Friday, February 22nd, 2019

Kiniinka Viagra-ha Oo Badan Ayaad Cuntay Oo Xataa Kooxdii Arsenal Ee Guuldaro La’aanta Premier League Guulaysatay Ayaad Soo Gasheen- Piers Morgan Oo Messi Uga Hiilayay Pele

Published on December 8, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(09-12-2018) Halyaygii hore ee xulka qaranka Brazil ee Pele ayaa waraysi uu siiyay Daily Mirror waxa uu si wayn ugu weeraray kabtanka kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Argentina ee Lionel Messi, laakiin Pele ayaa helaya jawaabo badan oo kala duwan oo ka minanaya dad aan ahayn kuwa ka agdhaw Lionel Messi.

Wariyaal kala duwan oo dalal kala duwan jooga ayaa Pele u jawaabay laakiin wariyaha caanka ah ee Piers Morgan isla markaana lagu tilmaamo taageeraha ugu wayn ee kooxda Arsenal ayaa si layaableh ugu hiiliyay Lionel Messi isaga oo dhulka jiiday Pele isla markaana erayadii uu Messi ku sheegay meesha ka saaray.

Wariye Piers Morgan ayaa Pele ku eedeeyay in uu ahaa mid daawooyin ka dhergi jiray gaar ahaan kiniinka Viagra-ha balse aanu ahayn mid xataa soo gali lahaa shaxdii kooxdii Arsenal ee koobka Premier league ku qaaday guuldaro la’aanta.

Piers Morgan ayaa Pele u sheegay in uu iska dhaafo hadalka uu Lionel Messi ka sheego laakiin qoraalka uu wariye Piers Morgan waxa uu markiiba keenay in si wayn uu dareenka twitterka u soo jiitay waxaana laga bixiyay fikiro badan oo kala duwan.

Aan marka hore idin xusuusiyo erayo ka mid ah hadalkii Pele uu ku duray Lionel Messi waxaana ka mid ahaa: “Sideed u awoodaan in aad isbarbar dhigtaan nin kaas oo kubbada si fiican u hidhayn kara, lugta bidix ku dareebeeya, lugta midig ku dareebaya iyo mid kale kaas oo lug kaliya ku darbeeya oo leh hal xirfad oo kaliya isla markaana aan kubbada si fiican u hidhayn karin?”

Wariye Piers Morgan oo marar badan muran ku abuura waxyaabaha uu bartiisa twitterka soo dhigo ayaa Pele ugu jawaabay qoraalkan: “Saabiib Pele-low waxaad soo qaadatay kiniinka Viagra-ha oo aad u badan, adigu xataa in ku fiican umaad fiicnayn Arsenal-shii guuldaro la’aanta, tartamaaha Messi kalidii u daa”.

Jamaahiirtii kubbada cagta ee ka falceliyay jawaabta wariye Piers Morgan uu siiyay Pele ayaa noqday kuwo iska soo horjeeda iyada oo qaar ka mid ahi ay la yaabeen in Pele aanu soo galeen shaxda kooxdii Arsenal ee guuldaro la’aanta ku qaaday koobka Premier league.

Laakiin kuwo kale ayaa wariye Piers Morgan ku taageeray hadalkiisa waxayna sheegeen in Pele uu ahaa ciyaartoy fuley ah oo ka cabsaday in uu ka ciyaaro horyaalada laysku muujiyo ee Yurub isla markaana uu rekoodhka uu sheegto ku gaadhay horyaalka dalkiisa Brazil oo ay aaminsan yihiin in aanu la tartan ahayn horyaalada Yurub.

Dadkii Wariye Piers Morgan u soo jawaabay ayuu mid ka mid ahi soo qoray: “Waa jiil kala duwan iyaga isma barbar dhigi kartid. Pele waxa uu ahaan lahaa magaca ugu horeeya ee xaashida koox kasta oo Arsenal ah”.

Taageere kale oo Morgan ku taageersan fikiradiisa Pele ayaa soo qoray: “Pele waxa uu ahaa mid aad fuley ugu ahaa in uu Yurub ka ciyaaro, waxa uu sii joogay Favelas sababtoo ah, waxa uu ogaa in aanu xadi karayn. Haddii uu England ka soo ciyaari lahaa waxa uu noqon lahaa badalka Callum Wilson (Xidiga Bournemouth).Waligaa sidaas ha u xushmad daraynin xidiga aduunka ugu fiican Ee Messi”.

Si kastaba ha ahaatee, falcelinta uu abuuray hadalkii Pele iyo wariyaasha la saftay Lionel Messi ayaa iyaduna sii kululaysay dooda hadalkii uu Pele xidiga reer Argentina ugu tilmaamay mid hal xirfad leh oo hal lug oo kaliya ku ciyaara.

 

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...