Sunday, December 16th, 2018

N’Golo Kante Oo Lagula Taliyey Inuu Ka Tago Chelsea Iyo Tababare Maurizio Sarri Oo Sabab U Noqonaya Bixiddiisa

Published on November 30, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(30-11-2018) Xiddiga khadka dhexe ee N’Golo Kante  ayaa loo soo jeediyey in dhamaadka xili ciyaareedkan uu iskaga tago kooxda Chelsea maalmo kooban kaddib markii uu qalinka ku duugay heshiis cusub oo uu lacag badan ku qaadan doono.

N’Golo Kante ayaa saamayntii uu ku lahaa Chelsea ay hoos u dhacday tan iyo markii uu yimid Jorginho xagaagii, waxaana tababare Maurizio Sarri uu booskii Kante ka ciyaari jiray istaajiyey xiddiga Talyaaniga ah, taasina waxay keentay in laacibka ku guuleystay Koobka Adduunku uu ku dhex wareego garoonka oo aanu ka ciyaarin halkii uu khibradda badan u lahaa.

27 jirkan oo ku guuleystay xiddiga sannadka ee dalka Ingiriiska, ayaa lagu tilmaamaa laacibka ugu wanaagsan dunida ee dhexda dambe ee difaaca caawisa, taas oo indhaha dunida kusoo jiitay markii uu Leicester City ka caawiyey inay horyaalka Premier League ku guuleysato iyadoon dad badan hore usii aqoonin, isla markaana uu kusii daray in Chelsea  uu kula guuleystay Premier League xili ciyaareedkiisii u horreeyey.

Kulamadii xili ciyaareedkan, Sarri waxa uu saddexdiisa khadka dhexe tiir uga dhigay Jorginho oo booskii Kante ee dhexda dambe ka ciyaarsiiyey, waxaana uu hore u dhigay Kante oo uu laacib kale ku saddexeeyo, taasina waxay hoos u dhigtay qaab ciyaareedkiisa, balse Sarri naf ahaantiisa ayaa dhalleecayn ku mutaystay qaabkii uu Jorginho u ciyaaray kulankii Tottenham ee guul-darradu gaadhay.

Arrintan waxay keentay inay soo yeedhaan dhawaaqyo loosoo jeedinayo Kante oo loogu sheegayo inuu iskaga tago Blues haddii lagu soo celin waayo booskiisii uu la qabsaday, waxaana dadkii taladaas jeediyey ugu dambeeyey laacibkii hore ee Chelsea, Tony Cascarino.

“Ma filayo in faaladii uu Sarri ka bixiyey Kante ay aad ugu sallaysnayd farsamada, walaacna ay keenayso. Mawduuca ugu weyn waa in Kante la siiyey qandaraas cusub, sababtuna waa inay jireen kooxo badan oo raadinayey, laakiin waxa ku dhacday boos la’aan, waxaanad dareemaysaa in la dayacay.” Sidaas ayuu yidhi Tony Cascarino.

“Heshiiska cusub ee uu saxeexay, kuma filna inuu ka ilaaliyo Kante inuu sii joogo haddii xili ciyaareedka oo dhan uu waayo booskiisa.” Ayuu ku daray.

Sarri ayaa dhowaan sheegay in kooxdiisa ay joogaan laba ciyaartoy oo kaliya oo dhexda dambe ka ciyaara, ayna yihiin Jorginho iyo Fabregas, waxaanu liiska ka saaray Kante oo dunidu isku raacsan tahay inuu yahay laacibka ugu wanaagsan ee booskaas.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...