Friday, January 18th, 2019

Xaaska Feeryahanka Tyson Fury Oo Qarisay Ilmaheedii Oo Dhintay Saacado Ka Hor Feer Taariikhi Ah Oo Fury Ku Guuleystay

Published on December 10, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(11-12-2018) Xaaska feedhyahanka Ingiriiska ee Tyson Fury oo lagu magacaabo Paris ayaa calool adag iyo adkaysi muujisay saacado ka hor intii aanu saygeeda Fury dhex istaagin garoon uu ku feedhtamayey bishii June ee sannadkan, xilligaas oo lagu wargeliyey inuu geeriyooday canugoodii.

Paris oo ay da’deedu tahay 28 jir ayaa daboolka ka qaadday arrin fajac iyo yaab ku keentay dhamaan dadkii maqlay, taas oo ah inay qarisay canugeedii oo dhintay, sabab la xidhiidha guul ay la doonaysay saygeeda Tyson Furry.

Paris ayaa ogaatay in ilmo ay ku sidday caloosha oo uu geeriyooday, waxaanay dareentay qalbi jab iyo werwer, laakiin waxay murugadeeda ku koobtay nafteeda oo kaliya, iyadoo aan u sheegin Fury oo xilligaas isku diyaarinayey ciyaar feedh ahayd oo uu guul weyn kasoo gaadhay oo uu la yeeshay Sefer Seferi oo u dhashay waddanka Albania bishii June ee sannadkan sii dhamaanaya.

Paris waxay sheegtay in haddii ay warkan murugada leh u sheegi lahayd Fury ay dhici lahayd guul-darro kasoo gaadhi lahayd ciyaarta feedhka oo uu geli lahaa isagoo murugaysan, taas daraadeedna ay go’aansatay in xanuunku kalideed ku ekaado.

“Waxa aan lahaa uur siddeed toddobaad ah. Isla maalintii feedhka ayaan ogaaday in uu dhintay ilmihii caloosha ku jiray.” Ayay tidhi Paris oo hadda uun kasoo kabatay qalbi jabka iyo murugo ay ka qaadday xanuunka ay kaligeed isku koobtay iyo geerida ilmaha ay ka qarisay aabbihii.

“Umaan sheegin ka hor intii aanu tegin xayndaabka feedhka. Maalintii xigtay ayaan u sheegay kaddibna isku raacnay cusbitaalka loogu xaqiijiyey.” Ayey ku daray.

Fury iyo Paris waxay hore u haysteen afar carruur ah ka hor ilmaha ku dhintay caloosha, laakiin war farxad leh ayay heleen shan toddobaad kaddib murugadii ay galeen.

“Shan toddobaad kaddib (xilligii uu dhintay ilmaha caloosha ku jiray) mar kale ayaan uur yeeshay, waxaananu filaynaa inuu noqdo wiil dhalan doona bisha March. Laakiin weli waxa aanu la qalbi jabsanahay canuga aanu weynay.”

Tyson Fury waxa uu toddobaadkii hore la ciyaaray Deontay Wilder oo si layaab leh ay barbar-dhac ugu soo galeen feedh ka dhacay dalka Maraykanka, waxaana la filayaa inay mar kale isku noqon doonaan si midkood u guuleysto.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...