Tuesday, September 19th, 2017

Muqdisho iyo Muwaadiniin Soomaaliyeed ma dheelin koobka Caasimadaha Geeska Africa Sabab?

Published on June 15, 2017 by   ·   No Comments

(15-6-2017) Dad badan oo Soomaali ah ayaa si laab lakac ah u Taageeray Cayaartoyda lasheegay in ay matalayeen Magaalada Muqdisho ee ka qayb galay koobka Caasimadaha bariga Africa.

Cayaartoydaan lasheegay in ay ku dheelayeen magaca magaalada Muqdisho ayaa baartitaan aan ku Samayney waxaan ku ogaanay in dhamaantood ay yihiin kuwo aan weligood imaan Muqdisho in ay dhegta maqlaan mooyee waxaana laga keenay dalka Maraykanka oo ay ku dhasheen sidoo kale Waxa ay dhamaantood haystaan dhalashada Maraykanka.

Hadaba waxaa isweydiin leh waa maxay Sababta Maamulka Gobolka Banaadir u aqbaleen in dhamaan Cayaartoydii Muqdisho u Matashay koobka Caasimadaha Geeska Africa laga keeno dalka Maraykanka weliba hal Magaalo oo ah Magaalada Minnesota waa Su aal u baahan in wax badan layska weydiiyo.

Magaalada Muqdisho waxaa jooga Cayaartoy Tayo wanaagsan oo dheela Cayaarta Kubada Koleyga kuwaas oo u soo dhabar adaygey wixii dhibaato dalkeena ka dhacay matalay Xulka dalkeena kuna soo dheeley dalalka aan dariska Nahay waxaana muuqata in qurbo Joogta xilalka loo dhiibay ay u yeerteen qurba Joog kale isla markaana laxaqiray Cayaartoyda Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalka.

Qormadeyda ugama dan lihi in aan Canbaareeyo Cayaartoyda Laga keenay Maraykanka ee ku dheeley Magaca Muqdisho Guulana gaaray ee Waxaan doonayaa in aan iftiimiyo wax aan u arkay qalad oo ah xitaa in aan hal Cayaaryahan laga wedin Muqdisho lagana tegay kuwo badan oo har iyo habeen Tababar samaynayey loona sheegay in ay koobka Caasimadaha Muqdisho ku matali doonaan balse badalkeeda looga dhaqaaqay meel cidlo ah.

Waxaan isku dayey in aan Xiriir lasameeyo Cayaartoyda Mataleysey Muqdisho qaarkood garan maayaan luuqada Soomaaliga ama sifiican uguma hadli karayaan sidoo kale Garan maayaan halka ay Muqdisho kaga taal dunida mana imaan weligood hadaba Ruux aan garaneyn Caasimada dalkeen sidee ayuu u matali karaa Waa Su aal aan ka doonayo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho oo la ii sheegay in uu lahaa Fikirkii lagu xaqiray Cayaartoyda Soomaaliyeed ee Muqdisho ku nool.

 

99 koronto100

WARARKII UGU DANBEEYAY EE CAYAARAHA

Taageerayaasha Manchester United oo lagu dacweeyey hees ay u qaadaan Romelu Lukaku taas oo Tilmaameysa Xubintiisa Taranka

(20-9-2017) Taageerayaasha kooxda kubada Cagta Manchester United ayaa lagu eedeeyey in ay hees lagu tilmaamay anshax daro iyo ...

Jose Mourinho oo ku dhawaaqay Xiddiga ugu qoran Rigoore dhalinta Waa kuma?

(20-9-2017) Macalinka kooxda kubada Cagta Manchester United Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday Cayaaryahanka ugu qoran in uu ...

Marcel Desailly oo lagu Casuumay Finalkii Tartanka K/Cagta Djibouti Cup lana kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele+Sawiro

(20-9-2017) Kooxda ciiddamada gendermarie ee dalka Jabuuti ayaa ku guulaystay tartanka kubada cagta ee lo yaqaan Djibouti Cup ...

Mustaqbalka Edinson Cavani ee PSG oo mugdi galay kadib markii Neymar dalbaday in laga diro kooxda

(19-9-2017) Wararkii ugu danbeeyey ee laga helay dalka France ayaa sheegaya in Cayaaryahanka dalka Braziil ee Neymar uu ...

Danny Welbeck oo lashaaciyey mudo uu Garoomada dhaawac uga maqnaan doono?

(19-9-2017) Kooxda kubada Cagta Arsenal ee dalka England ayaa shaacisay dhaawac soo gaaray Weeraryahankeeda Danny Welbeck kaas oo ka ...

Lionel Messi 11 Rigoore ayaan siiyey Neymar Xiligii lasoo dhaafay

(19-9-2017) Cayaaryahanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi.ayaa shaaca ka qaaday in uu siiyey 11 Rigoore Saaxiibkii Neymar Xili Cayaareedkii ...

Daawo Sawirad Tababarka Real Madrid iyo Cristiano Ronaldo oo uu u dhamaaday ganaaxii

(19-9-2017) Kooxda kubada cagta Real Madrid ayaa samaysey diyaar garoow adag iyaga oo doonaya in ay ka guuleystaan ...

Liiska Xiddigaha u Tartami doona Golden Boy 2017 oo lasoo saaray

(19-9-2017) Waxaa lasoo Saaray liiska Cayaartoyda kubada Cagta Caalamka ee u tartami doona abaal marinta Xiddiga da.da yar ...
.

Halkaan Ka Daawo Ciyaaraha Dalka

.