Friday, January 18th, 2019

Lionel Messi Oo Ku Wargeliyey Coutinho Inuu Ka Shaqeeyo Xaasidnimada Real Madrid Iyo Tababare Ay Ka Hor Istaagayaan Bernabeu

Published on December 10, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(11-12-2018) Cayaaryahan Lionel Messi waa ciyaartoyga ugu halista badan ee Real Madrid ka hor tagto, waana cabsi geliyaha halista ku ah ee dhinac u leexiyey dheelli-tirnaanta labada kooxood ee tartamada ay iskaga hor yimaaddaan oo inta badan ay Barcelona guusha qaadato.

Waxa kale oo uu Messi sababay in Barcelona ay tobankii sannadood ee ugu dambeeyey in ka badan kala badh ku guuleysato horyaalka LaLiga, halka Real Madrid ay tobankaas sannadood koobka qaadatay saddex jeer oo kaliya.

Marka laga yimaado garoomada, Lionel Messi waxa uu hadda u jeedsaday inuu caqabad ku noqdo saxeexyada Real Madrid samaynayso, waxaana isaga oo kaashnaya Philippe Coutinho uu doonayaa inuu ka hor istaago inay hesho macallinka reer Germany ee Jurgen Klopp oo ku jiray liiska tababareyaasha uu isha ku hayo Florentino Prez haddii uu fashilmo Solari oo dhawaan shaqada loo dhiibay.

Sida uu qoray wargeyska Don Balon ee kasoo baxa dalka Spain, Los Blancos waxay hoosta ku haysataa magaca tababare Klopp oo ay wax walba u huri doonaan inuu Real Madrid yimaaddo haddii uu fashilmo Solari, sababtuna waa inay ku qanacsan tahay in dhibaatadeeda uu xallin karo macallin khibrad leh oo kaliya.

Wargeysku waxa uu tilmaamay in Lionel Messi uu la hadlay saaxiibkii Philippe Coutinho oo uu ka dalbaday inuu la hadlo Jurgen Klopp oo ay ka wada shaqeeyeen Liverpool, isla markaana ku qanciyo in aanu imanin Real Madrid.

Warku ma sheegin in Coutinho uu la xidhiidhay Klopp iyo inkale, laakiin waxa la ogyahay in xidhiidh fiican uu u dhexeeyo laacibka reer Brazil iyo tababaraha Liverpool, waana sababta uu Messi u doonayo inuu qanciyo.

Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid ayaa xasiloonida kusoo laabatay intii uu Santiago Solari macallinka u ahaa, waxaanay guuleysteen toddoba ka mid ah siddeedii ciyaarood ee uu shaqada hayey.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...