Friday, January 18th, 2019

HOLAC: Kor Kulanka England Ugu Wayn Ee Liverpool vs Man United,Jamie Carragher & Gary Neville Oo Soo Xushay Shaxda Isku Darka Kooxihii Ay Ku Soo Xufiltameen.

Published on December 11, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(12-12-2018) Kooxaha Liverpool iyo Manchester United ayaa axada geesaha isku dari doona Anfield kulanka kubbada cagta England ugu wayn iyada oo labada kooxood ay iska hor iman doonaan iyaga oo kujira xaalado gabi ahaanba kala duwan. Liverpool ayaa kulanka Anfield iskeeni doonta iyada oo kaalinta kowaad kaga jirta Premier league isla markaana 16 dhibcood ka saraysa kooxda ay kubbada cagta Engand sida wayn ugu soo xifiltameen ee Man United. Laakiin marka laga hadlayo kulanka England ugu wayn wax saamayn ah kuma laha qaab ciyaareedka labada kooxood iyo ciyaartoyda ay haystaan, balse waxa uu tartanka ugu wayni ka dhexeeyaa labada midab casaan ee ugu taariikhda wayn England. Haddaba khabiirada kubbada cagta Sky Sports ahna halyayadii hore ee Liverpool iyo Manchester United ee Jamie Carragher iyo Gary Neville ayuu midkastaaba soo xushay shaxda isku darka ee Man United iyo Liverpool.

Shaxaha Isku Darka Jamie Carragher & Gary Neville Ee Man United iyo Liverpool.

Aan ku horaynee Gary Neville ayaa shaxdiisa isku darka Man United iyo Liverpool waxa uu goolka ugu soo bilaabay David De Gea inkasta oo aanu Alisson hal guuldaro oo Premier league ah la kulmin isla markaana uu yahay goolhayaha ugu sareeya xili ciyaareedkan ee Premier league. Neville ayaa saddex ka mid ah difaaca shaxda isku darkiisa Man United iyo Liverpool waxa uu ka soo xushay Liverpool kuwaas oo kal ah Alexander-Arnold, Van Dijk iyo Robertson iyada oo Eric Bailly uu noqday difaaca kaliya ee uu kooxdiisii hore ee United ka soo doortay. Gary neville ayaa khadka dhexe u soo xushay Wijnaldum, Pogba iyo Naby Keita wuxuuna saddexada weerraka u soo xushay Salah, Firmino iyo Martial. Waxayna taasi la micno tahay in Gary Neville uu saddex ciyaartoy oo kaliya ka soo qaatay kooxda Mourinho ee Man United halka uu Liverpool ka soo xushay 7 ciyaartoy. Shaxda Gary Neville Ee Isku Sarka Man United Iyo Liverpool.

Liverpool+Man United XI: De Gea, Alexander-Arnold, Van Dijk, Bailly, Robertson, Wijnaldum, Pogba, Keita, Salah, Firmino, Martial. Bogga 2 ka akhriso shaxda isku darka Man United iyo Liverpol ee Carragher.

Shaxda Isku Isku Darka Man United Iyo Liverpool Ee  Jamie Carragher Jamie Carragher ayaa saaxiibkiisa Sky Sports ee Gary Neville ku raacay xulashada goolhaye David De Gea, wuxuuna isna shaxdiisa ku soo bilabay  De Gea isaga oo iska dhaafay Alisson oo wacdaro dhigayay xil ciyaareedkan. Jamie Carragher ayaa gabi ahaanba difaaca shaxda isku darka Man united iyo Liverpool waxa uu ka soo xushay kooxda Jurgen Klop ee Reds isaga oo soo doortay Alexander-Arnold, Lovren, Van Dijk iyo Andy Robertson. Jamie Carragher ayaa khadka dhexe u soo xushay Nemanja Matic, Nabu Keita iyo James Milner halka uu markale saddexda werarka ah ka soo qaatay Mohamed Salah, Roberto Firmino iyo Sadio Mane oo ka wada tirsan kooxdisii hore ee Liverpool. Waxay tani la micno tahay in Jamie Carragher uu laba xidig oo kaliya ka soo doortay kooxda Jose Mourinho ee Man United. Halkan kaga bogo Shaxda Isku Darka Man United iyo Liverpool ee Jamie Carragher

Liverpool+Man United XI: De Gea, Alexander-Arnold, Lovren, Van Dijk, Robertson, Keita, Matic, Milner, Salah, Firmino, Mane. Haddaba akhriste, Gary Nevile ioy Jamie Carragher midkee shaxda ugu fiican ee isku darka man United iyo Liverpool soo xushay? Adigu ma soo xulan kartaa shax ka fiican oo ah isku darkan labadan kooxood?

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...