Friday, January 18th, 2019

Halayaabin: Afartan Sababood Ayuu Lionel Messi Uga Wanaagsan Yahay Cristiano Ronaldo

Published on December 13, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(14-12-2018) Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo muddo badan ayay dunida ciyaaraha u talinayeen, illaa haddana weli way taagan yihiin, mana dhamaanin dooddooda ah midka wanaagsan. Heerka naadiyada, wax walba oo suurtogal ah oo uu laacib kubadda cagta ah ciyaaro way ku guuleysteen, waxaanay wax wanaagsan ka sameeyeen heerka xulalka inkasta oo aanu midkoodna koob adduun ku guuleysanin.

Ronaldo iyo Messi waxa muddo sagaal sannadood ah xafiiltan gaar ah ayaa u dhexeeyey, sababtuna waa  inay laba naadi oo colaad weyn ka dhaxayso u ciyaarayeen, kulan kastana waxa uu ahaa mid bandhigga uu midkood sameeyo lagu qiimeeyo midka kale.

Cristiano Ronaldo ayaa xafiiltankoodii hoos u dhigay markii uu ka tegay Real Madrid ee uu Juventus ku biiray xagaagii balse horraantii toddobaadka ayaa uu ka dalbaday Messi inuu kaga daba yimaaddo Talyaaniga, isaga oo ku dooday in xiddiga reer Argentine yahay mid aan weligii horyaal kale iyo koox kale oo aan ahayn Barcelona u ciyaaray.

Inkasta oo xog kasta oo ku saabsan midka wanaagsan labadan laacib oo lasoo bandhigaa ay dood keenayso, haddana waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa afar sababood oo Lionel Messi uu uga wanaagsan yahay Cristiano Ronaldo.

  1. Messi waxa uu kaga wanaagsan yahay Ronaldo la ciyaarista Kooxdiisa

Ronaldo waxa uu magac weyn ku kasbaday bandhig ciyaareedkii uu kusoo bandhigay garoomada xilliyadiisii Manchester United iyo Real Madrid iyo hadda uu uu shaqo wanaagsan ka sameeyey Juventus oo uu muddo bilo ah joogo. Sannadaha badan ee uu guulaha shaqsiga ah iyo midka kooxoodba gaadhay, marna muu ahayn ciyaartoy ku wanaagsan la ciyaarista asxaabtiisa garoonka ay ku wada jiraan, waxaanu jecel yahay in isaga la siiyo kubbadda oo uu kaligii isku dayo wax kasta halkii uu kubadda u celin lahaa ciyaaryahannada kale ee laga yaabo inay taagan yihiin meel wanaagsan oo ay gool ku dhaliyaan.

Arrintan waxay keentay in xilligiisii Real Madrid uu cakirmo xidhiidhka uu la leeyahay Gareth Bale iyo Sergio Ramos, waxaana dhacday oo xattaa jamaahiirtu goob-joog u ahaayeen in aanu u damaashaadin goolal uu dhaliyey Bale oo uu u muuqday inuu ka xun yahay.

Lionel Messi wuu kaga duwan yahay arrintan, waxaanu sameeyaa gool caawin ka badan midda Ronaldo u sameeyo asxaabtiisa, waxaana u dheer inuu aad ula farxo, la damaashaado, lana qoslo laacibiint kooxdiisa marka ay goolal dhaliyaan.

  1. Messi waa ciyaartoy kubbad samaynta kaga wanaagsan Ronaldo

Ronaldo waa halis marka uu kubadda ka helo agagaarka ama diilinta goolka kooxda kasoo horjeedda, waana ninka ay ugu cabsida badan yihiin kooxuhu, laakiin Messi wuxuu hayaa hal arrin oo uu kaga duwan yahay isaga.

 

Waxa uu Lionel Messi ka ciyaaraa booska loo yaqaano sagaalka beenta ah (false 9), garbaha bidixda iyo midigta iyo weliba khadka dhexe oo uu kubadda kasoo dhiso illaa khadka dambe ee difaaca. Waxa uu

leeyahay awood oo ku sameeyo isku-xig, kubbadda ugu habeeyo kooxdiisa marka culays ku yimaaddo, ugu dambayna si farshaxan leh u sameeya gool asxaabtiisu culayska kaga furfuraan.

Farsamadiisa cajiibka ah darteed, waxay si wanaagsan iskugu xidhmaan, isku fahmaan, una wada shaqeeyaan Busquets iyo Jordi Alba oo kubbad dhisidda kala qayb qaata, marka uu hore u dhaqaaqana waxay indhaha iska fahmaan Luis Suarez iyo Philippe Coutinho. Dhamaan farshaxankan uu ku fiican yahay Messi, waa kuwo uu ku fashilmo Cristiano Ronaldo.

  1. Messi wuu ka xarfad iyo kubbad dhiibis badan yahay Cristiano Ronaldo

Messi iyo Ronaldo midba jidkiisa gaarka ah ayuu ku ciyaaraa, kuna maamushaa kubaddiisa marka ay hore u socdaan, laakiin Messi wuxuu si farsamaysan u dhaafi karaa ciyaartoyga hortaagan isaga oo aan is-dhibin. Xili ciyaareedkii 2017-18, Messi wuxuu ciyaar kasta sameeyey celcelis ahaan 5.1 xarfad ah oo hore u socod leh halka uu Ronaldo kulan kasta sameeyey 1.1.

Awoodda uu u leeyahay inuu xarfadayn karo ciyaarta, waxay Messi u sahashay inuu kala daadiyo difaacyahannada sida habaysan kooxuhu u diyaarsadaan ee ka hor yimaadda, waxaana u raacda in kulan kasta uu kubadda dhiibo 2.4 halka uu Ronaldo haysto 1.4.

Arrintan waxa caddayn u ah, xili ciyaareedkii tegay, Lionel Messi wuxuu caawiyey 12 gool oo asxaabtiisu dhaliyeen, laakiin Ronaldo ayaa danayste ahaa waxaanu caawiyey 5 gool oo kaliya.

  1. Bandhigga Messi waa mid joogto ah

Ronaldo wuxuu ku guuleystay saddexdii Champions League ee ugu dambeeyey, shakina kuma jiro in isaga iyo Messi ay yihiin kuwa ugu horreeya ee bandhig ciyaareedkoodu joogtada yahay ee aanu hoos u dhicin. Laakiin haddii la eego dhamaan xili ciyaareedka, goolasha Cristiano Ronaldo hoos ayay u dhaceen halka Messi ay sare u kaceen xili ciyaareedkii tegay, kuna guuleystay kabta dahabka ah ee Yurub.

Meesha kale ee Messi uu joogteeyo waa in kulan kasta uu yahay laacib muuqda oo saamayn ku leh bandhigga kooxdiisa oo ugu yaraan uu caqabad ku noqdo difaaca kasoo horjeeda oo uu ka baabi’iyo, aakhirkana Suarez noqdo midka ka faa’iidaysta laakiin Cristiano Ronaldo wuxuu maqane jooga yahay kulamo badan amaba casaan iyo ganaax uu ku maqnaado sidii dhacday bilowga xili ciyaareedkii hore markii la ganaaxay kulankii Supercopa de Espana, taas oo keentay in Los Blancos ay kaalinta saddexaad ku dhamaysato horyaalka LaLiga.

Afartan arrimoodba waxay yihiin meelaha uu Lionel Messi kaga wanaagsan yahay ninka ay ficiltamaan ee Cristiano Ronaldo.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...