Sunday, December 16th, 2018

Waqtiga Uu Ka Tegi Doono Arsenal, Shan Ciyaartoy Oo Lambarkiisa 10 Xidhan Kara Iyo Xaaladda Qasan Ee Mesut Ozil

Published on December 5, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(05-12-2018) Mesut Ozil ayay u muuqataa inuu ku jiro maalmihiisii ugu dambeeyey ee garoonka Emirates, dhawaanna uu soo afjarmi doono cimrigiisa Ingiriisku kaddib shan sannadood oo uu xidhnaa funaanadda Arsenal.

Laacibkan reer Germany ayaa ka baxay liiska ciyaaryahannada uu ku xisaabtamayo tababare Unai Emery oo u arka inuu yahay laacib tabcaan ah oo aan kulamada adag waxba samayn karin, waxaana uu seegay laba ciyaarood oo xidhiidh ah oo horyaalka Premier League ka tirsan.

30 jirkan ayaa la sheegay in dhamaadka xili ciyaareedkan uu ka bixi doono Arsenal, una wareegi doono kooxda aadka u xiisaynaysa ee Inter Milan.

Haddaba waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa shan ciyaartoy oo marka uu Ozil tago ay Arsenal u dhaqaaqi doonto heshiiskooda iyo sidii ay usoo xero gelin lahayd.

Nabil Fekir (Lyon)

Waa mid ka mid ah laacibiinta khadka dhexe ee weerarka xiga ee ugu wanaagsan qaaradda Yurub, hubaashiina waxa raadinaya xiddigo badan oo midkood uu ugu dambayn uga wareegi doono lyon.

Laacibkan heerka caalami ee xulka qaranka Faransiiska, waxa xagaagii ku fashilantay Liverpool oo ugu dambayn ka qanacday, waxaase bakooradda u qaadan doonta Arsenal oo wakiilladeeda u diraysa sidii ay uga dhaadhicin lahaayeen inuu xidho funaanadda laga siibayo Mesut Ozil.

Christian Pulisic (Borussia Dortmund)

Hibadiisa ciyaareed, kartidiisa iyo caqliga kubad ciyaarista u sahlay ee aad moodo inuu uurka hooyadii kala soo dhacay, ayaa Christian Pulisic ka dhigay laacibka ugu muhiimsan Borussia Dortmund.

Xiddigan u dhashay waddanka Maraykanka, waxa lala xidhiidhinayaa Chelsea iyo Liverpool, lacagta ay kooxdiisu ku fasixi kartana waxa lagu qiyaasay 70 milyan oo Gini, hase yeeshee sida ay ku warrantay warbaahinta Everning Standard, kooxda Arsenal ayaa kusoo biirtay tartanka, waxaana uu tababare Unai Emery doonayaa inuu u xidho funaanadda Mesut Ozil isagoo ku qancay inuu hoggaamin doono shaxda cusub ee uu doonayo inuu ku ciyaarsiiyo Gunners ee 3-4-3 oo ah mid uu la jaan-qaadi kari waayey Ozil.

Julian Draxler (PSG)

Waa ciyaartoy uu Unai Emery si fiican aqoon ugu leeyahay maadaama ay kasoo wada shaqeeyeen PSG, balse laacibkan waxa la rumaysan yahay in aanu kusii jiri doonin xaaladda boos la’aanta ah ee ku haysata kooxda reer France.

Kooxo dhawr ah ayaa la sheegay inay isha ku hayaan laacibkan reer Germany, hase yeeshee Arsenal ayaa laba arrimoodba kaga horreysa naadiyada kale ee ku loollamaya. Qodobka koowaad, waa in macallinka ay saaxiibka yihiin ee Emery uu ku qancin karayo inuu qayb ka noqdo mashruuciisa cusub ee Emirates iyo midka labaad oo ah in uu boos ka helayo laacibiinta uu ka magaca weynaanayo ee kaga sii horreeya halkaas.

Isco (Real Madrid)

Dhibaato badan ayuu ku dareemayaa Real Madrid, kamana mid aha xiddigaha uu doonayo tababare Santiago Solari, sidaas daraadeed, Isco waxa uu ka fikirayaa inuu ka tago Real Madrid, meelaha laga doonayana waxa ka mid ah Arsenal oo uu u buuxin doono booska Ozil haddii uu tago xagaaga.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...