Sunday, December 16th, 2018

Xavi illaa Thierry Henry – Shan Ciyaartoy Oo Xaq U Lahaa Ballon d’Or Oo Caddaalad Darro Lagu Sameeyey Iyo Qisada Bandhiggii Ay Ku Kasbadeen Ee Laga Duudsiyey

Published on December 6, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(06-12-2018)P Qiimayntu yey kaa qaldamin, Luka Modric waxa uu ka mid yahay ciyaaryahannada khadka dhexe ee ugu wanaagsan cahdigiisa, laakiin halkee ayay dhibaatadu ka timid?

Kubbad sameeyaha Real Madrid ayaa xiddignimada dunida ee abaal-marinta Ballon d’Or kaga guuleystay Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi oo muddo toban sannadood ah kaligood isku dhiibayey, waxaana xaflad qurux badan oo Isniintii lagu qabtay Paris lagu guddoonsiiyey biladda dahabka ah ee sannadka 2018, taas oo abuurta falcelin iyo dareen badan.

Marka la eego saamayntii uu ku lahaa Madrid oo uu ka caawiyey inay ku guuleysato Champions League, dalkiisa Croatia na geeyey finalka Koobka Adduunka oo ugu dambayn Faransiiska kaga guuleystay, waa ciyaartoyga ugu habboon ee soo afjari karayey musalsalka taxanaha ah ee Messi-Ronaldo ee sannadaha badan ay daawanayeen mucaashaqiinta ciyaaruhu.

Haddaba guushan Modric, waxay dadka dib usoo xasuusisay ciyaartooyo kale oo halbowleyaal ka ahaa kooxahooda, kuwaas oo haddii qiimaynta xiddiga Croatia oo kale lagu samayn lahaa meel cidlo ah ka qaadan lahaa Ballon d’Or laakiin ay jidka u galeen xiddigo ka bandhig wanaagsanaa oo ka badsaday codadkii la dhiibtay, waxaananu halkan idiinku soo bandhigaynaa shan laacib oo tirsanaya in caddaalad darro ay ku dhacday oo ay ahayd in buugga taariikhdooda ay dhinac kaga xardhanaato Ballon d’Or.

Wesley Sneijder

Xasuuso wixii uu sameeyey 2010 markii uu Wesley Sneijder qaatay xilli ciyaareed cajiib ah oo uu ku guuleystay wax walba marka laga reebo Koobkii Adduunka oo uu finalka tegay. Waxa uu xili ciyaareedkaas ku guuleystay tartanka Champions League oo uu ahaa hoggaamiyihii saaciday Inter Milan, sidoo kalena Serie A ugu daray ka hor intii aanu tegin waddanka Koonfur Afrika oo uu ka dhacay Koobkii Adduunka, halkaas oo uu dalkiisa Holland ka dhigay mid jamaahiirta dib usoo xasuusiyey cahdigii Ruud Gullit, Van Pasten, Rijkaard iyo haleeyadii kale ee dalkaas dunida ku hoggaamin jiray kubadda quruxda badan.

Ciyaartii finalka waxay iskugu soo hadheen Spain, waxaana gool xili dambe ah dhaliyey Andres Iniesta, waxaana Sneijder oo bandhiggiisii wanaagsanaa ka caawin waayey hanashada Koobka Adduunka uu garoonka kaga baxay ilmo iyo oohin.

Waxa layaab lahayd, in Wesley Sneijder oo waxaas oo dhan sameeyey aanu haddana kusoo bixin liiska saddexda ciyaartoy ee ku tartamay abaal-marinta Ballon d’Or oo uu Messi kaga guuleystay Iniesta oo la tartamay.

Haddaba ma jirtaa cid maanta raalligelin siinaysa Wesley Sneijder, isla markaana u qiraysa inuu sameeyey bandhig ciyaareed u goyn karayey Ballon d’Or?

Xavi

Dhamaan wixii uu Koobab ku guuleystay, dhamaan wixii uu kubbad qurux badan kusoo bandhigay fagaareyaasha, dhamaan wixii uu hal-abuur iyo farshaxan sameeyey, midkoodna uma goynin Xavi

Hernandez inuu ku guuleysto abaal-marinta Ballon d’Or, waxaana laf-dhuungashay ku noqday oo dhinaca iskaga leexin kari waayey Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Saddex sannadood oo isku xigtay oo ahaa 2009 illaa 2011, waxa uu Xavi galay kaalinta saddexaad ee ciyaartoyga ugu wanaagsan caalamka, waxaana uu sannadkii 2010 ka sare maray Sneijder oo wax walba hantiyey marka laga reebo Koobka Adduunka.

