Monday, July 24th, 2017

AC Milan oo si rasmi ah ula soo wareegtay Xidiga Przemysław Bargiel

Published on July 12, 2017 by   ·   No Comments  ·  

(12-7-2017) Kooxda kubada Cagta AC Milan ayaa sirasmi ah ula soo wareegtay Cayaaryahan da.yar oo lagu magacaabo Przemysław Bargiel kaas oo ay kala soo wareegeen Naadiga Ruch Chorzów.ee dalka Poland.

Przemysław Bargiel oo ah Cayaaryahan 17 Sano jir ah ayaa AC Milan kula soo wareegtay aduun lacageed gaaraya €350,000 oo lagu daray €150,000 ay Milan bixin doonto hadii uu Noqdo Cayaaryahan wanaagsan.

Maareeyaha Cayaaraha kooxda AC Milan  Massimiliano Mirabelli ayaa sheegay in Xidigaan uu yahay mid aad ugu fiican kubada Cagta isla markaana ay doonayaan in uu ku soo bar baaro kooxda Milan waxaana uu maray Tijaabo Caafimaad.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

alertThis is the FAR COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!