Sunday, December 16th, 2018

XOG: Kaddib Dhamaadka Musalsalkii Taxanaha Ahaa Ee Ronaldo Iyo Messi, Waa Kuwee 6-da Ciyaartoy Ee Sannadka Dambe Ku Tartami Kara Ballon D’Or

Published on December 5, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(05-12-2018) Luka Modric ayaa xalay soo afjaray musalsalkii taxanaha ahaa ee tobanka sannadood socday ee ay jileyaasha ka ahaayeen Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, kuwaas oo dunida qabsaday intii ka dambaysay sannadkii 2007 oo ah waqtigii uu ciyaartoygii ugu dambeeyey ee aan labadooda ahayn ku guuleysto abaalmarinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or.

Sannadkii 2007, halyeygii reer Brazil ee Kaka ayaa hantiyey xiddiga adduunka, laakiin waxa garbihiisa taagnaa Lionel Messi iyo ninka ay is eryanayaan, balse xiddiga reer Argentine ayaa markii ugu horreysay tan iyo 2006 ka maqnaaday liiska saddexda ciyaartoy ee ugu wanaagsan, isagoo kaalinta shanaad galay.

12-kii bilood ee ugu dambeeyey, labadooduba, Ronaldo iyo Messi, waxay sameeyeen bandhig cajiib ah oo ay ku guuleysteen Koobab badan, balse waxa isbaaro u dhigtaay Luka Modric oo ka urursaday dhamaan abaalmarinihii shaqsiga ahaa ee bandhigga la xidhiidhay oo aanay ku jirin kuwa lagu bixiyo gool-dhalintu.

Guusha Modric, waxay fasax siisay Ronaldo iyo Messi oo musalsalkoodii dhamaaday amaba ugu yaraan uu fasax kooban oo sannad ah galay, laakiin xili ciyaareedkan socda ayaa waxa soo bixi kara laacibiin kale oo isbaaro dhigan kara sida Modric oo kale, kuwaas oo jidka abaalmarinta ka xidhi kara Messi-Ronaldo.

Haddaba waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa lix ciyaartoy oo dhamaadka sannadka dambe Luka Modric kala wareegi doona abaal-marinta isla markaana boodhka ku qasi doona Messi iyo Ronaldo.

Neymar

Inkasta oo kaalinta 12aad uu xalay ku dhamaystay, haddana way adag tahay in murashaxiinta xiddiga adduunka laga saaro magaciisa.

Marka laga yimaaddo Ronaldo iyo Messi waxa uu ahaa laacibka loo saadaalinayey inuu ka beddelo fagaareyaasha, taasina waxay sare usii kacday markii uu noqday ciyaartoyga dunida ugu qaalisan ee uu PSG tegay, balse waxa uu la kulmay caqabad ah in horyaalka Ligue 1 oo ka hooseeya tartamada kale uu kusoo geli waayo qiimaynta sare.

Haddii kooxdiisa PSG ay ku guuleysato Champions League, dalkiisa Brazil na ka caawiyo inay qaadaan tartanka Copa America isla markaana uu sii ahaado hoggaamiyaha naadiga ee haddaba uu ka boobay Edinson Cavani, waxa uu noqon karaa laacibka bisha December ee sannadka dambe magaalada Paris lagu guddoonsiiyo Ballon d’Or.

Antoine Griezmann

Kaalinta labaad ayuu xalay ku dhamaystay, waxaana ka horreeyey Luka Modric oo kaliya. Xulka qaranka Faransiiska ayaa uu ku hoggaamiyey guul ay sugayeen tan iyo sannadkii 1998 oo ah muddo labaatan sannadood laga joogo, kuwaas oo uu u qaaday Koobka Adduunka, laakiin kooxdiisa Atletico Madrid ayuu sidoo kale u qaaday Europa League.

Haddii sannadkan ay kooxdiisa Atletico Madrid ku guuleysato tartanka LaLiga, isla markaana uu tago finalka Champions League amaba ay ku guuleystaan, way adag tahay inuu jiro ciyaartoy kale oo ku cidhiidhya Ballon d’Or.

Raheem Sterling

Manchester City ayaan weli dhinaceeda dhulka la dhigin horyaalka Premier League oo xili ciyaareedkii horena farqigii ugu weynaa ay ku qaadeen. Kevin de Bruyne ayaa ahaa hoggaamiyaha iyo halyeyga yeedhiya kubbadda quruxda badan ee City, laakiin markii uu dhaawacmay, waxa masuuliyaddu ku wareegtay Raheem Sterling oo xili ciyaareedkan u dhaliyey siddeed gool, lix kalena caawiyey, taasina waxay ka dhigtay laacibka ugu khatarta badan Premier League iyo sidoo kale midka ugu dhaqdhaqaaqa badan ee difaacyahannadu ku dhibtoodaan qabashadiisa iyo goolashiisa sida fudud uu shabaqa u gaadhsiiyo.

Haddii uu horyaalka Premier League iyo Champions League u horseedo kooxda tababare Pep Guardiola, isla markaana qarankiisa England la qaado Nations League badhtamaha sannadka dambe, waxa xaqiiqo ah in 23 jirkan asalkiisu kasoo jeedo Jamaica la siin doono abaal-marinta Ballon d’Or.

Mohamed Salah

44 gool oo dhamaan tartamada uu ud haliyey Liverpool xili ciyaareedkii hore, waxa uu ku kasbaday in kaalinta lixaad ee ciyaartoyga ugu fiican uu soo galo, hal buundo oo kaliyana uu ka dambeeyo Lionel Messi.

Xiddiga reer Masar oo xili ciyaareedkan aan wanaagsanayn, haddana waxa uu illaa hadda dhaliyey sagaal gool oo Reds u horseeday inay laba dhibcood oo kaliya ka dabeeyaan City oo la qaban kari la’yahay. Haddii uu Salah bandhig wanaagsan sameeyo, kooxdiisa Liverpoolna hal tallaabo ka sarreysiiyo halkii uu xili ciyaareedkii hore gaadhsiiyey ee finalka Champions League oo uu koobka u qaado, sidoo kalena City kaga hormaraan Premier League, waxa uu noqon doonaa ciyaartoygii labaad ee kasoo jeeda qaaradda Afrika ee xiddiga Adduunka ee abaal-marinta Ballon d’Or ku guuleysta, waxaana uu ku biiri doonaa liiska uu kalida ku yahay George Weah oo ah madaxweynaha hadda ee Liberia.

Luis Suarez

Tayadiisa iyo dedaalkiisu waxay sababeen in iyadoo da’diisu sii weynaanayso uu u ciyaaro sida da’yarta, kartida iyo halgankiisuna ay ahaadaan kuwo aan xattaa la saadaalin karin waqtiga ay da’du ka daba iman doonto.

Barcelona ayaa hoggaanka LaLiga haysa, qaybta ugu weyna isaga ayaa ku lahaa, waxaase hubaal ah in xili ciyaareedkii hore uu shaqsiga labaad ka ahaa dhamaan guulihii faraha badnaa ee Barca gaadhay, waxaana kaga horreeyey Lionel Messi oo kaliya.

Haddii xili ciyaareedkan socda uu u guuleysto Champions League, LaLiga iyo tartanka Copa America ee lagu qaban doono Brazil badhtamaha sannadka dambe, waxa uu u tartami karaa abaal-marinta Ballon d’Or.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...