Friday, January 18th, 2019

Wararkii ugu danbeeya Suuqa kala iibsiga Cayaartoyda

Published on December 11, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(12-12-2018) Shabakeda qalinkacayaaraha ayaa waxa ay eegeysaa wararkii ugu waa weynaa ee suuqa kala iibsiga iyo wararka xanta ah ee horyaalka aduunka iyo wixii ay ka qortay warbaahinta dunidu.

Chelsea oo ku biirtay tartanka Nabil Fikir

Chelsea ayaa Bayern Munich kula biirtay hirdanka iyo loolankalagu kala jiidanayo helida xidiga naadiga Lyon ee Nabil Fekir, ala soo gashaytartanka  Bayern Munich kaasi oo loogujiro saxiixa laacibka khadka dhexe ee kooxda Lyon Nabil Fekir.

Laacibka reer France ayaa haatan lagu qiimaynayaa € 60m (£54m, $ 68m), waxaana laga yaabaa inuu ka tago kooxda ka dhisan Ligue 1 bisha January ama dhamaadka xilli ciyaareedka, iyadooBayern ay u sheegtay inay tahay meeshii ugu macquulsanyad. Xigasho: France Football.

Everton oo diyaar uah inay u dhaqaaqdo Augustin

Everton ayaa eegaysa inay bisha January   u dhaqaaqdoweeraryahanka RB Leipzig Jean-Kevin Augustin.

21 jirkan ayaa waxa uu ku jiraa wakhti fiican isagoo markii uu ku soo biiray kooxdan Jarmalka ah goolal dhaliyey saddexdiiciyaarood ee ugu horeeyey ee uu safto horyaalka Bundesliga.

Xigasho: Daily Mail.

Barca ayaa isha kuheysa inay lasoo wareegto Kompany

Barcelona ayaa xiiseyneysa inay lasoo wareegto kabtanka Manchester City Vincent Kompany.

32 jirkan ayaa qandaraaska uu ku joogo Etihad ka dhacayaa bisha July ee soo socota wuxuuna weli kula jiraa wadahadalo mudo qandaraas kordhin ah.

Waxaa la wada ogsoon yahay, in kooxdiisu ama ciyaartoyduba ayna ku faraxsaneyn wadahadalada, iyadoo ciyaaryahanka reer Belgium uu ka warqabo xaqiiqda ah inuu heysto fursad uu ku biiro shaqaalaha tababarka marka uu ka fadhiisto.

Atletico Madrid ayaa ku biirtay tartanka loogu jiro saxeexa Wilmar Barrios

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Boca Juniors Wilmar Barrios ayaa xiiso u qaba Atletico Madrid, kaasoo rajeynaya inay Arsenal iyo Tottenham ku garaacdo saxeexa bisha January .

Sida laga soo xigtay Don Balon, Diego Simeone ayaa garoonka joogay si uu u daawado ciyaaryahanka reer Brazil intii lagu jiray kulankii Copa Libertadores ee lugta labaad ee Axada, taasoo ka dhacday Santiago Bernabeu.

Solari oo doonaya inuu u dhaqaaqo Real Madrid

Tababaraha Real Madrid Santiago Solari ayaa dalbaday inay kooxda ay udhaqaaqdo Juan Mata, sida laga soo xigtay El Gol Digital.

Xiddiga reer Spain ayaa qandaraaska uu kula joogo Old Trafford uu dhacayaa xagaaga soo socda, waxaana lagu soo waramayaa inuu ka fiirsanayo inuu sii joogo kooxda Manchester.

Solari ayaa u arka xiddiga khadka dhexe ee mata in uu bedel u yahay laacibkooda khadka dhexe ee Isco oo laga yaabo inay fasaxaan.

Liverpool ayaa isha ku heysa inay lasoo wareegto Brighton

Liverpool ayaa isha ku haysa inay bisha January  u dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Brighton Pascal Gross, sida laga soo xigtay jariiradda Mirror.

Jurgen Klopp ayaa la fahamsan yahay inuu miisaamayo inuu u dhaqaaqo Jarmalka, kaasoo todobo gool dhaliyey islamarkaana sideed gool kale u dhaliyay kooxda Seagulls xilli ciyaareedkii hore. Waxaa la rumeysan yahay in dalab kasta oo qiimihiisa ah ay qaadan doonto qiyaas ahaan 15 milyan oo ginni.

Herrera ayaa qarka u saaran inuu qandaraaska u kordhiyo Manchester United.

Sida laga soo xigtay ESPN, xiddiga khadka dhexe ee Manchester United Ander Herrera ayaa qarka u saaran inuu sii joogo Old Trafford, isagoo wadahadal kula jira qandaraas cusboonaysiin ah.

Laacibkan reer Spain ayaa heshiiska uu kula jiro kooxda Manchester united kaga eeg yahay dhamaadka xili ciyaareedkan taas oo ah in isagoo xor ah uu ka ciyaaro meesha uu doono.

Si kastaba ha ahaatee, United ayaa kalsooni ku qabta inay sii wadi doonto heshiiska Herrera ka hor sanadka cusub ka dib markii wadahadalo wanaagsan lala yeeshay wakiilka ciyaaryahanka.

Tottenham oo kula biirtay Man United doonista Dennis man.

Spurs ayaa kula biirtay Man United si ay ula socoto ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Romania Dennis Man, sida laga soo xigtay The Sun.

20 jirkaan ayaa u dhaliyay  goolal FCSB, horaantii Steaua Bucharest, xilli ciyaareedkan, waxaanu durbadiiba ku biiray ama lagu daray  xulka qaranka.

Laacibkan da’da yar ayaa ka ciyaara afka hore ee weererka 22 kulan oo uu ciyaarayna waxa uu dhaliyey 7 gool xili ciyaareedkan.

Juventus oo ku Loolamaysa Isco

Real Madrid ayaa damacsan inay iska fasaxdo laacibka xulka Spain ee Isco.

Tababaraha reer Spain ayaa hoos u dhigay amarka xayeysiinta ee Santiago Bernabeu bilihii ugu dambeeyay, waxaana laga yaabaa in la iibiyo bisha January, iyadoo Bayern Munich, Chelsea iyo AS Monaco ay dhamaantood doonayaan inay soo iibsadaan.

Juventus ayaa sidoo kale ku biirtay tartanka ay ku dooneyso 27 sanno jirkan sannadka soo socda, taasoo kor u qaadeysa suurtogalnimada inuu dib ula midoobo semi khadira  iyo Cristiano Ronaldo oo ku sugan Turin.

Rodriguez ayaa sheegay inuu ku noqonayo  Real Madrid

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Bayern Munich, James Rodriguez ayaa doonaya inuu dib ugu noqdo Santiago Bernabeu dhamaadka halkii xilli ciyaareed ee qorshuhu ahaa inuu kula joogo naadiga reer Germany, xagaaga soo socda.

Sida laga soo xigtay wargeyska Marca, ciyaaryahanka reer Colombia ayaa u sheegay saxafi ka socda dalkiisa sidan: “Waxaan ku noqonayaa Real Madrid.” Bayern ayaa hore u sheegtay inay xiiseyneyso inay qandaraaska amaahda ah ee laacibkan 27 jirka ah u bedesho mid rasmi ah, laakiin haatan waxa uu u muuqdaa inuu isku dayi doono inuu ku guuleysto mustaqbalkiisa ciyaareed ee Madrid sannadka soo socda.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...