Sunday, December 16th, 2018

Warbixin cajiib ah oo laga diyaariyey Mohamed Salah iyo sida uu u Caawiyo dadka Muslimka ah

Published on November 30, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(01-12-2018) Maalinta Axadda waxa xidhmi doonta codaynta ciyaartoyga ugu wanaagsan qaaradda Afrika sannadkan oo ay ku loollamayaan Sadio Mane, Mohamed Salah, Mehdi Benatia, Partey iyo Koulibaly.

Abaal-marintan oo ay bixiso BBC, ayaa waxay xiddigaha ku hirdamaya ka diyaarisay warbixino kala duwan oo noloshooda, xirfaddooda iyo hab-dhaqankooda oo ay ku jirto caqiiqadoodu ay ka diyaarisay, waxaananu halkan idiinku soo gudbinaynaa warbixin cajiib ah oo Mohamed Salah laga diyaariyey.

Warbixinta oo dheer ayaanu kasoo qaadnay meelaha ugu muhiimsan ee ay BBC-du dul istaagtay, waxaanay u dhignayd sidan:

Sannadihii u dambeeyey, dalka Masar waxa uu haystay boggaga hore ee warbaahinta sababo kala duwan dartood, sida degganaansho la’aanta siyaasadeed iyo weerarro aragagixiso, laakiin waxa jiray nin arrintaas beddelayey.

Weeraryahanka Liverpool ee Mohamed Salah waxa uu garoomada ku qaatay sannad cajiib ah oo uu noqday ciyaartoyga ugu goolasha badan xili ciyaareedka 2017-18 horyaalka dalka Ingiriiska ee Premier League, sidoo kalena noqday ciyaartoygii ugu degdegga badnaa taariikhda Liverpool ee u dhaliye 50 gool, kaas oo ka caawiyey inay tagto finalka Champions League.

Dibedda garoonka, waxa jira sheekooyin qalbiga kuu qaboojinaya oo ku saabsan 26 jirkan, kuwaas oo aan ka farxinayn jamaahiirta Liverpool oo kaliya, laakiin dhamaan dadka xiiseeya kubadda cagta adduunka oo dhan.

“Mohamed Salah wuxuu ahaa binu-aadam nadiif ah illaa yaraantiisii.” Sidaas waxa BBC Sports u sheegay Hamdi Nooh, oo ah tababaraha kooxda Arab Contractors oo ah naadigii kasoo baxay Mohamed Salah ee carruurnimadiisii oo u ciyaarayay.

“Waxaan idiin sheegayaa qiso aanay dad badan ogeyn. Markii 10 jirka ahaa, marka uu imanayo tababarka kooxdii tuuladiisa ee Basyoum, waxa uu dariiqyada kusoo mari jiray ey illaa garoonka tababarka ku xeersan.

“Inkasta oo uu yaraa, Salah waxa dhaqan u ahayd inuu usoo qaado inuu cunto uga soo qaado gurigooda oo uu garoonka ku siiyo maalin kasta. Waa qof qalbi wanaagsan oo jacayl badan.”

Marka laga yimaaddo qisada uu soo gudbiyey Hamdi, sannadihii ugu dambeeyey wuxuu quudinayey xayawaano uu lacag ku bixiyo, laakiin toddobaadkan horraantiisii wuxuu ka hadlay xayawaano u badan ey iyo bisado oo la sheegay in Masar ay dibedda u iib geyso, arrintaas oo uu kasoo horjeedsaday.

Dhinaca diinta, waxa uu ku yahay deeqsi. Aabo ku sugan dalka Masar ayaa sheegay in Salah uu bixiyey dhamaan kharashkii ku baxay wiil uu dhalay oo laga qalay xanuunka halista ah ee Kansarka.

Waxa kale oo uu lacago badan ku bixiyey xarumo caafimaad oo uu ka furay tuuladiisii Basyoum iyo iskuulo carruurta lagu baro diinta oo uu halkaas ka dhisay.

Lacag dhan $30,000 ayuu ku caawiyey ciyaaryahannadii hore ee xulka qaranka Masar, waxaana u dheer in dalkiisa oo ku jiray qalalaase dhaqaale uu qasnadda ugu shubay lacag dhan $300,000 sannadkii tegay, balse tuulada uu ku dhashay ee Basyoum oo uu ka aasaasay Jimciyad dadka caawisa, waxa uu si toos ah dhaqaale ahaan gacanta ugu hayaa 450 qoys oo biilkooda uu bil walba gaadhsiiiyo.

“Salah marna ma illoobin halka xididkiisu kasoo jeedo, halka ciyaaryahannada kale ay iloobaan qoysaskooda iyo tuulooyinkoodii ay qaniga ka noqdeen” Sidaas waxa yidhi Inas Mazhar oo ka tirsan shaqaalaha dhinaca warbaahinta ee xulka qaranka Masar.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...