(02-12-2018) Kooxda Kubada Cagta Manchester City ayaa sii xoogisay hogaanka Premier League kaddib guul muhiima oo ay ka gaartay dhigeeda Bournemouth oo ay kaga badiyeen 3-1.
Cayaarta ayaa qeybta hore lagu kala maray 1-1, waxaana hogaanka dheesha qabatay City markii uu goolka daah furka u dhaliyay laacibka Bernardo Silva.
Laakiin kooxda martida ayaa goolka bar-baraha la timid qadiidaqii ugu dambeyay qeybta kowaad waxaana goolka u gaaray gooldhaliyahooda Callum Wilson.
Dib markii loogu soo kaambiyaha dambe City ayaa si awood le hula wareegtay maamulka cayaarta iyagoo la yimid laba gool oo dheeri ah.
Goolka ay markale hogaanka ku qabteen waxaa u dhaliyay Raheem Sterling daqiiqadii 57-aad ka hor inta uusan Bornemouth quusin daqiiqadii 79-aad Ilkay Gundogan oo goolka seddaxaad u dhaliyay City.
Kulanka ayaa ahaa mid cayaar wanaagsan soo bandhigeen laba dhinac iyadoo dhanka aqlaaqda ay wanaagsaneed madaama uusan jirin laacib qaatay calaamad jaalle ah.
Guushan ayay City kaga dhigan tahay In hogaanka ay ku qabatay 5 dhibcood iyagoona guul gaaray 10 kamida 14-kulan oo ilaa hadda ay dheeshay kooxda xafidaneysa horyaalka.
E-mail: info@qalinkacayaaraha.com