Monday, July 24th, 2017

Ugu danbayn Gianluigi Donnarumma oo Saxiixay heshiis cusub oo uu lagalay AC Milan

Published on July 6, 2017 by   ·   No Comments  ·  

(06-07-2017) Wararkii ugu danbeeyey ee laga helay heshiiska kooxda AC Milan iyo u dhaxeeya Goolhaye  Gianluigi Donnarumma  ayaa sheegaya in Xidigaan 18 sano jirka ah uu Saxiixay heshiiska cusub ee uu kula joogayo Naadigiisa.

Wargeyska Goal.com ayaa cadeeyey in uu helay Warar hoose Maalintii Khamiista waxaana uu leeyahay waa lagu heshiiyey in Xidigaan uu Saxiixo heshiis 5 Sano ah oo uu kula joogi doono kooxdaas.

Gianluigi Donnarumma ayaa wakiilkiisa Mino Raiola iyo maareeyaha Cayaaraha AC Milan Massimo Mirabelli ayaa ku kulmay Radisson Blu Hotel waxaana ay ku heshiiyeen in Xidiga dalka Talyaanigu Saxiixo heshiis 5 Sano ah oo uu kula joogi doono Naadigiisa.

AC Milan iyo Gianluigi Donnarumma ayaa dhawaan ku kala dareeray wadahadal ladoonayey in uu heshiis cusub kula Galo kooxda AC Milan balse hada lacadeeyey in uu ogolaaday in uu lasii joogo kooxdiisa.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

alertThis is the FAR COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!