Monday, July 24th, 2017

Tartan lagu dheelayo Garoon ladhigay Roog oo laga furay Magaalada Baladweyne+Sawiro

Published on June 9, 2017 by   ·   No Comments  ·  

(10-6-2017) Tartankan oo logu magacdaray tartanka nabada iyo isdhaxgalka bulshada Xafada Howlwadaag ee Magalada Baladweyne ayaa waxaa so qaban qaabiyay Ururka dhalinyarada Gobolka hiiraan,

Munaasabad kooban oo ka dhacday xafada Howlwadaag ayaa waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha xiiriirka Kubada Cagta Gobolka hiiraan Iyo Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka hiiraan Maxamed Cabdulaahi buraale Raaxeeye iyo dhalinyaradii ka qeyb galeysay tartankaas,

Tan iyo markii laguda galay bisha barakeysan ee Ramadaan waxaa xafadaha magalada Baladweyne ka socday Tartamo kala duwan  oo logu tala galay in is dhaxgalka korloogu nqaado waxana ka qeyb galaayo tartamadaas dhamaan bahda cayaaraha Baladweyne,

Dhawaan ayeey aheyd markii ay fureen tartanka cayaartooyda  Cuslaatay Ururka dhalinyarada Gobolka hiiraan kaas oo ay ku tartamayaan cayaartooy ka kala socoto xaafadaha Magalada baladweyne.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

alertThis is the FAR COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!