Friday, January 18th, 2019

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

Published on December 15, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee Noloshiisa’ kaddib markii uu kasoo laabtay dhaawac uu u jiifay tan iyo bishii May ee horraantii sannadkan, xilligaas oo uu dhaawac halis ah ka gaadhay lugta intii uu socday kulankii semi-finalka Europa League ee ay iskaga hor yimaaddeen Atletico Madrid.

Soo laabashadiisu, waxay noqotay mid la sugayay muddo toddoba bilood ah, waxayse nefis siisay tababare Unai Emery oo dersin difaacyahannadiisa ay dhaawacyo soo gaadheen sida Holding iyo Mustafi, waxaana uu tiir adag u noqday kulankii Qarabag oo noqday mid guul kaga farxiyey Koscielny.

“Wuxuu ahaa dhaawacii weynaa ee iigu horreeyey waahayga, waxaanay noqotay inaan waqti dheer qaato, laakiin wax badan ayaad naftaada ka baranaysaa, aadna waan u faraxsanahay. Waxay ahayd maalintii ugu dambaysay ee dibu-kabashadayda, sidaas darteed cutub cusub oo noloshayda ah ayaan bilaabay” Ayuu yidhi ciyaartii Qarabag kaddib.

Haddaba, dhaawacaas soo gaadhay bishii May ee dibedda ka dhigay garoomada muddada toddobada bilood ah, waxa  uu Arsenal ka hor istaagay fursad ay ku guuleysato Europa League oo haddii ay gacanta ku dhigi lahayd ay ka qayb-geli lahayd Champions League, laakiin dhibaatadu waxay noqotay markii daqiiqaddii 12aad loo yeedhay dhakhaatiirta ciyaartii Wanda Metropolitano oo ahayd lugtii koowaad, waxaana lagu qaaday sariirta dhaawacyada oo xattaa uu lugtiisa ku istaagi kari waayey.

Booskiisa waxa lagu soo beddelay Calum Chambers, laakiin waxa dhibaato ku noqday khadka dambe ee Arsenal inay maare u helaan Diego Costa oo marka horena dhaawac iskaga diray Koscielny oo hayey intii dambena jug kala daalay Chambers iyo Mustafi.

Sida ka muuqata muuqaal laga diyaariyey dhaawacii Koscielny, Diego Costa ayaa soo dul istaagay difaaca reer France oo dhaawac ah oo ay dul taagan yihiin Dr. Gary O’Driscoll iyo qaar ka mid ah ciyaaryahannada kale ee kooxdiisu, waxaana dhamaantood layaab ku noqotay sida fudud ee uu doodda uga dul abuuray Koscielny oo dhaawac ah.

“Laurent wuxuu dareemayey xanuun badan, waxaanu igu yidhi: ‘Wuu i laagay! wuu ilaagay!” Sidaas waxa yidhi Dr. Gary O’Driscoll.

“Kaddib waxa noo yimid Diego Costa, waxaanu i taabtay garabka isagoo leh: “Maan laagin, waxa aan maqlay sanqadha (jabniinka).”

Xaqiiqadu waxay ahayd in Koscielny uu dareemayay xanuun badan, una malaynayey in Costa uu laaday, waxaana iyaguna goobta yimid ciyaartooyo uu ka mid yahay Griezmann oo ay qaranka Faransiiska u wada ciyaaraan Koscielny, waxaana uu muujiyey jewi murugo leh.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...