Friday, January 18th, 2019

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

Published on December 15, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, iyadoo lagu saleynaayo marxaladda labada kooxood ee hadda kooxda Reds waa midda sida weyn loogu saadaalinayo iney guul gaarto kulanka Anfield inkastoo kooxdaan ay ku dhibaneed mudooyinkii dambe iney garaacdo kooxdaan oo uu hogaaminayo Jose Mourinho.

Reds haatan waa koox si weyn loogu saadaalinayo koobka horyaalka Premier League maadaama ay soo bandhigeen awood muuqata, waa kooxda kaliya ee ilaa iyo hadda aan laga adkaan kulamada horyaalka, tiiyo ay jirto iney la ciyaarayaan kooxda kaalinta 8-aad ee horyaalka.

Haddaba khabiirada Mirror Football ayaa isku khilaafay shaxda isku dhafka ah ee kulanka mid walba wuxuu doortay kooxdiisa gaarka ah, balse hal mid ayey ka midoobeen waana in shaxda uu mid walba u badiyo ciyaartoyda Reds maadaama ay ku jiraan qaab fiican.

David Maddock

Alisson; Alexander-Arnold, Gomez, van Dijk, Robertson; Wijnaldum, Fabinho, Pogba; Salah, Firmino, Martial

Kaliya Man United wuxuu kasoo qaatay labada xiddig ee reer France, Martial iyo Pogba kaliya ayaa boos ka heli kara kooxda Jurgen Klopp ayuu aaminsan yahay David.

Sidoo kale wuxuu qiil u yeelay doorashada Allison, wuxuuna ku sababeeyay iney is fahmi karaan afarta ciyaartoy uu u doortay daafaciisa, waana khabiirka kaliya ee doortay goolhayaha reer Brazil.

David McDonnell

De Gea; Alexander-Arnold, Van Dijk, Gomez, Robertson; Wijnaldum, Milner, Pogba; Mane, Salah, Martial

McDonnell kama qarsoona in Allison uu shaqo fiican qabtay, balse wuxuu qabaa in De Gea uu wakhti dheer tayadiisa ku cadeeyay ciyaaraha heerka sare, sidoo kalana wuxuu doortay afarta dambe ee Liverpool, kaliya Pogba iyo Martial ayuu kusoo daray.

Andy Dunn

De Gea, Alexander-Arnold, Bailly, Van Dijk, Robertson, Pogba, Henderson, Wijnaldum, Salah, Firmino, Mane

Andy wuxuu daafaca dhexe kusoo daray Bailly isagoo aaminsan in kooxda Red Devils ee hadda ay tahay koox ka fog in wax badan laga soo xusho marka lasoo hadal qaado kulanka.

Adrian Kajumba

De Gea; Alexander-Arnold, Bailly, Van Dijk, Robertson; Milner, Wijnaldum, Pogba; Mane, Salah, Martial

James Whaling

De Gea, Trent, Van Dijk, Gomez, Robertson, Pogba, Milner, Keita, Mane, Firmino, Salah

Alex Richards

De Gea; Alexander-Arnold, Bailly, Van Dijk, Robertson; Milner, Wijnaldum, Pogba; Mane, Salah, Martial

XOG: Lixda Kooxood Ee Aan Illaa Hadda Guul-darro Arag, Dalalka Ay Ka Ciyaaraan Iyo Xogta Kulamadii Ay Yeesheen.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...