Tuesday, September 19th, 2017

Kooxda Real Madrid oo Shaacisay Nambaradda ay Xiran doonaan Cayaartoydooda Cusub & dhammaan Xiddigaha Naadiga

Published on July 12, 2017 by   ·   No Comments

(12-7-2017) Kooxda Real Madrid ayaa soo ban-dhigtay Nambaradda ay xidhan doonaan ciyaartoydoodu, kadib markii ay dhammeystirtay saxeexa difaaca bidix ee reer Spain Theo Hernandez, sidoo kalena waxay dib u soo ceshadeen wiilkii amaahda kaga jiray horyaalka Bundesliga ee Jesus Vallejo inkasta oo la filayo in dhawaan lagu dhawaaqo saxeexa Dani Cabellos.

Real Betis iyo Real Madrid ayaa ka heshiiyay arrinta wiilka khadka dhexe uga ciyaara xulka qaranka Spain Dani Cabellos, kaas oo iska diiday fursad ay u soo ban-dhigtay kooxda Barcelona, mana ka mid aha ciyaartoyda la shaaciyey Namberka ay xidhan doonaan.

Ciyaartoyga Theo Hernandez ayaa wuxuu xidhan doonaa namberka 15-aad ee kooxda, halka Jesus Vallejo uu doortay inuu xidho namberka 3-aad. Real Madrid waxay lumisay dhawr ciyaartoy oo ay ka mid yahiin Pepe, Fabio Coentrao iyo Mariano Diaz, iyada oo weli aan namberkiisa la shaacin Marcos Llorente.

Sida lagu qoray Marca Fernando Llorente iyo Dani Cabellos waxay kala xidhan doonaan namberadda 18-aad iyo 24-aad, balse weli xaqiiq maaha, waxaase xaqiiq ah in xiddiga khadka dhexe ee James Rodriguez uu qaab amaah ah ugu biiray kooxda Bayern Munich.

Ciyaartoyda labada ah ee la filayo inay iskaga guuraan Santiago Bernabeu Danilo iyo Alvaro Morata ayaa ku jira liiska magacyada la soo ban-dhigay, kuwaas oo weli xidhan namberadooda.

99 koronto100

WARARKII UGU DANBEEYAY EE CAYAARAHA

Taageerayaasha Manchester United oo lagu dacweeyey hees ay u qaadaan Romelu Lukaku taas oo Tilmaameysa Xubintiisa Taranka

(20-9-2017) Taageerayaasha kooxda kubada Cagta Manchester United ayaa lagu eedeeyey in ay hees lagu tilmaamay anshax daro iyo ...

Jose Mourinho oo ku dhawaaqay Xiddiga ugu qoran Rigoore dhalinta Waa kuma?

(20-9-2017) Macalinka kooxda kubada Cagta Manchester United Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday Cayaaryahanka ugu qoran in uu ...

Marcel Desailly oo lagu Casuumay Finalkii Tartanka K/Cagta Djibouti Cup lana kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele+Sawiro

(20-9-2017) Kooxda ciiddamada gendermarie ee dalka Jabuuti ayaa ku guulaystay tartanka kubada cagta ee lo yaqaan Djibouti Cup ...

Mustaqbalka Edinson Cavani ee PSG oo mugdi galay kadib markii Neymar dalbaday in laga diro kooxda

(19-9-2017) Wararkii ugu danbeeyey ee laga helay dalka France ayaa sheegaya in Cayaaryahanka dalka Braziil ee Neymar uu ...

Danny Welbeck oo lashaaciyey mudo uu Garoomada dhaawac uga maqnaan doono?

(19-9-2017) Kooxda kubada Cagta Arsenal ee dalka England ayaa shaacisay dhaawac soo gaaray Weeraryahankeeda Danny Welbeck kaas oo ka ...

Lionel Messi 11 Rigoore ayaan siiyey Neymar Xiligii lasoo dhaafay

(19-9-2017) Cayaaryahanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi.ayaa shaaca ka qaaday in uu siiyey 11 Rigoore Saaxiibkii Neymar Xili Cayaareedkii ...

Daawo Sawirad Tababarka Real Madrid iyo Cristiano Ronaldo oo uu u dhamaaday ganaaxii

(19-9-2017) Kooxda kubada cagta Real Madrid ayaa samaysey diyaar garoow adag iyaga oo doonaya in ay ka guuleystaan ...

Liiska Xiddigaha u Tartami doona Golden Boy 2017 oo lasoo saaray

(19-9-2017) Waxaa lasoo Saaray liiska Cayaartoyda kubada Cagta Caalamka ee u tartami doona abaal marinta Xiddiga da.da yar ...
.

Halkaan Ka Daawo Ciyaaraha Dalka

.