Saturday, November 18th, 2017

Daawo Sawirada James Rodriguez oo lagu soo dhaweeyey kooxdiisa Cusub ee Bayren Munich

Published on July 12, 2017 by   ·   No Comments  ·  

(12-7-2017)) Xiddiga James Rodriguez ayaa ka tegay kooxdiisa Real Madrid waxaana uu qaab amaah ah ugu wareegay kooxda Bayern Munich, waxaana sidaas ku dhawaaqday inay heshiis amaah 2 sannadood ah kula wareegeen kooxda Munich.

Kooxda Bayern Munich ayaa xiddigii khadka dhexe ee Real Madrid James Rodriguez saxiixiisa ku garaacay kooxaha Manchester United iyo Paris Saint-Germain oo si weyn u doonayay ciyaar yahankan, waxaana Bayern ay heshiiska amaahda ku bixisay 10 million uero, iyadoo kuwada iibsan karta marka la gaadho 2019 35.2 million uero sida ay Bayern sheegtay.

Heshiiska uu James Rodriguez ugu wareegay Bayern Munich ayaa ah mid lama filaan ah iyadoo kooxaha Bayern iyo Real Madrid ay ku heshiiyeen inuu xiddiga reer Colombia uu 2 sannadood amaah ku joogo Allainz Arena iyadoo kooxda haysata horyaalka Bundesliga ay ikhtiyaar u leedahay inay iibsato markaas oo bixinayso adduun lacageed oo gaadhaya 35.2 million uero.

Xiddiga reer Colombia oo boos joogta ah ka waayey kooxda Zinedine Zidane ayaa xagaagan doonayay inuu isaga dhaqaaqo Bernabeu, waxaana si xoogan loola xidhiidhinayay kooxaha Manchester United iyo PSG oo loo arkayay inay ugu cadcad yihiin saxeexiisa, xitaa waxaa lala xidhiidhinayay kooxda heysata horyaalka Ingiriiska ee Chelsea.

Balse si lama filaan ah waxaa dhowrkii saacadood ee ugu danbeysay soo baxday in Bayern Munich ay wadahadalo horumar leh la gashay Real Madrid waxaana ay heshiis amaah ah kula wareegeen xiddiga sida weyn loo qiimeeyo ee reer Colombia.

Warbixin ay soo saartay Bayern Munich ayaa lagu yiri: “FC Bayern Munich iyo Real Madrid waxa ay ka heshiiyeen saxeexa xiddiga reer Colombia James Rodriguez maanta oo Salaaso ah. Labada kooxood waxa ay isku raaceen heshiis amaah 2 sannadood ah oo ku eeg 30-ka June 2018 iyadoo markaas ay Bayern Munich ikhtiyaar u leedahay inay iibsato.

Xiddigii hore ee kooxaha FC Porto iyo Monaco ayaa saftay 77 kulan oo La Liga ah seddexdii xilli ciyaareed ee uu joogay kooxda Real Madrid, waxaana uu mudadaas dhaliyey 22-gool.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Waakuma bartilmaameedka koowaad ee Manchester United bisha Janaayo?

(18-11-2017) Macalinka kooxda kubada Cagta Manchester United Jose Mourinho ayaa soo saaray Magaca Xiddiga u ah bartilmaameedka koowaad ...

Maxaad jeclaan lahayd in aad ka ogaato kulanka xiisaha badan ee Leicester City iyo Manchester City?

(18-11-2017) Waxaa lacayaari doona Sabtiga kulan xiiso badan oo u dhexeeya Hogaamiye yaasha Horyaalka dalka England iyo Leicester City ...

Falanqeynta kulanka darbiga Waqooyiga London ee u dhexeeya Arsenal iyo Tottenham Hotspur

(18-11-2017) Marka ay jirto Cayaarta loogu magac daray darbiga Waqooyiga London dadka Magaaladaas ku nool intooda badan waxay ...

AC Milan oo soo saartay Cayaartoyda u matali doonta kulanka Napoli

(17-11-2017) Macalinka kooxda kubada Cagta AC Milan ayaa soo saaray Cayaartoydiisa u diyaarka ah kulanka ay lacayaari doonaan ...

Zidane Oo Ka Hadlay Khilaafka Ronaldo Iyo Ramos, Kulanka Atletico Madrid, Xaaladda Dhaawaca Iyo Arrinta Modric & Carvajal

(17-11-2017) Macalinka kooxda kubada Cagta Real Madrid, Zinedine Zidane ayaa shaaciyey in aanu jirin khilaaf u dhexeeya ciyaaryahannada ...

Neymar oo Sabab amaan uga guuray Gurigii uu deganaa?

(17-11-2017) Cayaaryahanka kooxda kubada Cagta PSG ee Neymar ayaa lasheegayaa in uu ka Guuray Gurigii uu ka deganaa ...

Hooyada darbiga Madrid yeyse Taageeri doontaa labadeeda wiil oo cadaw isku noqon doona+Sawiro

(17-11-2017) Habeen danbe waxaa kulan adag oo darbi ah uu dhex mari doonaa kooxaha kawada dhisan Caasimada dalka ...

Magacyada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan magaca weyn hadana aan weligood Horyaal qaadin?

(17-11-2017) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal Magacyada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee magaca weyn kuleh kubada Cagta ...

Daawo Sawirada Tababarka Manchester United iyo Cayaartoy muhiim ah oo ku soo laabtay

(17-11-2017) Kooxda kubada Cagta Manchester United ayaa kujirta diyaar garoowga kulanka xiisaha badan ee ay lacayaari doonaan kooxda ...

Aubameyang Oo Dhaqan xumo darteed Looga Saaray Liiska Kooxda Borussia Dortmund

(17-11-2017) Kooxda Borussia Dortmund ayaan soo safaynin ciyaaryahankooda afka hore uga dheella ee Pierre-Emerick Aubameyang sababo anshax la ...

Xiddig Bisha Premier League oo lasoo saaray yaa ku guulaystay

(17-11-2017) Xiddiga Manchester City Leroy Sane ayaa loo magacaabay ciyaaryahanka ugu wanaagsan horyaalka Premier League bishii October, waana ...

Tababareha bisha Premier League oo la shaaciyey waa kee?

(17-11-2017) Tababareha kooxda Man City Pep Guardiola ayaa ku guuleysatay abaal-marinta macallinka bisha, kaddib rikoorkiisii heerka sare ahaa ee ...

CECAFA Challenge Cup 2017 oo Somalia aan ka qayb gali doonin sababta ogow?

(17-11-2017) Tartanka CECAFA Challenge Cup 2017 ayaa waxaa lasoo saary wadamada ka qayb gali doona sanadkan waxaana ka maqan ...

Garoonka cusub Chelsea oo Noqon doona Garoonka ugu Qaalisan Yurub,imisa lacag ayaa ku baxaysa+SAWIRRO

(17-11-2017) Garoonka kooxda Chelsea ayaa ku qarash gareyn doonta dib u hagaajinta iyo dhisme ballaarin lagu sameynayo Stamford ...

Antonio Conte oo markale Go aan ka qaatay David Luiz?

(17-11-2017) Macalinka kooxda kubada Cagta Chelsea Antonio Conte ayaa markale Go aan ka qaatay daafaca dalka Braziil ee ...