Monday, July 24th, 2017

Barcelona oo Manchester City kala wareegtay Toni Duggan+Sawiro

Published on July 6, 2017 by   ·   No Comments  ·  

(06-07-2017) Kooxda kubada Cagta Barcelona ee dalka Spain ayaa soo bandhigtay Cayaaryahanad ay kala wareegeen Naadiga Manchester City taas oo lagu magacaabo Toni Duggan.

Naadiga Barcelona ayaa Gudoonsiisey Funaanada ay ku dheesho gabadhaan oo u dhalatay dalka England taas oo dhanka Weerarka uga Cayaareysey Kooxda Manchester City.

Toni Duggan ayaa Noqoneysa Cayaaryahankii koowaad ee Barcelona lawareegto tan sanadkii 1986 dii Markaas oo ay iibsadeen Xidigii Gary Lineker oo ay ka qaateen Liverpool waxaana gabdhaan ay Barcelona u saxiixday heshiis Gaaraya 4 Sano.

Gabadhaan oo 25 Sano jir ah ayaa u dheeli doonta kooxda Haweenka ee Kooxda Barcelona kuwaas oo Xiligii la soo dhaafay ku hungoobey in ay ku Guuleystaan koobab muhiim ah.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

alertThis is the FAR COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!