Qof kasta oo kubadda xiiseeya, waxa uu jeclaan lahaa in Xavi uu kusoo beegmi lahaa xilli aanay Ronaldo iyo Messi jirin, sababtoo ah, waxa uu ku guuleysan lahaa Ballon d’Or xilliyo badan.

Andres Iniesta

Goolkii guusha Koobka Adduunka ayuu waqtigii dhamaadka ciyaarta u dhaliyey dalka Spain kulankii Holland ee 2010, laakiin Koobab kale oo badan oo uu saami badan ku lahaa ayuu kula guuleystay Barcelona.

Nasiib-darradiisa, Anres Iniesta hal mar oo kaliya oo ahayd 2010 ayuu kaalinta labaad ee xiddiga adduunka soo galay, waxaana ka hormaray Lionel Messi oo abaal-marinta Ballon d’Or hantiyey. Markii labaad ee liiska uu soo galo waxay ahayd 2012 oo uu kaalinta saddexaad cidhiidhsaday.

Thierry Henry

Miyay dood ka dhalanaysaa haddii la yidhaahdo, Thierry Henry waa xiddigii ugu wanaagsanaa ee aan waligii ku guuleysanin Ballon d’Or oo uu xaq u lahaa?

Way iman kartaa dood, sababtoo ah, cahdigiisii waxa jiray ciyaaryahanno badan oo kale, laakiin marka si gaar ah loo fiiriyo shaqsi-shaqsi, kuwo badan oo abaal-marinta ku guuleystay ayuu kaga mudnaa garoomada dhexdooda balse fursad ay heleen ayay kaga faa’iidaysteen.

Sannadihii u dhexeeyey 2002 illaa 2006, Thierry Henry waxa uu garoomada kusoo bandhigay xirfad cajiib ah oo u goyn karaysay wax kasta, laakiin marna laguma abaal-marinin.

Sannadkii 2003, Pavel Nedved ayaa la guddoonsiiyey Ballon d’Or, kaalinta labaadna waxa galay Thierry Henry, laakiin miyey ahayd inay sidaasi dhacdo? Su’aashani illaa hadda way taagan tahay, sababtoo ah waxa uu sannadkaas ku guuleystay horyaalka Premier League iyadoo aan Arsenal hal mar oo kaliya laga badinin. Waxa kasii daran, illaa laga gaadhayey sannadkii 2006 marna laguma soo darin saddexda ciyaartoy ee ugu wanaagsan, markana waxa kaga guuleystay Fabio Cannavaro oo Koobka Adduunka la qaaday Talyaaniga, booska labaadna waxa galay Gianluigi Buffon, halka uu Henry noqday laacibka saddexaad.

Bal in aanay caddaalad jirin eeg! Sannadihii 2004 iyo 2005, waxa hal mar ku guuleystay abaal-marinta Andriy Shevchenko, kaalmaha labaad iyo saddexaadna waxa kasoo muuqday Deco, Frank Lampard iyo Steven Gerrard, isaguna kumaba soo bixin boosaskaas.

Franck Ribery

Sannadkii 2013 waxay ahayd in Frank Ribery uu ku guuleysto abaal-marintan, sababtoo ah waxa uu wacdaro ka dhigay garoomada isagoo Bayern Munich u qaaday dhamaan koobabka tartamadii ay ka qaybgashay, sida Champions League, Bundesliga, German Cup iyo wax kasta oo la ciyaaray, balse waxa uu ka liqi waayey Messi iyo Ronaldo oo koowaad iyo labaad galay, isagana u diray kaalinta saddexaad.

Gunaanad

Sagaalkii sannadood ee ugu dambeeyey abaal-marinta Ballon do’Or waxay taallay garoomada Bernabeu iyo Camp Nou, sannadkana halkii ayuun bay martay oo waxa geeyey Luka Modric oo soo afjaray qisadii aan dhamaadka lahayn ee Ronaldo-Messi, laakiin waxa isweydiin leh haddii Ribery, Snijder iyo Henry ay u ciyaari lahaayeen Real Madrid iyo Barcelona xilliyadan ay abaal-marinta u tartamayeen, miyaanay sida Modric oo kale u guuleysteen?

*NB: Sneijder iyo Henry waxay u ciyaareen Real Madrid iyo Barcelona laakiin xilliyadaas umay tartamayn Ballon d’Or.

 

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...