Friday, January 18th, 2019

Messi Airlines: Xogta Gudaha Diyaarad Si Gaarka Ah Loogu Farsameeyey Messi Iyo Waxyaabaha Qariibka Ah Ee Laga Helayo

Published on December 11, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(12-12-2018) Xiddiga kooxda kubadda cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa markii ugu horreysay loo sameeyey diyaarad u gaar ah oo naqshad cusub loogu sameeyey, taas oo uu ku tegikaro meel kasta oo uu ka doono dunida. 31 jirkan reer Argentine iyo qoyskiisa ayaa iyagoo raaxaysanaya meel kasta oo dunida ah ka degi kara, iyadoo ay ku dhex damaashaadayaan diyaarad qurux badan oo farsamo gaar ah loogu sameeyey, taas oo gudaheeda lagu qurxiyey magacyada carruurta uu dhalay iyo xaaskiisa. Diyaaraddan gaarka ah ayaa waxay awood u leedahay inay qaaddo qoyska Lionel Messi iyo weliba asxaabtiisa oo dhan, waxaana loo sameeyey sarriiro nooca raaxada ah oo hurdo, laba xamaam oo lagu maydho, musqulo iyo madbakhii cuntada lagu karsanayay.

Shirkad fadhigeedu yahay dalka Argentine ayaa soo bandhigtay sawirrada gudaha ee diyaaraddan oo ay iyadu ugu talo gashay Messi, waxaana marka gudaheeda la galo loogu tegayaa siddeed sariirood oo ay ku xeexanayaan Messi iyo qoyskiisu, waxaana u dheer 16 kursi oo loogu talo=galay in lagu fadhiisto marka ay diyaaraddu hawada gelayso amaba soo fadhiisanayso.

Diyaaradda ayaa waxa dusheeda ku qoran lambarka uu laacibka reer Argentine xidho ee 10 oo xagga dambe far-waaweyn oo muuqata lagaga xardhay, taas oo qof walba oo arka uu ku garan doono inay tahay diyaaraddii Lionel Messi. Kaabadaha diyaaradda gudaheeda ayaa waxa lagu taxay magacyada Messi, saddexdiisa carruurta ah iyo xaaskiisa, waxaana jaranjarada u hoosaysa ku qoran Mateo, waxa ku xiga Ciro, Thiago ayaa saddexaad ah, Antonella oo marwadiisa ah ayaa ubadka ka sarraysa halka Lionel Messi uu figta ugu sarraysa ku xardhan yahay.

Inkasta oo Lionel Messi aanu iibsanin, wax lacg ahna ka bixin diyaaraddan, haddana shirkadda samaysay ee fadhigeedu yahay Argentina waxay u aragtaa  inay u tahay qaab xayeysiin ah oo ay mustaqbalka faa’iido badan ku heli doonto.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...