Friday, January 18th, 2019

Ha Iigu Yimaaddo Talyaaniga Isaga Ayaa Ii Baahane – Cristiano Ronaldo Oo Bannaanka Keenay Dhiilaha Messi Iyo Real Madrid, Digniin Culusna U Diray

Published on December 10, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(11-12-2018) Bal qiyaas sida ay noqonayso kubadda cagta Talyaanigu iyo in xiisihii horyaalkaasi soo laaban lahaa haddii uu Lionel Messi qaato go’aanka Cristiano Ronaldo oo kale oo uu ku biiri lahaa mid ka mid ah kooxaha dalkaas oo ay iska hor iman lahaayeen CR7.

Waa xaqiiq in dunida oo dhan ay daawan lahayd, xamaasadda horyaalkuna sare u kici lahayd, laakiin ay adag tahay inay dhacdo sababtoo ah Lionel Messi ma qorshaynayo inuu qaato go’aanka Ronaldo kaga dhaqaaqay kooxdiisii hore oo kale.

Xiddiga Juventus ee Cristiano Ronaldo oo waraysi siiyey wargeyska Gazzetta ee kasoo baxa Talyaaniga ayaa waxa uu ka hadlay sida ay noqon lahayd haddii uu Messi qaato go’aankiisa oo uu horyaalka Serie A tago, waxaana uu tibaaxay inuu jecel yahay tartankiisa, hase yeeshee aanu hadda u darsanin.

Ronaldo oo diiday casuumad Spain uga timid oo uu xalay ku garab fadhiisan lahaa xiddigo badan oo ay ku jiraan Messi, Griezmann, Chiellini, Bonucci iyo Dybala oo garoonka Santiago Bernabeu ku daawaday ciyaartii finalka Copa Libertadores ee River Plate iyo Boca Juniors, ayaa waxa uu ugu baaqay Messi inuu yimaaddo Talyaaniga.

Ronaldo oo la weydiiyey inuu u darsaday Messi iyo in kale, ayaa waxa uu yidhi: “Maya, isaga ayaa laga yaabaa inuu ii darsaday. Anigu waxaan kasoo ciyaaray England, Spain, Italy, Portugal iyo xulka qaranka, isaguna weli Spain ayuu joogaa.”

Cristiano Ronaldo waxa uu ku dooday inuu hayso khibrad badan oo uu horyaalo kala duwan kasoo ciyaaray laakiin Messi halkii iyo kooxdii uu ka bilaabay kubadda uu weli ku sugan yahay, hase yeeshee uu shaqsiyan yahay qof jecel tartanka oo uu jelaan lahaa in Messi ay iska hor yimaaddaan, waxaanu yidhi: “In isagu ii baahan yahay ayaa laga yaabaa, laakiin anigu noloshu waxay ii tahay loollan, waanan jecelahay tartanka iyo inaan dadka ka farxiyo, waxaanan jeclaan lahaa inuu maalin yimaaddo Talyaaniga.”

Xiddiga reer Portugal waxa uu Messi u sheegay inuu aqbalo loollan ama tartan cusub, waxaanu yidhi: “Sidayda oo kale, waa inaad aqbasho loollanka. Siday doonto ha noqotee, haddii uu ku faraxsan yahay halkaas, waan ku ixtiraamayaa waana ciyaartoy cajiib ah iyo wiil wanaagsan laakiin anigu cidna ma tebo, tanna waa noloshayda oo aan ku faraxsanahay.”

Dhinaca kale, Ronaldo oo la weydiiyey ciyaartooyada yaabka geliyey ee Juventus jooga ee ay iska garab ciyaaraan, waxa uu ku jawaabay: “Caddaalad maaha inaan magacyo yar sheego, laakiin waxaan odhan karaa waa kooxdii ugu wanaagsanayd ee abid aan la ciyaaro. Waxaanu nahay koox meel kasta kaga sarraysa naadiyada kale, waana dad meel u wada jeeda oo wanaagsan, guulna doonaya.

“Haddii aanay Dybala ama Mandzukic ciyaarin, waxa aad arkaysaa iyagoo haddana faraxsan oo dhoola-caddaynaya, anigana way ii qurux badan tahay, wax ka duwana waan ka helaa. Xattaa Madrid waxay ahaayeen ciyaartooyo wanaagsan laakiin halkan ayaa kasii fiican, waanan dareemayaa. Way ka duwan tahay Madrid, waxaanad moodaa sidii qoys oo kale.”

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...