Monday, July 24th, 2017

Fifa oo Cayaaraha ka joojisay naadiyada Suudaan Sabab?

Published on July 8, 2017 by   ·   No Comments  ·  

(08-07-2017) Xidhiidhka Kubadda Cagta Adduunka ee Fifa ayaa Suudaan ka mamnuucday ciyaaraha, sababtuna waxay tahay faragalinta ay dawladdu ku hayso ciyaaraha.

Bishii hore ayaa digniin loo soo jeediyay ka dib markii ay dawladdu madaxweyne cusub u magacawday xidhiidhka kubadda cagta ee Suudaan.

Naadiyada Al Hilal iyo Al Merreikh ayaa laga hor istaagay in ay ka qaybqaataan ciyaaraha koobka horyaallada Afrika halka kooxda Al Hilal laga joojiyay tartanka Confederation Cup.

 

Taasi waxay ka dhigan tahay in ay baaqanayaan labo ciyaarood oo ay maanta oo Jimce ah yeelan lahaayeen Hilal iyo Merreikh.

Al Merreikh ayaa la ciyaari lahayd naadiga Etoile du Sahel ee ka dhisan dalka Tunisia, halka Al Hilal ay marti galin lahayd Ferroviario Beira oo ka socota dalka Mozambique.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

alertThis is the FAR COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!