Thursday, January 18th, 2018

Vallejo Oo Dhaxlay Lambarkii Pepe

Published on July 8, 2017 by   ·   No Comments  ·  

(08-07-2017) Real Madrid ayaa buuxisay booskii uu banneeyey halgamaagii reer Portugal ee Pepe oo ka tegay kooxdan oo uu u ciyaarayay muddo toban sannadood ah.

Difaaca da’da yar ee Jesus Vallejo oo ka mid ah ciyaaryahannada kasoo baxay da’yarta Real Madrid ayaa ay kooxdu kasoo celisay amaah uu ugu ciyaaray xili ciyaareedkii hore kooxda Eintracht Frankfurt oo uu ku muujiyey inuu gaadhay wakhtigii uu xidhan lahaa funaanadda Real Madrid ee loollanka badan looga baahan yahay.

Duhurnimadii Jimcaha ayay Real Madrid kusoo bandhigtay garoonka Santiago Bernabeu ciyaartoygeedan oo xidhan funaanad uu dhabarka kaga qoran yahay lambarka 3 oo uu xidhan jiray Pepe.

Hadal uu warbaahinta siiyey ayuu ku sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu ka mid noqdo kooxda Real Madrid ee waaweynka, isla markaana uu ku dedaali doono inuu u dagaallamo booskiisa oo uu kasoo baxo waajibaadka saaran iyo waxa laga filayo ba.

Waxa uu tibaaxay inuu ogyahay in laga sugayo shaqo badan, naf-hurnimo iyo inuu ilaaliyo qiimaha ay Real Madrid leedahay ee wakhtiga dheer layska soo dhaxlayay.

Waxa kale oo uu uu xusay in uu aad ugu farxay markii loo sheegay inuu xidhanayo lambarka 3 oo uu banneeyey Pepe, taas oo dhiirigelin u noqotay. Waxa kale oo uu carrabka ku adkeeyey mahadnaq uu u diray maamulka, ciyaartoyga iyo tababareyaasha kala duwan oo lagu daray taageereyaasha kuwaas oo uu sheegay inay usoo dhoweeyeen si cajiib ah.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Xiriirka UEFA oo baaritaan ku samaynaya Manchester United Sabab?

(18-1-2018) Xiriirka kubada Cagta qaarada yurub ee UEFA ayaa laxaqiijiyey in ay baartaan ku samayn doonaan Manchester United ...

Warbixin: Dhibka haysta Real Madrid iyo Cayaartoyda ay doonayaan?

(18-1-2018) Madaxweynaha Real Madrid, Florentino Perez waxa uu aaminsan yahay in wakhtigii BBC uu dhamaad ku dhow yahay, ...

Henrikh Mkhitaryan oo fariin Macasalaameys ah u diray Taageerayaasha Manchester United

(18-1-2018) Cayaaryahanka kooxda kubada Cagta Manchester United Henrikh Mkhitaryan ayaa bartiisa bulshada ku soo qoray fariin uu ku ...

Dhamaan kooxaha Premier League Cayaartoyda ka tagtay iyo kuwa ay soo qaateen bishaan Janaayo

(18-1-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal dhamaan kooxaha Horyaalka Premier League  dalka England Cayaartoyda ay qaateen bishaan Janaayo iyo ...

SHALAY MAANTA KU ILOW,MILYINEERKA CUSUB EE ENGLAND SANCHEZ LACAG IYO MAGAC AYUU DOONTAY:OGOW SIRTA?Sawiro

(18-1-2018) Alexis Sanchez ayaa caawa si rasmi ah ugu biiri doona kooxdiisa cusub ee Man United oo ah ...

Saadaaliyaha Cayaartoyda imaaneysa Man United Jesse Lingard oo sheegay in diyaarsaday qaabkii uu u Salaami lahaa Alexis Sanchez

(18-1-2018) Xiddiga kooxda kubada Cagta Manchester United Jesse Lingard ayaa bartiisa Instagram+ka soo dhigay hadalo uu ku muujinayo soo dhaweynta ...

Daawo Sawiradii ugu danbeeyey Alexis Sanchez oo ku sii jeeda Manchester United

(18-1-2018) Kadib maalmo badan oo la dhamayn waayey heshiiska Cayaaryahanka dalka Chile ee Alexis Sanchez ayaa hada waxaa lasheegayaa ...

Fariintii qiirada lahayd ee uu Garoomada ku Sagootiyey Ronaldinho?

(18-1-2018) Xiddigii hore ee xulka qaranka Brazil iyo kooxaha Barcelona, PSG iyo AC Milan ee Ronaldinho ayaa farriin ...

Heshiiska Alexis Sanchez oo lashaaciyey Xiliga uu dhacayo?

(18-1-2018) Kadib maalmo badan oo la dhamayn waayey heshiiska Cayaaryahanka dalka Chile ee Alexis Sanchez ayaa hada waxaa lasheegayaa ...

Cajiib! Taageereyaasha PSG Oo Cay U Miisay Neymar Markii Uu Dhaliyey Goolka 4aad

(18-1-2018) Neymar ayaa markii u horreysay taariikhdiisa casriga ah ee Yurub, waxa uu u dabbaal-degay afar gool oo ...

Nicolas Otamendi:Noloshaydii ayaa u hibeeyay kooxda Man City:

(18-1-2018) Nicolas Otamendi ayaa saxiixay heshiis cusub oo kooxda ku sii haynaya ilaa 2022, Otamendi oo Man City u ...

Neymar oo xalay wax lala yaabo ka dhigay horyaalka faransiiska Xili Edison Cavani uu Soo Qabtey Record-kii Zlatan Ibrahimovic+SAWIRRO

(18-1-2018) Edinson Cavani ayaa Noqonaya ciyaaryahanka ugu goolasha badan kooxda Paris Saint-Germain maadama uu xaley dhaliyey gool uu u baahnaa ...

Kooxda Barcelona oo laga jabiyay rikoorkii guul dara la,aanta xilli Kooxda Espanyol ay garaacday+SAWIRRO

(18-1-2018) ooxda Espanyol ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee xili ciyaareedkan guuldaro u soo xambaarisay kooxda Valverde ee saddexda ...

Kooxda Chelsea oo Rigooreyaal uga Badisay Norwich xilli laba casaan ah kooxda la siiyay+SAWIRRO

(18-1-2018) Chelsea ayaa dhibaato wayn kala kulantay kooxda heerka labaad ee Norwich City iyada oo rekoodhayaal 5-3 ah ugu ...

Xiddig u dheela oo Maxkamadi Xukun ku riday Sabab?

(17-1-2018) Daafaca 25 jirka ah ee baasha midig uga ciyaara Liverpool ee Jon Flanagan ayaa lagu helay inuu ...