Friday, January 18th, 2019

Ka Hor Ciyaarta Ugu Weyn Ingiriiska, Tirada Dhaawacyada Liverpool & Manchester United Oo Gaadhay 16 Ciyaartoy Iyo Wareerka Xulashada Ee Sugaya Klopp & Mourinho

Published on December 13, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(13-12-2018) Garoonka Anfield ayaa lagu qurxin doonaa calamada labada kooxood Liverpool oo marti loo yahay iyo Manchester United marka la gaadho fiidnimada hore ee waqtiga Geeska Afrika ee maalinta Axadda xili ay labada kooxoodba ogyihiin natiijooyinka dhamaan 18ka kooxood ee kale ee horyaalka Premier League kula jira.

Kooxda Liverpool ayaa u dagaallami doonta inay sii ahaato naadiga kaliya ee illaa hadda guul-darro la’aanta ah ee aan dhinacooda dhulka la dhigin horyaalka, iyadoo kasoo hadhay Chelsea iyo Manchester City oo liiska kula jiray, hase yeeshee Man United ayaa wax walba samayn doonta si ay booskeeda kaalinta lixaad ee ay hadda ku jirto ugu sii adkaysan lahayd, una soo yarayn lahayd farqiga dhibcaha siddeeda ah ee Arsenal oo shanaad fadhidaa ay ka sarrayso.

Ciyaartan oo layska raacsan yahay inay tahay kulanka ugu weyn waddanka Ingiriiska maadaama labada kooxood yihiin kuwa ugu taariikhda weyn, ayaa waxa xulashada tababareyaasha Jurgen Klopp iyo Jose Mourinho madax xanuun ka dhigi doona daraasiin ciyaartooyo ah oo dhaawac ah, kuwaas oo wadartoodu tahay 16 ciyaartoy.

Dhaawacyada Liverpool

Naadiga ka dhisan gobolka Merseyside ee Liverpool, ayaa waxa uu kulankii nolosha ama geerida ee Salaasadii ay kaga adkaadeen Napoli waxa kaga dhaawacmay saddex ciyaartoy oo ku biiray liis kasii horreeyey oo afar ciyaartoy ku jireen oo ay ku diiwaangashanayeen dhaawacyadu.

Saddexdan laacib ayaa liiska ka dhigay toddoba, waxaana laacibka ugu horreeya ee liiskan kusii jiray uu yahay Alex Oxlade-Chamberlain oo dhamaadka xili ciyaareedkii hore dhaawac jabniin ah soo gaadhay, xagaagiina qalliin lagu sameeyey.

Waxa Chamberlain liiska ku wehelinayey Don Solanke oo soo laabashadiisu dhowdahay iyo Nathaniel Clyne oo aan xili ciyaareedkan la arag.

Joel Matip oo ku cawarmay kulankii Napoli ayaa afraynaya saddexda sare, waxaanu mari doonaa qalliin uu illaa bisha February u maqnaanayo, waxaase usbuuc ka hor sidaas oo kale lix usbuuc loogu diray Joe Gomez oo difaac ah.

Trent Alexander-Arnold ayaa isagana waxyeello soo gaadhay salaasadii, waxaana uu shaki ku jiraa inuu heli doono fursad uu kusoo laabto ka hor ciyaarta Man United, waxaase liiska dhaawacyada soo xidhaya James Milner oo dhibaato la sheegay in aanay weynayn soo gaadhay.

Tirada ciyaartoyga Liverpool ee dhaawaca ah ayaa waxay sidaas ku yihiin toddoba, marka la barbar-dhigo naadiga Mourinho ee ay la ciyaarayaan waxay u muuqataa Liverpool mid kaga sahlan dhinaca dhaawacyada.

Haddii dhamaan ay maqnaadaan xiddigaha aynu sare kusoo sheegnay, Klopp waxa uu samayn karaa xulasho kale oo wanaagsan, waxaana goolhayaha ugu soo bilaaban doona Alisson, khadka difaacana waxa taam u ah Dejan Lovren, Vigril van Dijk iyo Andy Robertson.

Afka hore ee weerarka ayey taam u yihiin Sadio Mane, Mo Salah iyo Roberto Firmino, halka khadka dhexe uu u kala xulan doono Xherdan Shaqiri, Wijnaldum, Fabinho, Naby Keita iyo Henderson.

Dhaawacyada Manchester United

Tababare Jose Mourinho waxa uu aaminsan yahay in natiijada liidata ee kooxdiisa Manchester United ay ka keento garoomada ay sabab u tahay dhaawacyada tirada badan, kuwaas oo tiradoodu sii badatay markii ay xalay la ciyaareen Valencia.

Marcus Rojo ayaa noqday ciyaartoygii ugu dambeeyey ee waxyeelo soo gaadho, waxaana beddel lagu saaray ciyaartii guul-darrada ee Arbacadii ay Valencia ku sadqaysay, waxaase ka horreeyey Luke Show oo la xaqiijiyey in aanu fursad u heli doonin ciyaarta Anfield iyo Scott McTominay.

Chris Smalling, Victor Lindelof, Matteo Darmian, Anthony Martial, Diogo Dalot iyo Alexis Sanchez ayaa dhamaantood dhaawac ah, waxaanay tirada xiddigihiisa ee liiskan ku jiraa yihiin sagaal.

Jose Mourinho waxa uu la dhibaatoon doonaa sida uu go’aan uga gaadhayo xulashada ciyaartoygiisa tirada yar ee caafimaadka qaba, waxaana uu Axadda la tegi doonaa Anfield inta illaa hadda la ogyahay David de Gea oo goolka uu ku bilaabi doono, Eric Baile, Phil Jonees iyo Ashley Young oo difaaca iska garab muuqan doona. Khadka dhexe oo ay is cidhiidhsan doonaan Jesse Lingard, Marouane Fellaini, Ander Herrera iyo Paul Pogba, halka weerarkana ay is kaashan doonan Muarcus Rashford iyo Romelu Lukaku.

Isku geyn dhaawacyada labada kooxood ayaya tiradoodu tahay 16 laakiin waa xili hore in la ogaado inay dhamaantood seegayaan ama qaarkood soo laabanayaan ka hor ciyaarta, waxaana warka ugu dambeeya uu soo bixi doonaa maalinta Sabtida oo tababare kastaa heli doono xiddigaha uu la shirtegi karo.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...