Friday, January 18th, 2019

Wararkii ugu danbeeyey suuqa kala ibsiga Cayaartoyda ee Maanta

Published on December 11, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(11-12-2018) Maalin wanaagsan dhamaan akhristayaasheena sharafta leh meel walba oo aad dunida ka joogtaan, ku soo dhawaada wararkii ugu danbeeyay suuqa kala iibsiga ee aan ka soo uruurinay wargeysyada Yurub ka soo baxa saaka oo Talaado ah.

Suuqa kala iibsiga ayaa furmaya bisha Janaayo iyadoo kooxahaYurub la filayo inay soo iibsadaan xiddigo ay isku sii xoojiyaan inta ka harsanxilli ciyaareedka, halka kooxaha qaar ay isha ku hayaan xiddigo ay doonayaanxagaaga danbe, waxaana maalin walba idiin soo gudbin doonaa wararkii ugudanbeeyay ee suuqa.

Xaquuqda wararka ugu danbeeyay suuqa kala iibsiga waxaa iska leh warbaahinta ku hor qoran.

Eden Hazard oo 27-jir ah ayaa mar kale u gacan haatiyay Real Madrid kadib markii uu sheegay inuusan ogeyn wakhtiga uu go’aan ka qaadanayo mustaqbalkiisa Stamford Bridge. Balse Xiddiga reer Belgium wuxuu wadahadal kula jiraa kooxdiisa si uu heshiis cusub u saxiixo.

RMC Sports

Agaasimaha ciyaaraha kooxda Ac Milan Leanardo ayaa xaqiijiyay in kooxda ka dhisan San Siro ay dhigeeda weydiisaneyso helitaanka xiddiga reer Spain Cesc Fabregas kaas oo 31-jir ah.

London Evening

Tottenham Hotspur ayaa kula biirtay dhigeeda Man United doonista xiddiga reer Romania Dennis Man, 20-jirkaan wuxuu ka tirsan yahay kooxda FC SB oo loo yaqaano Steaua Bucharest.

The Sun

Man United ayaa hogaamineysa tartanka loogu jiro 21-jirka Lyon ka tirsan ee Tanguy Ndombele kaas oo sidoo kale bartilmaameed u ah kooxaha Man City, Barcelona & Tottenham.

Mirror Football

Wakiilka xiddiga Wolves – Ruben Neves – ayaa ku riixaya 21-jirkaan heerka caalami inuu u wareego kooxda Juventus.

Calciomercato

Man United ayaa heshay fursad ay kula saxiixato Frenkie de Jong oo 21-jir ah iyo Matthijs de Ligt oo 19-jir ah ka hor inta aysan u ciyaarin Ajax, balse wey iska diideen sida uu xaqiijiyay madaxii hore akadeemiga kooxda reer Holland Derek Langley.

Manchester Evening News.

Liverpool ayaa qiimeyneysa xaaladda xiddiga Borrusia Monchengladbach  Thorgan Hazard. 25-jirkaan reer Belgium waa walaalka xiddiga Chelsea Eden. Wuxuu ku biiri karaa Reds bisha January.

Liga Financial

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...