Friday, January 18th, 2019

Geeri ama Nolol: Tababaraha Liverpool Oo Ka Hadlay Waxa Uu Jamaahiirtiisa Anfield Ka Doonayo Kulanka Napoli Ee UCL

Published on December 10, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(11-12-2018) Kooxda Liverpool ayaa Anfield ku soo dhawayn doonta dhigeeda Napoli, waana kulan uu culayska oo dhami saaran yahay garbaha kooxda Jurgen Klopp ee Liverpool kadib labadii guuldaro ee xidhiidhka ahaa ee ka soo gaadhay kooxaha Red Star iyo PSG. Liverpool ayaa ku qasban in ay Napoli guul ka gaadho haddii ay doonayso in ay u soo baxdo wareega 16ka Champions league wuxuuna Jurgen Klopp ka hadlay waxa ay kooxdiisa Reds uga baahan tahay jamaahiirta Anfield.

Liverpool ayaa taariikh layaableh ku haysata garoonkeeda Anfield, waxayna noqon doontaa habeen kale iyo kubbada cagta Yurub oo uu Anfield marti galin doono kulan si cad wax u go’aamin doona. Napoli ayaa Anfield iskeeni doonta iyada oo hogaaminaysa Group C halka Liverpool ay kaalinta saddexaad u dhacday inkasta oo ay hore hogaanka u haysay, waxayna Reds u baahan tahay in ay guul gaadho si ay Napoli ama PSG meesha uga saarto. Napoli waxaa ku filan barbaro kaliya laakiin sidoo kale PSG oo marti u noqon doonta kooxda Red Star Belgrade ayaa dagaal ugu jirta ay u soo baxdo

wareega 16ka Champions League. Jurgen Klopp oo ka hadlaya waxa uu jamaahiirta kooxdiisa Liverpool ka doonayo ayaa yidhi: “Waxaanu ognahay sida uu jawigu u waynaan karo, waxaanan ku rajo waynaha in aan taas arko. Wax walba markale ayaanu u samynay si aanu  tartankan ugu soo baxno, waxaanu ognahay in aanu haysano fursad aanu ugu soo bixi karno natiijo gaar ah inksta oo aanu xili ciyaareedkan Champions League-gu aanu kaayagii wali ahayn”.

Klopp oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Anigu waxaan aaminsanahay in aad helayso waxa aad u qalanto. Anigu waxaan ku fiicanahay in kulankani yahay guulaystaha ayaa wax walba qaadanaya. Haddii aanu u fiicanahay in ku filan, waxaanu heli doonaa natiijada aanu u baahanahay, kadib haddii kale waxaanu u hambalyayn doonaa Napoli iyo PSG”.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...