libertadores kaas oo ay kooxaha River Plate iyo Boca Juniors si rasmi ah ugu kala bixi lahaayeen laakiin maalo jaho wareer iyo fadeexad wayni ay dul hoganaysay kubbada cagta Argentina iyo South America, waxaa hadda soo baxay in Santiago Bernabeu lagu ciyaari doono kulankan.

Kadib markii laba jeer la kansalay taariikhdii loo qabtay kulanka Boca Juniors iyo River Plate waxaa qasab noqotay in gabi ahaanba kulankan laga daayo dalka Argentina waxaana soo baxay wadamo badan iyo garoomo badan oo doonayay in ay marti galiyaan.

Miami, Camp Nou iyo xataa garoonka kooxda PSG ayaa ka mid ahaa garoomada u tartamayay in ay marti galiyaan kulanka aduunka ugu xamaasada badan ee u dhexeeya River Plate iyo Boca Juniors laakiin war hadda soo baxay ayaa sheegaya in garoonka Real Madrid ee Santiago Bernabeu uu noqon doono kan marti galin doona kulankan sida wayn aduunka looga sugayo.

Shirkada BWIN oo ay Real Madrid wada shaqayn leeyihiin ayaa barteeda twitterka ku shaacisay in ay hadda rasmi tahay in Bernabeu uu marti galin doono finalka Copa Libertadores ee kooxaha River Plate iyo Boca Juniors.

Xidhiidhka kubbada cagta aduunka ee FIFA iyo waliba xidhiidhka kubbada cagta South America ee CONMEBOL  ayaa hadda u fadhiya in ay go’aan rasmi ah ka gaadhaan goobta marti galin doonta waxaana la filayaa in ay shaacin doonan in Santiago Bernabeu uu noqon doono garoonka marti galin kara finalka Copa Libertadores.

Maamulka Real Madrid ayaa haddaba la shaqaynaya booliiska caasimada Madrid si ay ugu diyaar garoobaan kulanka aduunka ugu xamaasada badan ee River Plate iyo Boca Juniors laakiin waxaa wali la sugayaa in si rasmi ah loogu dhawaaqi go’aankan.

Si kastaba ha ahaatee, waxay kubbada cagta aduunku u dhegtaagaysaa go’aanka rasmiga ah ee uu ku dhawaaqi doono xidhiidhka kubbada cagta South America ee CONMEBOL marka dhinac walba ogolaadaan qorshaha ugu danbeeyay ee la soo diyaariyay.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...